Hadii aad baahi uqabto jaceyl, waa in aad iska ilaalisaa nabaro - TopicsExpress



          

Hadii aad baahi uqabto jaceyl, waa in aad iska ilaalisaa nabaro badan oo qatar ku ah jaceylka, waxaa aadtahay wiil dhalinyaro ah ama gabar dhalinyaro ah, waxaad ku jirtaa xiligii dareen kaaga uu u baahna jaceyl, waxaad rabtaa in aad sameysato saxib ama saxibad, hadaba maxaa kula gudboon in aad sameyso? waa in aad ogaata jaceyl ka in uu yahay bad galid mooyee aan ka bixitan leheen waa in aad ogsoontahay qatarta uu leeyahay isla markaana uusan eheen jacylka wax dheel dheel gala ama kaftan iyo qoob ka cayaar. ...................................... sheekadani maaha mid khiyaali ah waa mid dhaba,waxaanay shaaca ka qaadaysaa dhibaatada uuleeyahay Nabsiga Ama Qiyaanada aad Qiyaanto Ruux Waxaana qalina uqaatey anigoo ah Ciise Calas Ama Ciise Maxamuud Khaliif Iyo Salma Maxamed Salma oo looyaqaan Salma Neehaa ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,, Taas oo ah Qiso layaab leh oo aad intan oga boggan doontaan haddii Eebbe idmo,Waxaanan ugu tlo gallay keliya Dadka Xiiseeya arrimaha Jacaylka, Sheekadan waxay ka xog-warramaysaa Dhibaatooyinka uu leeyahay Jaceylka aad ruuxa kuula wadaaga qiyaantey ama aad Balantii aad Wada Gasheen aad Fulin weysay Taasoo aan uugu tala galey Inta Xiiseysaa Arimaha Bulshada Ama Jaceylka Rag Iyo Dumarba Waxaan idiin leeyahay Aqrin Wacan oo wanaagsan Faysal Maxamed Kadiye Waxuu ahaa Wiil Dadiisu Tahay 27 Jir aana waligii guursan Waxuu kunoolaa Xaafada islii Reerkooda oo dhan waxaey Jireey Aduunka Dacaladiisa Waxaana africa Joogey asaga oo kaliya Waxuuna Ahaa Wiil aad iyo aad u naxariis Badan runtii Jeclaa in uu dadka aana Waxba hesyan uu u gar gaaro xaga Dhaqaalaha Maalin Maalmaha kamid ah ayuu Waxuu arkey Gabar ilaahey udhalshey qurux Iyo Dabeecad Wanaagsan Gabdhaasi Maaha Gabar Kale Waa sahra Axmed Guutaale oo Markaasi kasoo Baxdey Mid kamid ah Carwooyinka Waaweyn ee kuyaala xaafada islii Carwadaasi oo magaceedu Yahay Barka Basaar oo ah Mid kamid ah Carwooyinka uugu waaweyn xaafada islii Sahra oo maalinkaasi alaab lasoo gadaysay gabdho ay Saxiibo Yahiin oo oo aadey mareykanka Sahra Cidna uma maqneen ceelna uma Qodneyn Waxay Reerkooda ka biilan jirtey waxaey raashinka u karin jirtey dhalinyaro Somaaliyeed oo ay kaqaadan jirtey lacaga 3500 oo kenya Ah Lacagtaasi Waxeyna Lacaagtaasi usii deri jirtey Reerkooda oo Daganaa Maagalada Reerkaasi oo ahaa Reer isaka Daruufheso Kuwaasi oo kunoolaa lacagata ay uderto gabdhooda Sahra Sahra Hamigeedu waxuu ahaa maalin uun in ay kabaxi doonto dhibka Hestaa ama Ay gaari doontaa nolal sare intii ay Wadada kusoo Socdeen ayada Iyo saxiibadeeda Ayeey Waxey arkeen Faysal oob taagan Wadada Laamiga ah indhaha ku haayo oo eegaya Sahra Maadama ay gabdhaha gabadha uugu qurxoon Faysal Waxuu dadaal Dheere ugaley Siduu gabdhaasi ubaran lahaa