MAGAALOOYINKA FARGO & MOOREHEAD iSLAMIC CENTER HORUDHAC - TopicsExpress



          

MAGAALOOYINKA FARGO & MOOREHEAD iSLAMIC CENTER HORUDHAC : Akhristoow Magaaladda Fargo, North Dokota iyo Magaaladda Moorehead , Minnisota,waa labo Magaalo oo isku dhex yaal ( Twin City) . waxay labaduna dhacaan Waqooyiga Dalka Mareykanka ee xuduudda la leh Wadanka Canada. waa magaalooyin aad iyo aad u Qaboow Xiliga Qaboobaha ( Winter) ka ,waana magaalooyin uu dadkeedu yahay beeraleey, dhul aad u simanna ku yaala waa dhulka la yiraahdo (Prairie ) oo ah dhul siman oo cawsley ah. Haddaba Magaalooyinkaas waxaa degan Dad Muslimiin ah oo Qolooyin fara badan iskugu jira ooy Soomaalidu ka mid tahay. Fargo & Moorehead Islamic Center : Magaalooyinkaan oo caan ku ah Jaamicaddo ka furan Sida North Dokota state University ( NDSU) iyo Sate University iyo College-yo dhawr ah . waxay bixin jireen Scholarships iyo Grand ilaa iyo haddaba laga helo iyo waliba lacag jaban oo lagu dhigto iyo Noloshooda iyo Guryahooda oo waliba Raqiis ah. Haddaba Arday fara badan oo ka yimid Khaliijka ayaa wax ka baran jiray ilaa Toddobaataneeyadii, Ardaydaas ayaa bilaabay in ay Sameystaan Masaajidkii ugu horeeyey oo ay magacaas u Bixiyeen ( Fargo & moorehead Islamic Center ) . Wixii ka danbeeyey 1980 kiina waxaa labada Magaaloba ku soo qulqulaayey Dadweyne Muslimiin ah oo iskugu jira Qoomiyaad fara badan Sida Pakistaaan, Bangaladeesh, Carab, American Muslims IWM. Dagaalladii Sokeeye ee ka dhacay Dalalka Balkans-ka 1992 ayaa Muslimiin fara badan oo ka yimid Bosniya & Hargersavina la soo dejiyey, waxaa kaloo 1995 -1996 la keenay Soomaali Fara badan oo laga keenay Xeryaha Qaxootiga Dhadaab iyo Kakuuma. Haddaba Jaaliyadaas Faraha Badan oo lagu qiyaaso 6000 ilaa 8000 kun oo Qof ayaa waxay bilaabeen in ay isku duubmaan oo Gataan Qubuuro ay isku Xabaalaan ( cementary) iyo Dhul Bannaan oo ay iibsadeen. Sidoo kale waxay go,aan ku gaareen in ay gataan Meel masaajid Weyn ay ka dhistaan oo ka waasacsan meesha Masjidkii Hore ee Qadiimiga ahaa , sababtoo ah korarka ku yimid Dadweynaha iyo waliba Buuxdhaaf ku yimid maalmaha Jimcaha iyo Ciidaha uusan deeqin. Haddaba waxay Bilaabeen in ay Lacag iska aruuriyaan oo ay fundrasing gudahooda ah ay bilaabaan , taas oo mudo gaaban ay lacag fara badan soo aruuriyaan. Kadib waxay bilaabeen in ay raadsadaan Dhul ay iibsadaan oo dhisan ama eber ah ilaa uu Allaah u sahlay Sannadkii hore abaarihii bishii April Dhul dhisan ooy ka guureen Company Telcummication ah ,kaas oo lagu yiri 700,000 kun dhiiba oo 400,000 sii hormarsha 300,000 dhiiba sannadka Dhamaadkiisa oo ku ekeyd Bishii December ee la soo dhaafay 2012. Markaas bay guntiga dhiisha iskaga dhigeen oo Lacag aruurintii sii kordhiyeen oo la isku qoray Lacago fara badan ilaa ay qaar ka mid ah Dhakhaatiir Muslimiin ah oo degan Magaalooyinkaas iyo 50,000 qaarkood bixiyeen.waxaa caadi iska noqotay in 1000 ka 1500 ilaa 2000 ay shaqaalaha hoose isku qoraan oo bil bil iyo usbuuc usbuuc ay Mushahaarkooda ka dhiibaan. Waxaa kaloo