Hebel waa nin aan dadiisa ku qiyaasay 28-30 oo aan isku fasal - TopicsExpress



          

Hebel waa nin aan dadiisa ku qiyaasay 28-30 oo aan isku fasal nahay, Form Three. Xiisadda koowaad, tan labaad, tan seddexaad ilaa iyo midda ugu danbeysa, ninkaan odaga ahi waxaa uu dheelayaa GAME. Inta macalinba uu macallin bedelayo, hebel waxaa uu dhex mushaaxayaa liis dheer oo games ah, kuwaas oo uusan ka daalin cayaartooda. Maalii ay timaado suaali, magaciisii waxaa uu isku dayaa in uu qariyo bidhaantiisa, si - ugu yaraan - baruhu uu arki waayo, deedna aan suaalba ugu imaanin. Waxaad arkeysaaa isagoo garbihiisa la simay miiska, madixiisuna hoos u laalaado. Yaab iyo qosol mid ila gudboon garan waayay anigu!!!
Posted on: Mon, 25 Nov 2013 04:47:14 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015