Waxuuna Bilaabey in uu Gabdhahii Yiraahdo Abaayo macaan waad idiin Salaamey mantahiin Dhamaantiiban kawaran hadaan idiin Caawiyo ama aan idiinla qaado Waxeyna Yiraahden Waad nacaawin Kartaa Waxuuna Halkaasi uugu dhaqaaqey Kaftan iyo in uu laqaado alaabtii waxuuna Lageeyay Hoygii ay ka dagnaayeen Xaafada islii Waxaan halkaasi la isku Dhaafsadey Sheeko Waxuuna siiyey Gabdhahii Telkiisa Gacnka ahaa Qaarkamid ah gabdhahii Ayaa Yire hadaan kusiin laheyn Tellka naga Aniga Waxaan usii suconaa Mareynkan oo Waxaan Baxeynaa Maalinta Barito ah Lakiin Saxiibteen Sahra Tellkeeda ayaan kusiineynaa Waaba siduu Rabey asagu Waxey uugaga Dhagan tahay Sahra ayuuba Rabaa Xiriirkeeda Waxaana loo qorey Faysal Telfoonkii Sahra asna waxuu qorey Tellkisa Meesha Waxaa la isku Dhaafsadey Telfoono Faysal markuu kasoo Noqdey Xaafadii Gabdha Waxaa durbadiiba Niyadiisa Soogashey Gabdhaasi Quruxbadnaa Waxuuna Go aan buuxada ku gaarey in uu Xirrir layeesho Maalin maalha kamid ah Ayuu Sahra Wacay Nasiib Wanaag Waxaa loo sheegey in ay Xanuun san Tahay Maalinkaasi Waxaan Tellfoonka Kaqabtey Mid kamid ahaa wiilasha ay Raashinka u karin jirtey Sahro Hosbitaal Waxuuna Weydiiyey Hosbitaalka ay Jiifto ama Laseex Shay sahra Waxaana loo sheegey in laseex shay Mother And Childrean Hosbitlaa oo Kuyaala Xaafada islii Durabdiiba Faysal Waxuu abaarey hosbitaalkii Waxaanuu Horey uugu sii iibashey Cabitaano Iyo Raashin Fudud Markii gaarey hosbitaalkii Waxuu dhaqaatiirta Weydiiya Xanuunka Haayo Gabdhaani waxaana loo sheegey in uu Haayo Malariya Iyo Tayfood Waxaana intaasi u sii Dheeraa Nafaqo La aan Waxuuna Dhaqatiirtii Hosbitaalka Ku amrey in sidada uugu Dhaqsiyaha Badan loogu Bilaabo Daawada loona soo Gudbiyo Qarashkii ku baxay Maalmahii ay Xanuun saneed Wiilashii ay Raashinka ukarin jirtey mid kamid ah oo magaciisu ahaa Maxamuud ayaa Yire Walaal gabdhaani Ma Walaashaa Mise Qaraabo ayaad Tahiin Markaasi ayuu Faysal Ku juwaab May Gabadhaani waxaan u caawinayaa oo kaliya maadama ay tahay Gabar somaliyeed oo qura Iyo maadama aysan dadkeedu aysan joogin magaalada Nairobi aysan Hesyan Dhaqaalo cidna aysan umaqneyn Waxaana aad iyo aad uugaga Naxay dhibka soo gaarey Waxaan idiin sheegayaa maanta waxii kadan beeyana Aysan Noqon Dooni shaqaalo idiin karshaa Raashinka Maadama Dhibka Iyo xanuunka soo gaarey xataa aad ku fiirsateen Waxuuna uugaga Dhaqaaqey Goobtii ay taagnaayen Wiilashii oo yaaban oo leh ninkaani Muxuu ahaa mise dibadaha ayaa kayimid oo waxii uurabo ayuu isga hadlayaa Waxaa soo naaxdey Saacado kadib Sahra oo ay Muuqdan Dis Muraal Iyo Murugo aydoo leh yaa ka bixin doonaa lacagata hosbitaalka Waxaana loo sheegey in lawada baxshey Qarashkii Daaweynta Iyo Jiifka uuna baxshey Wiil magaciisu Yahay Faysal Maxamed Kadiye Aydoo Tire Muxuu ahaa faysal maba aqaan Waxaana loo sheegey tilaamtiisa Waxeyna Malesyan wesyay Siadada qiimaha Iyo qaayaha