Fc Barcelona iyo Atletico Madrid oo bareega loo qabtay ,Real - TopicsExpress



          

Fc Barcelona iyo Atletico Madrid oo bareega loo qabtay ,Real Madrid & Fc Bayern Munchen oo badiyay (Faaqidaada La Liga iyo Bundesliga ) !! *** Horyaalka dalka Spain ee La Liga oo la ciyaaray kulankiisii 9-aad ayaa waxaa markii ugu horeeysay xili ciyaareedkaan bareega loo qabtay kooxaha Fc Barcelona iyo Atletico Madrid oo tan iyo markii uu biloowday horyaalkaan guulo dhex dabaalanayay. Fc Barcelona oo aaday guriga naadiga Osasuna ayaa waxaa lagu soo qabtay bareejo 0-0 ah balse naadiga Atletico Madrid oo ay dhanka dhibcaha La Liga is bursanayeen ayaa waxaa 1-0 uga soo badisay kooxda Espanyol oo ka dhisan magaalada Barcelona. Kulankaan kooxda Fc Barcelona waxaa u soo saftay laacibiin dhawaan ka dhaawacmay kuwaas oo kala ahaa Laacib Lionel Messi iyo difaacooda Carles Puyol. Dhanka kale kooxda Los Blancos Real Madrid oo gurigooda ku qaabilay naadiga Fc Malaga ayaa waxa ay kaga badiyeen 2-0. Goolasha Real Madrid waxaa u kala saxiixay laacibiinta kala ah xiddiga reer Argentina Angel Di Maria ciyaarta qeeybteedii labaad (daqiiqadii 46-aad) iyo Laacib Cristiano Ronaldo oo gool Rigoore ah dhaliyay dhamaadkii ciyaarta (daqiiqadii 91-aad).Kulankaan waxaa kooxda Real Madrid u saftay oo dhaawac dhoor Isbuuc qaatay ka soo laabtay xiddiga ugu qaalisan Dunida waa Gareth Bale oo dhawaan ay ka soo iibsadeen kooxda Tottenham ee horyaalka Ingiriiska. KALA HOREEYNTA HORYAALKA LA LIGA 1. FC Barcelona 9 8 1 0 28:6 25 2. Atletico Madrid 9 8 0 1 21:7 24 3. Real Madrid 9 7 1 1 19:9 22 4. Villarreal 8 5 2 1 15:7 17 5. Espanyol Barcelona 9 4 2 3 12:11 14 6. Getafe 8 4 1 3 12:11 13 7. Athletic Bilbao 8 4 1 3 13:13 13 8. Valencia 9 4 1 4 12:13 13 9. Real Sociedad 9 2 4 3 8:10 10 10. UD Levante 8 2 4 2 8:14 10 11. Malaga 9 2 3 4 11:9 9 12. FC Sevilla 8 2 3 3 13:14 9 13. Elche 8 2 3 3 8:11 9 14. Betis Sevilla 8 2 2 4 8:10 8 15. Granada 8 2 2 4 5:8 8 16. Osasuna Pamplona 9 2 1 6 6:13 7 17. Celta de Vigo 8 1 3 4 8:12 6 18. Real Valladolid 8 1 3 4 7:13 6 19. Rayo Vallecano 8 2 0 6 6:21 6 20. UD Almeria 8 0 3 5 11:19 3 *** Horyaalka dalka Germany ee Bundesliga oo la ciyaaray kulankiisii 9-aad waxaa weli la celin la´yahay kooxda Fc Bayern Munchen oo ka yaabsatay naadiga Mainz. Bayern Munchen oo ku ciyaareysay garoonkeeda qaaska ah ee Allianz Arena ayaa kulankaan qeeybtiisii hore waxaa gool kala hor martay kooxda Mainz balse ciyaarta qeeybteedii labaad markii dib la iskugu soo laabtay ayaa waxaa hawada laga qariyay naadiga Mainz oo dhabarka loo saaray 4-1. Goolasha Fc Bayern Munchen labo ka mid ah waxaa u saxiixay xiddiga Qaranka Germany Thomas Müller (daqiiqadihii 52-aad iyo 82-aad Rigoore). Labada Gool ee kale waxaa kala raacsaday xiddiga Qaranka Holland Arjen Robben (daqiiqadii 50-aad) iyo weeraryahanka Qaranka Croatia Maria Mandzukic (daqiiqadii 69-aad) . Horyaalka Dalka Germany ee Bundesliga waxaa 23-dhibcood ku hogaamineeyso kooxda Fc Bayern Munchen oo xili ciyaareedkaan aad u adag balse waxaa dhanka dhibcaha bursanaya kooxaha kala ah Bayer Leverkusen iyo Borussia Dortmund oo leh min 22-dhibcood. © 2013 MicrosoftTermsPrivacyDevelopersEnglish (United States) © 2013 MicrosoftTermsPrivacyDevelopersEnglish (United States)
Posted on: Sun, 20 Oct 2013 12:29:54 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015