Dhadhab hadduu dhimiiro leeyahay qabiil dhaladka Somali waxa - TopicsExpress



          

Dhadhab hadduu dhimiiro leeyahay qabiil dhaladka Somali waxa dhab ah dhudaan ahay inaan cidina dhaafayne dhidibkii Salaan baan ahay oo koodi muu dhalanne mar haddaanu Dhuux ila hadlayn dhimay Abwaankiiye Alaylehe Dhulbahantaa jaboo dhaban ku yaalaaye dhedig caano weeye middii dhawrsan garan weyda iyadiyo dhalaankaba afkaa laga dhirbaaxaaye wax kastaba ha dhurtee naag la furay kii ????? ragga hadalku so dhaafayow waa ku dhaxasheene dhulka maalintaad timi wixi dhacay la soo qaadye dhirtu wey dadaa wayse kala dhuub macaantahaye haddaan cadayga dhawrto iyo haddaan dhuuqsinta abaaro sow naaggo dhaadheer midhkii looga dhici maayo afartaa dhalaaxdiyo haddaan dhalada so qaaday dhicis laguma gawraco warmahaad dhiig u tumataye waxaan dhubuqyo heensaday raggay naga dhaxeeyeene dhuduc kalana waa liitidii hal aan ku dhoobaystay Dhoodaan ninbaa tumay hadduu idinku dheeraaye dhafoorada xadiid kala dhacay iyo dhoomayaal culuse dhulkaan ugu ridee waydinkaa dhawr usoo baxaye Cali kuma dhidhaysaan habaab shayna kaa dhicine dhalmadiyo haddii guur haween lagu dhaqaalaysto dhixirkooda kuma soo noqdee midaan ku dhaafaynin haddaad dhalan rogteen reerba reer dhinaca soo saarye way dhogor xumaysteen kuwii idinku dheehnaaye Ogaadeenkii dhiidhida galow waa dhex hurudaane oo dhabarka sii saaraysaan dhoobo saaidae dhulka idnila goay waa Isaaq dhaxal madoobeeye dhurwaaba idin yidhi waa hal oo dhagac ku siiseene dhankastaba hadda laga maray oo dhoombir kaga qiiqye waxaan lagugu dhaafaynin waa sidigti Dhaameele ma dhadhamin haddaad leedihiin waa ka dheregteene dharigiyo dhadhaarada halkuu dhoolku ka hilaaco hadba dhan ula guurtee waxaad dhagagsigaa maasho jidadkaad dhubqaalynayseen layska soo dhababye dhufayskaana laysugu jiraa ways dhalfa ogayne dhabalooxadiiniyo halkaa dhererantiin caawa dhabahaa ka tuugaysataan dhabarka Las-caano waa dhawdii Habar Yoonisoon loo dhagaatiyine imikaanay dhoobdhoob lahayn dhacantay mooyaane dhibbi waxay ka joogtaa raggii dhiigga kululaaye lagu kala dhaqaaq saaka tii aan dhudhuminaaye waagii dharaarow xaqqii dhayda ka cadeeye dhoof laguma raaggii raggi dhiirana yimide ma cirkay ka soo dhici haddaad dhega barjawdeene dhabar-jabintu waa xoogagay dhubuq ka siiyeene waxaan magaca ugu dhaatay iyo dhalasho waa hiile dhoomaha la tiray reerahaa dhacanta loo jiiday waa gaaskii dhuunyaalahee dhoodi maalmahane hilinkuu ka dheef-quudin jiray waa ka soo dhaliye dhakhso waan idiin jeedinee dhaaca iyo maydka dhudhunbaan idiin sheeganee waxase dheeraadah in ciidankii dharsanaa shicib u dhuuntaane dhuugaan ka riday waa hal iyo kii la dhaadhiyaye dacawgii dhegaatiga cuniyo dhaan dambiyo faytin mid dambo dhankiina ah Walloon cidi u dhiibayne tukihihii dhigaanka u qotomay dhiitadiyo xoorka sidaan kaaga dhaar galay ayaan loga dhaashiine wataad sidaa ugu dhaganayd dhiisha caanahae dhalandhoolka waataan ku jiray dhuubatiyo ciile dhugatoobayeey waa rasaas waxaan ku dheefaaye dhafoor taabashada naaquskaan keebkaan dhaansadaye dhexda suunka weeyaan markaha dhaayin lo tolaye dhacsadaye habeenyohow waataa dhiilka loo culaye eey dheega sumadii ku taal dhogor casuuslaye dhibidiyo tawaadiisu waa dhudiyo heemaale dhacadiid kumaan soo xarayn taan u dhiig baxaye dhuuni qaatayow aan wajiga dheeha ku lahayne dharkaad xidhato baalha madow dhuni rogadkiisa numbarada sidaad ugu dhigtiyo xeel ku dhaqankiisa waa waxaad dhigiin kaga hadheen ka idin dhuunsadaye dhukus iyo dhagaystaba hambada kii dhuftaan ahaye dhadhabtuu ku yidhi hoo liq eed dhuunta marin weyday waxaad dhariga kala soo baxdeen dhagax-baruurkiiye dhure waxaad ku soo qadhafsataan dhabaqsi mooyaane war dhulbaad xoraysan hungri baad u dhimateene
Posted on: Tue, 22 Oct 2013 21:55:40 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015