leh uugu gar gaarey Waxeyna Tire ii wac wacaan doonayaa in aan Lahadlo ii Wac telkiisa Waxaana loo garaacay telkiisa Nasiib Wanaag Waa dansanaa Maalinkaasi Waxaana la wacay saacado kadib Nasiib Markuu arkey telfoonkii sahra aad iyo aad ayuu uugu farxay maalinkaasi Waxaa imaanesya Gabar ladhaltey faysal oo ka imaanesya Wadnka Filand ayad iyo caruurteeda Waxuuna maalinkaasi jirey Garoonka Diyaarahad nairobi waxuuna usheegey markuu ka yimaado garoonka in uu Kasoo mari doono Hosbitaalka waxauuna Weydiiyey Waxii ay ubahan tahay ama ay rabto in loogaga soo qaado waxaeyn Jawaab uugaga dhigtey waxii aad iila jeclaato Igaaga soo qaad Faysal waxaa uu garoonka Diyaaradaha Nairobi ukasoo qaadey Muxubo oo aheed Walaashis Iyo 3 Wiil oo uu abtigood yahay waxaana uu geeyey Guriga logaaga Diyaarshey Xafaada Helgam oo kamid ah xaafadaha uugu fiicaan Nairobi taasoo ay dagaan dadka hesytaa Dhaqaalo ama dibadaha kasoo guurey xaafada Waxaaba Diyaar loogaga Dhigey inta aysan imaan Muxubo iyo caruurteeda waxaa lageey gurigii loo diyaarshey waxuuna markii uugeeyey xaafada wadada sugaayey Dumaashi yaalkeeda Iyo gabdho ay ilmo adeer ah yihiin waxuuna kasoo tagey markii uu Geeyey Guriga walaashiis waxuu soo aadey dhankii xaafada islii iyo halkii ay joogtey ama ay kusugneed Sahra waxuuna Yimid Hosbitaalkii oo ay sahar Habeenkaasi ay lajoogen gabdho ay saxiibo yahiin iyo wiilashii ay kurin jirtey Raashinka markuu soo galey qulkii Gabi ahaanba Dadkii oo dhan waa uu wada salaamey waxuuna durbadiiba Waydiiyey Xaaladada caafimaadkeeda Sahra waxaan loo sheegey in lagaga saarayo Maalinta barito ah hosbitaalka hadada uu wanaagsan yahay xaaladeeda caafimaad Sahra waxaey aad iyo aad uugu mahad Celisay wiilkii Faysal ah aydoo tire aboowe macaan magaran karo waxaan abaalkaaga ku gudo waxaan aad iyo aad kagaaga mahad Celinyaa sida qiimaha Iyo qaayaha Leh aad uugaga daqantey dhibka iyo Daruufta ihesyaa Runtii abaalka aad iigasheyna Maaha Mid aan iloobi karo markastaa Waxaan kuleeyahay Walaal jiraa Faysaloow Runtii aniga magaalada Nairobi majoogaan Dad Ehelkeyga ah ama Qaraabo ii ah waxaan ku xamaashaa Xoogeyga oo aan ku shaqesyta Waxaan raashinka u karshaa wiil somaliyeed oo meeshaani ikeeney waxaana Runtii Waxa Reerkeena ah ama qaraabo aanu nahay oo jogaa Dibadaha majiraan Walaahi waxaadna igaaga mudan tahay qiimo iyo qadarin waxaan aad iyo aad ugu Farax sanahay barshada aan kubartey runtii waxaad Tahay wiil somaliyeed oo dabeecad Wanaagsan Naxariis Badan runtii aad iyo aad ayaan uugu faraxsanahay Waxaana maalin Qura kagaaga Faaloon doonaa Dhibaatooyinka Nolasheyda iyo Siyaabahii aan ku imid Wadanka Kenya Waxuuna Yire mahad sanid abaayo macaan waxaasi waanu isku leeyahay aniguna waxaan ahay wiil walaalkaaga ah waxii aad igaaga soo baahto diyaar Ayaan kuugu ahay in aan kaaga caawiyo sahraay waxaad balan igaaga qaada wiilasha aad