Kulankan oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska ayaa la soo hormariyay - TopicsExpress



          

Kulankan oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska ayaa la soo hormariyay maadaama toddobaadka dambe kooxda Chelsea ciyaari doonto kulanka super cup-ka Yurub oo ay la balllansan tahay kooxda bayern Munich. Macallin Jose Mourinho ayaa doonaya in uu kulankan uu isku bed-beddelo ciyaartoydiisa isagoo Isniinta soo socota la ciyaari doono kooxda Man Utd horyaalka Ingiriiska. Juan Mata, Andre Schurrle, Demba Ba iyo Romelu Lukaku ayaa dhammaantood doonaya in ay kusoo billowdaan kulankaan markii kulankii furitaanka keydka la geliyay. David Luiz ayaa wali xanuunsanaya. Dhanka Aston Villa waxaa ka maqnaan doona Nathan Baker oo dhaawacmay kulankii Arsenal, waxaana booskiisa buuxin doona Clark, iyadoo dhinaca kale ay kooxda dib u heleyso xiddiggeeda khadka dhexe Yaccouba Sylla oo dhaawacnaa. Labada koox ayaa guulo kusoo billowday horyaalka toddobaadkan. Villa ayaa si lama-filaan ah kusoo dishay kooxda Arsenal garoonkeeda, halka Chelsea ay Stam Ford Bridge ku garaacday kooxda dhawaan soo dallacday ee Hull City. Waxyaabaha u gaarka ah kulankan: * Villa waxey garoonka Stam Ford Bridge kala soo kulantay guul-darradeedii u xumeyd abid markii u dambeysay oo ay booqatay bishii December ee sanadkii hore markaas oo 8-0 kusoo dhufatay kooxda Chelsea. * Chelsea ayaa guuleysatay dhammaan seddexdii kulan ee u dambeysay oo ay la ciyaartay Villa, iyadoo ka dhalisay 14 gool. *Villa, kaliya waxey soo badisay 1 kulan 11-kii kulan ee u dambeeyay oo ay kusoo ciyaartay Stam Ford Bridge horyaalka, iyadoo 7 ka mid ah laga soo badiyay. *Mourinho waligiis ma guul-darreysan kulan ka tirsan horyaalka oo uu ku ciyaaray Stam Ford Bridge, isagoo badiyay 47 jeer 14 kalana barbardhac galay 61 kulan oo uu horey ugu ciyaaray. *Jose ma badin afartii kulan ee u dambeysay ee uu ka hortagay Villa, isagoo mid laga badiyay 3 kalana bareejo ku dhammeystay. *Chelsea horey waxey horyaalka Ingiriiska kulamo ka tirsan u ciyaartay bisha August 16 jeer intii uu leylinayay Jose, kaliya hal jeer ayey guul-darreysatay halka 14 jeerna ay badisay. * Lampard wuxuu khasaariyay laba ka mid seddexdii rigoore ee u dambeysay oo uu u tuuro Chelsea kadib markii uu wada dhaliyay 10-kii rigoore ee ka horreysay. * Hazard wuxuu abuuray 6 fursad oo gool lagu dhalin karay kulankii Hull, waana ninka ugu badan. * Villa laga ma badin 3-dii kulan ee u dambeysay ee horyaalka kusoo ciyaartay bannaanka, waxaana ugu dambeysay Man utd oo 3-0 kusoo dishay bishii April. * Villa oo aan gool laga dhalin waxaa ugu dambeysay December 2012 markaas oo ay la ciyaartay Stoke, waxaana kadib 23 kulan oo ay ciyaartay dhammaan shabaqeeda la taabtay. * Benteke wuxuu u dhaliyay Aston Villa sanadkan 2013 oo kaliya 16 gool oo horyaalka ah. Kulankii u dambeeyey ee Aston Villa iyo Chelsea Halkaan Riix. Share this: Facebook2 Twitter Google +1 Pinterest Tumblr Wararka La Xiriira: Roma Iyo Tottenham Oo Aan Weli Hishiis Ka Gaarin Arinta Erik Lamela. Horudhaca Fenerbahce Vs Arsenal iyo kulama kale ee Champions League Daawo Sawirrada: Ciyaartoyda Man Utd iyo Xaasaskooda oo Casho wadareed yeeshay kadib guushii Swansea Man Utd oo u weecaneysa Luke Shaw beddelka Baines Maxaa ka Jira in heshiis laga gaaray saxiixa Gareth Bale Aragti Ka Dhiibo Qoraalkaan Fadlan Ereyada Aflagaadada Ama Xumaanta Ah Ka Saar Fekradaada. Haddii Kale Fekradaada Waa La Masixi. Magaca * Email * Kooxda Aad Taageerto Halkaan Ku Qor Aragtidaada: You may use these HTML tags and attributes: 19 Responses to Horudhaca Chelsea Vs Aston