MAXA SOMALIDA SIYAASI KA WADA DHIGAY? Astaamaha iyo dhaqanka laga - TopicsExpress



          

MAXA SOMALIDA SIYAASI KA WADA DHIGAY? Astaamaha iyo dhaqanka laga dhaxlay burburka Somaliya waxa ka mid ah in dadkoo dhami siyaasi noqday oo siyaasadda dalku ay noqotay mid dadka oo dhan u wada furan iyadoo aanay jirin xuduud kala soocda xirfadaha dadka. Berigii hore dadku qof kasta wuxu laha xirfad uu ku shaqeeyo oo uu aaminsan yahay, xirfadaas mooyee qofku wax kale ma danayn jirin kamana hadli jirin. Qof waa macalin, qof waa ciidan, qof waa beeralay, qof waa xamaali muruq maal ah, qof waa arday mid kale waa darawal koox kale waa farsamo yaqaano. Intaas oo dhami mid kasta shaqadiisa ayuu ku ekaa wax kale in wax laga waydiyo diyaar uma ahayn mana danayn jirn. Caalamka maanta sidaas aynu ahaan jirnay ayuu weli u dhaqmaa. Lakin Somalida siyaasadeeda waxay noqotay mid dadka oo dhan u furan waana astaamaha lagu garto ummad burburtay.
Posted on: Sat, 24 Aug 2013 08:55:04 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015