Fadlan Faafi oo gaarsii walalka aan ogeyn Ama walaasha aan ogeyn - TopicsExpress



          

Fadlan Faafi oo gaarsii walalka aan ogeyn Ama walaasha aan ogeyn waa codsi baaxad wayn adoo waliba u raacina duco qofwalba oo dhageysta heesaha Aad baana u mahadsantahay. ´☆·•.¸.•* Waano ku socota qofkasta oo hesaha dhageysta.´☆·•. ´☆·•. Ma ogtahay in heesaha aad dhageysato ay xaaram yihiin ?? hadee jawaabtadu haa tahay oo aad ogtahay in heesuhu xaaram yihiin ... maxaad u dhageysataa ?? Soow ma ogid in adan leheen adiga dhagahan ad ku dhageysaneyso heesaha!! Sow ma ogid In Ilaahey kaa qaadi karo dhagaha adigoo ku dhageysanaya music iyo lahwi?? Soow ma ogid In Ilaahey caradiisa kugu dhaceeyso ?? Miyaadan uga cabsaneyn Alle dhagahaada ?? Miyaadan ka xishooneyn Allehi ku abuuray,ku irzaaqay,cafimaad ku siiyay,Islaam kaa dhigay,caqli aaad wax ku kala garato ku siiyay sida xumaanta iyo samaanta ??? Soow ma ogid in ay heesaha kaa mashquulinayaan dikriga IYO Xuska Ilaahey oo ay kaa fogeynayaan Ilaahey. Sow ma ogid in heesuhu qalajiyaan qalbiga ? Maxaa kuu sugnaaday walaal aad uga Xishoon ladahay Rabbigii kuu nimceeyay ?? mise dan kama lihid inaad xiishooto iyo in kaleba ogow Rabbi waa kuu jeeda wax walba oo aad sameyneyso wana lagaa abaal marinaya wax kasta oo aad hormarsato maanta... Hadii aad tahay qof caqli leh waad iska dayneysaa oo iska dhaaafeysaa dhageeysiga heesaha maanta wixii ka danbeeya adigoo iskaga deynaya inuu Ilaahey kaa raali noqdo kuuna danbi dhaafo,kuuguba badalo Dhageysiga Quranka iyo muxaadaraadka iyo wax walboo kheer ah. Ogowna wax aad jeceshahay hadii aad uga tagto Alle dartii inuu kugu badalaayo wax ka fiican oo ka kheyr badan. Maanta goaan ka gaar heesaha!! Maxaa igu saacidaaa inaa daayo heesaha Hadii uu Qof is waydiiyo sidee ayaan iska daaya dhagaysiga Heesaha oo ay ku adkaato ha yeelo talaabooyinka soo socda:- cida ku dhaqaaqda insha allah way ku guulaysanaysaa. 1. Hala yimaado toobad dhab ah, hana ahaado mid hamigiisu sareeyo geesinimona leh si uu u qaato go’aan adag. 2. Ha burburiyo wixii cajalado heesa ah ee uu hayo. 3. Hadii uu dareemo in uu u baahan yahay dhagaysigii laxanka heesaha si deg deg ah ha u soo qaado kitaab quraan ah oo uu akhristo si ay ugu degto naftiisu xumaantana uu uga joogsado, hadii aanu quraanka akhriyi karayn ha soo qaato cajalad quraan ah uu dhagayso ama cajalada kale oo muxaadaro ah. 4. Marka uu ka tago dhagaysiga heesaha, qofka ku dheel dheela waa in aanu u celin wax hadal ah oo uu ku mashquulsanaado carabkiisu xuska illaahay, hadii uu mid ka mid ihi la hadlo waa in uu ku yidhaahdaa:- Illaahay Khayr ha kugu abaal mariyo, kalmadahan oo dhami waxay adbinayaan naftiisa, nafihiinana way hanuuninayaan. 5. Hadii aad la kulantaan cid ka mid ah ehelkiina oo dhagaysanaysa u sheega in ay xaaran tahay idinka oo ula hadlaya si degan, waxana aad hadyad ugu dirtaan kutub quraan ah iyo cajalado quraan iyo muxaadaro ah iyo kutub kale oo qiimo leh, waxana aad u waanisaan si degan idinka oo u sheegaya in dhagaysiga heesuhu idinka idinku yahay cidhiidhi. ¨Labadan mid dooro. 1. In Aad caro galiso Rabigaa oo aad ka jeesato xuskiisa iyo wax walbo ku dhaweynayo oo aad sii wadato inaad dhageysato heeso iyo lahwi aadna u dhawaato shaydaan music iyo macaasi. iyo 2. In aad Raali galiso Rabbigaa aad ka toowbad keento wixii aad dhageysan jirtay aad ka qoomameyso wixii aad horay u sameysay oo xumaan ah aadna noqoto qof kheerka ku dadaala oo Rabi Zidnii Cilmaagiis u dhawaada oo sameysa wax walba oo kheer ah Allah faray. Goaanka adiga iska leh dooro midkaad rabto. Ilahey ha ka madooweyo heesaha qof kastoo muslim ah qalbigiisana haka tirtiro heesaha iyo xummaanta hana inoo danbi dhaafo hana nagu toosiyo wadadii ay mareen dadkii wanagsanaa ee anbiyada,saalixiinti,shuhadadii. Allahuma ameen yaa rabi Axaadiith micnahooda afsomali ah Photo: Fadlan Faafi oo gaarsii walalka aan ogeyn Ama walaasha aan ogeyn waa codsi baaxad wayn adoo waliba u raacina duco qofwalba oo dhageysta heesaha Aad baana u mahadsantahay. ´☆·•.