Villa.. Mourinho oo hortagaya Villa oo kalsooni qabta AxmadyareReply 21-August-2013 at 11:40 am Chelsea4vs aston villa 0 0 0 Qiimee Aragtidan nabadReply 21-August-2013 at 11:23 am Waxa badinayo sida aniga aan jeclahay chelsea 8-villa 0 ciyarta waxey sogaleysa dhanka somalia 9:45 habeynimo sidas waye aqyarta gurigeyga aya laga fiirsana ii imada kuwa chelsea tageyro guul wacan macalin mou 0 0 Qiimee Aragtidan C/raxman bluesReply 21-August-2013 at 10:33 am Astob villa waxey arsenal ka gooysay uunbaa laga gooynaa tankale blues waxa ka go’an ineysan dhibic qasaarinin kulamada stamfodbridridge 0 0 Qiimee Aragtidan Cesar aszpilicutaReply 21-August-2013 at 10:24 am Sadashu waaa sidatan villa 1 chelsae 5 Balan teenu waaaaaaaaa balan teenu waaaaaaaa ina 3 dhibcot qadano oo 6 0 0 Qiimee Aragtidan Gaabshe caddeReply 21-August-2013 at 10:23 am Guul ayaan u rajeyna chelsea iyo macalin the happy one 3 iyo 1 torres,lamparad,oscar mahadsanid dhaman lcb.net iyo chelsea fans 0 0 Qiimee Aragtidan abaase mohamed isseReply 21-August-2013 at 10:14 am hadaan fikradayda kadhiibto kulanka dhex mari doona chelsea iyo aston villa waxaan dhihi lahaa waxaa badinaya chelsea 0 0 Qiimee Aragtidan Fiiri laacib.netReply 21-August-2013 at 10:11 am Waqtika so shega ciyarta so galeeso cech azpli cahil ivan bretrand van genkel essian mata moses schurle ba 0 0 Qiimee Aragtidan cabdijabarReply 21-August-2013 at 10:02 am Chelsea ayaa ku badinaysa 3 _ 1 0 0 Qiimee Aragtidan AbiinaashReply 21-August-2013 at 10:02 am Wan ku kalsonahay in chelsea garaaci donto women untd viva hazard 0 0 Qiimee Aragtidan yahye saqiReply 21-August-2013 at 9:54 am Asc aqyarta tagerta arsenal waxan idin leyahay sanadkan waxba maheysine iska tagera super ama man u champion warkisa da asaga sankale waxad kaciyari dontan kobka dhuxusha by vieva zaha 0 0 Qiimee Aragtidan BayalReply 21-August-2013 at 9:41 am Aston-villa 0-4 Chelsea Hezard + Oscar + Lampard + Torres full-time guul ayan u rajeynayaa 0 0 Qiimee Aragtidan Mxmd-cabdi x boyReply 21-August-2013 at 9:24 am Sxb mcn cabdixukun adan wax laga shekanayo waa Chelsea ma ahan Arsenal e Arsenal shaqo kuma an lehina naga dhafa qaska 1 0 Qiimee Aragtidan ahmedReply 21-August-2013 at 9:20 am Dhibcaha ayan ka cadeysaneynaa cawa villa shaki kuma jiro taas sxb 0 0 Qiimee Aragtidan shucaybReply 21-August-2013 at 9:19 am jose cid tobare kugaadhaysa majirto 0 0 Qiimee Aragtidan zakariye cali abukarReply 21-August-2013 at 9:09 am sxb wan ku slm magacuwaa zakariye ali abuukar oo ku mgc dher zaki indhajaceel chelsea 4 1 villa waana cada dena by 0 0 Qiimee Aragtidan Maxamed deeqReply 21-August-2013 at 8:49 am Sxb wankusalamay magacuwa qaasim okumagac dher hazard waxa 4gol iyo waxba kubadin dona timka chelsea 0 0 Qiimee Aragtidan cabdixukun adanReply 21-August-2013 at 8:35 am waxan kaxumahay in arsewenga usijogo koxda isago koxda kox business ubaylay target kisuna yahay inuu lacag sameyo lakin usan rabin in aysan koxdo gula gadho arsewenga meesha iska ag tag wakh tigagi wu dhamaday e 0 0 Qiimee Aragtidan MaxamedReply 21-August-2013 at 8:26 am Asc akhiyarta qayaha lahow wan idin salaanay hadan anago isku duban an fikir ka dhibano kulankan waxa badineysa chilchsea waxay ku badine 3 iyo 1 0 0 Qiimee Aragtidan "MANCHESTER IS BLUE"Reply 21-August-2013 at 8:23 am chelsea 1-2 aston villa viva pellegrini and his golden boys like juses navas, david silva, edin dzeko, kun aguero, yay toure, samir nasri and capitano kompany 0 0 Qiimee Aragtidan Wararka Ugu Sareeya Maanta
Posted on: Wed, 21 Aug 2013 08:42:20 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015