raashinka u kariso in aadan mar danbe u karin karin maxaasa qarasha kaasoo galo Wiilashaasi anigaa diyaar u ah Qarashkii aad kaqaadan jirtey wiilasha marka taasi Balan igaaga qaaday Sahra intaan aniga halkaani joogo Waxii aad ubaahto anigaa diyaar Kuugu ah Sahra Waxay balan ka qaadey wiilkii Faysal ahaa Gu aankii uu gaarey Fulin Doonto hadey caafimado Waxaana isi weydiin Mudan Hadii ay qaadato go aanka in ay iska deyso shaqada Miyuu siin doonaa Lacagtii Ayagoo Wada Joogaa Faysal Iyo Sahra ayaa waxaa Hosbitaalkii iigu Ymid wiil iyo Gabdha isla socadaa oo soo booqdey Sahra Waxeyna aad iyo aad uugu mahad naqeen sidada qiimaha Iyo qaayaaha leh Faysal waxaa niyadiisa kusoo Maxaadey in uu gabdhaani ugeeyo Walashiis Muxubo ah Si ay uugaga Caawiso inta ay Joogto Nairobi waxii Howl ah oo lagaga qabanaayo Guriga Lakiin Waxaa Niyadiisa Soogal in uu ka daayo shaqo oo dhan Maadama gabadhani uu si Xadhaaf ah ujeclaadey ama qalbigiisa uu meel ay dagto uugaga sameey Maadam uusan ugoleyn in ay Reero ay Jaariyad unoqoto maadama Gabdhaani Ay tahay gabar uu jeclaadey Si Kadis Ah Waxaa laga soo saarey Hosbitaalkii Sahra Waxaana lakeeney Xaafadii ay dagneed waxaeyna ladagneed Gabdho Dhowr ah oo Ay Reer muqdisho isla ahaan jireen Gabdhii ayaa Sahra usheegey markuu baxay Faysal in uu wiilkaani Yahay Wiil aad iyo aad Uwanaagsan Runtii ayna Qadarin iyo qiimeyn Siisaa maadama Abaalkii uu ugaley aysanb iloobi dooni Sahra markii ay caafimaadey Ayuu maalin maalaha Kamid ah Sahra usoo sameey Shobin farabadan iyo alaabo Ay ku quruxsato Gurigeeda Sahra maalinkaasi Waxaa ubiloodey Nolal Heer sare ah Waa hadii ay Nasiib Uyeelato Faysal Markastaa Faysal waxauu rabaa in uu usheegto Jaceylkiisa uu uqabo Gabdha Sahraa Lakiin Waxuu isleeyahay Gabdhaani armey Kaa diidaa Iyo wax yaabo lamid ah maalin maalmaha kamid ah ayuu ugu tagey Guriga ay dagneed Sahra maalinkaasi oo ay sahra ay kamuuqatey Faraxad iyo Reyn reyn aanan halkaani lagu soo koobi Quruxada Iyo Dhalaaka Kamuuqdaa hadaada aragto oo aad leedahay waxaa intaasi usii dheeraa Dabeecad iyo kaftanka farahabadan Maalinkaasi Waxuu Gu aan buuxada ku gaarey in uu usheegto Arinkiisa ku aadan Jaceylka waxauu kubilaabey Sahraay idhageyso Macaaney waxaan rabaa maanta in aan Kuu sheego arin farabadan oo aan inbadan kaa qarsan jirey Waxaana Rabaa in aan Daboolka Kaqaado arinkaasi oo ah in aan kuusheegto Jaceylka aan kuu qabo kaasoo Ah mid aanan kusoo koobi karin halkaani marka macaaney waxaan rabaa in aad ogaato in aay Ahay Ruux kujecal Runtii una baahan in aad Wax laqabo madaama Nafteyda Adigu kaa heshay Runtii hadaan kagaaga Warmo aniga Waxaan ahay Naf ku jecal una Baahan in aad Wax kala qabto jaceylka aan kusoo Ban dhigey niyadaada hagalin oo ha is dhihin Wiilkaani waxuu kaagaga Faaiidesyan Nayaa Daruufta kuhesyaa Runtii waxaad Tahay Ruuxii aan inbadan baadi goobi jirey ama aan Raadin