Kooxda Liverpool ayaa soo diidday dalab uga yimid kooxda Napoli - TopicsExpress



          

Kooxda Liverpool ayaa soo diidday dalab uga yimid kooxda Napoli ee dalka Taliyaaniga oo ay ku dooneysay difaaceeda dhexe Martin Skrtel. Napoli ayaa soo gudbisay dalab 10 milyan oo Gini ah Talaadadii, hase yeeshee Liverpool ayaa diidday, iyadoo ku adkeysaneysa in aysan iibineyn daafaceeda Slovakia u dhashay. Macallinka Napoli wata Rafa Benitez ayaa horey 2008-dii Skrtel u keenay Liverpool wuxuuna hadda doonayaa in uu geeyo Napoli. Skrtel ayaa halis galay booskiisa joogtada ah ee kooxda Reds markii kooxda soo iibsatay Kolo Toure. Liverpool ayaa waxaa ka dhaawacan Coates oo Lix bil garoomada ka maqnaanaya, waxeyna diiddan tahay in ay weyso daafac kale oo dhexe. yaa dookaqaba in lagado
Posted on: Thu, 22 Aug 2013 16:35:27 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015