¸.•* Waano ku socota qofkasta oo hesaha dhageysta.´☆·•. ´☆·•. Ma ogtahay in heesaha aad dhageysato ay xaaram yihiin ?? hadee jawaabtadu haa tahay oo aad ogtahay in heesuhu xaaram yihiin ... maxaad u dhageysataa ?? Soow ma ogid in adan leheen adiga dhagahan ad ku dhageysaneyso heesaha!! Sow ma ogid In Ilaahey kaa qaadi karo dhagaha adigoo ku dhageysanaya music iyo lahwi?? Soow ma ogid In Ilaahey caradiisa kugu dhaceeyso ?? Miyaadan uga cabsaneyn Alle dhagahaada ?? Miyaadan ka xishooneyn Allehi ku abuuray,ku irzaaqay,cafimaad ku siiyay,Islaam kaa dhigay,caqli aaad wax ku kala garato ku siiyay sida xumaanta iyo samaanta ??? Soow ma ogid in ay heesaha kaa mashquulinayaan dikriga IYO Xuska Ilaahey oo ay kaa fogeynayaan Ilaahey. Sow ma ogid in heesuhu qalajiyaan qalbiga ? Maxaa kuu sugnaaday walaal aad uga Xishoon ladahay Rabbigii kuu nimceeyay ?? mise dan kama lihid inaad xiishooto iyo in kaleba ogow Rabbi waa kuu jeeda wax walba oo aad sameyneyso wana lagaa abaal marinaya wax kasta oo aad hormarsato maanta... Hadii aad tahay qof caqli leh waad iska dayneysaa oo iska dhaaafeysaa dhageeysiga heesaha maanta wixii ka danbeeya adigoo iskaga deynaya inuu Ilaahey kaa raali noqdo kuuna danbi dhaafo,kuuguba badalo Dhageysiga Quranka iyo muxaadaraadka iyo wax walboo kheer ah. Ogowna wax aad jeceshahay hadii aad uga tagto Alle dartii inuu kugu badalaayo wax ka fiican oo ka kheyr badan. Maanta goaan ka gaar heesaha!! Maxaa igu saacidaaa inaa daayo heesaha Hadii uu Qof is waydiiyo sidee ayaan iska daaya dhagaysiga Heesaha oo ay ku adkaato ha yeelo talaabooyinka soo socda:- cida ku dhaqaaqda insha allah way ku guulaysanaysaa. 1. Hala yimaado toobad dhab ah, hana ahaado mid hamigiisu sareeyo geesinimona leh si uu u qaato go’aan adag. 2. Ha burburiyo wixii cajalado heesa ah ee uu hayo. 3. Hadii uu dareemo in uu u baahan yahay dhagaysigii laxanka heesaha si deg deg ah ha u soo qaado kitaab quraan ah oo uu akhristo si ay ugu degto naftiisu xumaantana uu uga joogsado, hadii aanu quraanka akhriyi karayn ha soo qaato cajalad quraan ah uu dhagayso ama cajalada kale oo muxaadaro ah. 4. Marka uu ka tago dhagaysiga heesaha, qofka ku dheel dheela waa in aanu u celin wax hadal ah oo uu ku mashquulsanaado carabkiisu xuska illaahay, hadii uu mid ka mid ihi la hadlo waa in uu ku yidhaahdaa:- Illaahay Khayr ha kugu abaal mariyo, kalmadahan oo dhami waxay adbinayaan naftiisa, nafihiinana way hanuuninayaan. 5. Hadii aad la kulantaan cid ka mid ah ehelkiina oo dhagaysanaysa u sheega in ay xaaran tahay idinka oo ula hadlaya si degan, waxana aad hadyad ugu dirtaan kutub quraan ah iyo cajalado quraan iyo muxaadaro ah iyo kutub kale oo qiimo leh, waxana aad u waanisaan si degan idinka oo u sheegaya in dhagaysiga heesuhu idinka idinku yahay cidhiidhi. ¨Labadan mid dooro. 1. In Aad caro galiso Rabigaa oo aad ka jeesato xuskiisa iyo wax walbo ku dhaweynayo oo aad sii wadato inaad dhageysato heeso iyo lahwi aadna u dhawaato shaydaan music iyo macaasi. iyo 2. In aad Raali galiso Rabbigaa aad ka toowbad keento wixii aad dhageysan jirtay aad ka qoomameyso wixii aad horay u sameysay oo xumaan ah aadna noqoto qof kheerka ku dadaala oo Rabi Zidnii Cilmaagiis u dhawaada oo sameysa wax walba oo kheer ah Allah faray. Goaanka adiga iska leh dooro midkaad rabto. Ilahey ha ka madooweyo heesaha qof kastoo muslim ah qalbigiisana haka tirtiro heesaha iyo xummaanta hana inoo danbi dhaafo hana nagu toosiyo wadadii ay mareen dadkii wanagsanaa ee anbiyada,saalixiinti,shuhadadii. Allahuma ameen yaa rabi Axaadiith micnahooda afsomali ah
Posted on: Sat, 19 Oct 2013 14:08:48 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015