loo baahday Dhismihii iyo kala goy goyntii iyo qaab u ekeyntii Meel Masaajid noqon karta, taas ooy Qaateen Bosnian Community oo ay si Vulanteer ah dusha iskaga saareen in ay ayagu Dhameystiraan oo ayagoo gacmo shaqaalo oo fara badn ay Caawimayaan. Furitaankii Masaajidka iyo Goortuu ku soo aaday : Habeenkii Isniinta ee Bishan July ay aheyd 29 ka , Bisha Ramadaanna ay aheyd 20ka ayaa Salaadii Cishaha iyo waliba Taraawiixdii lagu tukaday. Akhristoow Nasiibkayga Habeenkii ka horeysay ayaan annigu Imid Magaaladda Fargo, North Dokota ooy Gabdhaheygu Jaamicad ka dhigtaan, waaxnna Nasiib u yeeshay in aan Habeenkaas furutaanka aan la kowsado . Masaajidkaan oo lagu Qurxiyey Roogag (wall to wall Carpet) oo Guduud ah oo lagu xardhay midab Silk ah , ayaa ah bilic aad u qurux badan oo soo jiidasho leh, iyo Nalal waaweyn oo qurxoon lagu muunadeeyey. Masaajidka oo aad u Weyn oo labo qeybood ah Rag & Dumar ba , ayaa Qeybteennii Ragga aan lix Saf oo kaliyah ka buuxinay waxaanna gadaasheenna ka muuqday ilaa Toban saf oo kale oo bannaan , haddaysanba ka badneyn.Haweenka ayaana ayaguna waasicaas oo kale qabay. Wuxuu kaloo Masaajidku leeyahay Kushiin weyn oo loogu tala galay in Xafladaha wax lagu karsho, qeyb Maktabad ah ( libarary) iyo Qeyb Dugsi loogu tala galay oo ilaa 6 fasal oo waaweyn leh,Dabaqa kore waa Xafiiskii Masaajidka iyo qolal lagu shiro. Waxaa kaloo ku taal meel carruurta lagu ciyaarsiiyo ooMasaajidka dhexdiisa ah ( in door) oo loogu tala galay in Caruurta lagu maaweeliyo si aysan Masaajidka ku carcararin ,waxaanna ilaalinaaya Gabdho loogu tala galay. Masaajidku wuxuu leeyahay Parking waasic ah oo weyn iyo waliba asagoo ku yaal meel aan la deganeyn oo warshado iyo Xafiisyo ah oo habeenkii Parking keedu iska firaaqo yahay . waxaa Masaajidka ka soo horjeedda Compound weyn oo lagu xareeyo ( School Buses) magaallada Fargo oo Masaajidku Dhankeeda ku yaalo. Masaajidka waxuu ku yaalaa Isgoyska ka wadada 15 th St iyo 28 th St. Cinwaankiisuna waa 601 labadaas jid midkood. Masaajidka waxaa Imaam ka ah Shiikh Mukhtaar oo Soomaali ah ,waxaa kaloo Guddiga Board-ka ku jira Shariif Haashim oo asaguna Soomaali ah , oo har iyo habeen masaajidka joogga. Waxaa Jimcaha Tujiya waa kaltan oo mar waa Imaam Mukhtaar marar kalena waa Imaamo kale oo iskugu jira Imaam Ugandhays ah oo la yiraahdo Yaxya iyo DR. Pakistani ah & bangaladessh iyo Imaam cadaan ah oo Mar hore soo muslimay. Akhristaha Degan Minnisota siiba St. Cloud iyo minniapolis iyo St. Paul iyo meel kasta oo Mareykanka ka mid ahba ,wali wixii Sadaqo ah waad ku biirsan kartaa Masaajidkaas Cusub oo wali Lacago aan la bixinin ayaa taagan , Si Allaah adigana uu Guri Maalinta Qiyaamo kuugu dhiso iyo waliba Sadaqo kuu socota xataa marka aad dhimato . Wixii Sadqo ah waxaad kale soo xariiri kartaa Imaamka Masjidka Shiikh Mukhtaar oo tel. yahay : (701) 540-3846. Mahadsanid Shiikh sahid mohamed yusuf Fargo,North Dokota sahidyusuf@yahoo
Posted on: Wed, 31 Jul 2013 11:21:09 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015