jirey aydoo kale Marka maanta waxaan Nasiib uyeeshay in aan adiga kuhelo macaanto Diyaar miyaad u tahay Arinkaasi in aad Wax igala qabto Sahra Waxey lasoo boodey Faysaloow Hadada itiraahdo nafta ii hibeey waxaan balan kuugu qaadi karaa in aan kuu hibeyn karo Nafteyda Waana kaa gudoomey Jaceylka aad iiqabto aniga waxaan kuuqabaa Midka kaaga Lamid Ah Faysal oo Hadkiisii Sii wataa ayaa waxauu Yire Tix Yar Sahra waxaan kaliya Dadka kaala soobaxay Suugaan kuugu tiriyaa Samo kuugu dhawraa Samaan kuugu heesaa Suleekha kuugu yeedhaa Wanaagaaga u,sida Sidii sabi dhalaameed Saxar kaaga ilaashaa Waa jacal i,saarnaa Sadax iyo toban sano Sidii tiriig siraadnaa Ayaa igu siyaadoo Saameeyay molashoo Aan laseexan waayoo Saqda dhaxe i,mira,oo Sahwi igu salaamoo Sanka iga duleelshoo Suudiyo cadceedkulul Saynabeey i,dhigayoo Maanta aan lasoognahay Hadba dhinac ii,sida,oo Marba,aan lasarakici Naftu way siloontoo Samir qaadan waysoo Waxeyna Sahra Tire Faysaloow Waan kaa gudoomey Amaantii aad ii qaadey lakiin hadaan Dumar Nahay Armey nogaaga Dartaa Amaantaasi intii ay isla hadlaayen ayaa Waxaa soo Wacey Abaahed oo joogey Muqdisho una sheegey in ay soo laabato Sida uugu Dhaqsiyaha Badan waxaan loo sheegay in uusoo Doontey wiil jogaa Usa uuna Imaan Doono Magalada Muqdisho Sahra arinkaasi Markii loo sheegay aad iyo aad ay Ugaga Xumaatey madaama Waqtigaani aysan Diyaar u ahayn Guur lakiin Culeys Xaga Reerkooda ah ay Yimid maadam reer Sabool ah oo aanan Laheyn Dhaqaalo Waxeyn Tire Abe macaan aniga Madoonaayo Ninkaasi aad sheegeyso Una sheeg inta uusan Imaan Waxaana Go ay Sahro aabaheed Tellfoonkii Sahra Waxaa lasoo gudboonadey Arimo Farbadan Sahra Miyeey Qadaan Doontaa Arinka Reerkooda ay usoo sheegen Mise Maqaadan Doonto Hadii ay qaadato Maxaa lasoo Gudbonan Kara muuxusa Sameyn Doonaa Maxaasa Lagudboon Aqriste Lasoco Qeybaha Kale ee Qisadaani Waxaana Bilaabi Doonaa Maalmaha soo Socda Haduu ilaahey Yiraahdo ,,,,,,, Cid Alaale Ciidii ubaahan in aan Talooyin kusaabsan Jaceylka Ama Talacelin Ah Waxey igagala soo Xiriire Karaan Ciwaanada Hoos kuqoran Talooyinkaagana Waan soo Dhaweynayaa Aqristoow Lasoco Taasi Lakiin Lasoco Taladaada Hanoqto Mid kusaabsan Arimaha Bulashada Yeysan Noqon Mid ah Siyasada Lakiin hadii ay Tahay Taladaada Arimaha Jaceylka Waan soo Dhaweynaa Talana soo Weydiiso Ciise Yare Lasoco Aqristoow Qeybta 2baad Haduu ilaahey Yiraahdo Maal maha soosocdaa Aqristoow Qeybaha Kaloo Harsan Laso Qisadaani Waxeyna Idiin Bilaaban Doontaa Weegaani Haduu ilaahey Yiraahdo Waxii Fariin ahna Waxaad iigugu Soo Hagaajin Kartaa Ciwaanadeyda Ama Waxii Talo Iyo Tusaalo ah Waxaad iigu soo Hagaajin Kartaa Hadii aad Qaladaada Aragtaana Ka Raali Ahaada Aqristayaasha.................... Qoraa Sare Arimaha Bulshada : hashim muqadim cabdi
Posted on: Wed, 24 Jul 2013 04:37:55 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015