Miinka gabay murtida xooggaliyo maayado is jiidha In dhaweydba - TopicsExpress



          

Miinka gabay murtida xooggaliyo maayado is jiidha In dhaweydba moorada sunta leh moorka kama goyne Mar haddaan Madaafiic rakibo mur iyo waabay leh Midha-yariyo beyd-gaabku waa inay maleegataane Bal an mariyo maansadan tirshaa madhaxgal weeyaane Duqsi mawdki galaybaa ku dhaca bayl mishiin gubae Nin maroodi daandaansaday oo maanla baad tahaye Masalooyinkaygii haddaan kugu dul miisaamo Miridh bay naftuba kaaga bixi magac xumaaloowe Waxad moodi inuu Moodhi-kaar guudka kaa maraye Waranse meel xun laga ridey dibbuu kuu makalayaaye Wallee murugo eebbaa u deyey maxay-saleebaane Adigay nin miinkaba yaqaan kugu mataaleene Way kuu mashxaradeen markaad soo macaaac tidhiye Hudheellada waxay marinayeen timi mijiibtiiye Dukaamada Mullaaxa gaday orod ku miiseene Malaayiin cajaladood ayay soo malmaliyeene Markii aan madaafiic ku ridey mur iyo waabay leh Iminkay madluun ooyayaan maalin iyo leyle Adduunyadan minkeedii lumii sii mushkiladowdey Adduunyadan malay dabatadii magaca doonayso Adduunyadan nimaan muuqan jirin faan la mari waayey Adduunyada minjaha loo rogee maduxu hooseeyo Addunyadan majeerteen Isaaq gabay ku maagaayo waa maan-barrey iyo maan-Bilaal mahadhadoodiiye Raggiise aan la maansoon lahaa aakharo u meerye Raagihii mudnaa iyo Qamaan mawdki baa helaye Seyidkii murtida sheegi jirey meel fog buu tegaye masalooyin Cali-Dhuux lahaa iima soo marine ismaaciil Miriyo Cumar Dagaanan kaga masuugeene Adigana inaan kula murmaa way macno laaane Mujiibtuba khasaaray ku tahay badaw Majeerteene Mindise lagugu gawraco adaa miiska soo dhigaye Adaa soo macaa yidhi sidii maalintii horee Haddaad tahay muriid aad ahoo miinka ka hingaadsha Murtidii Gahaydh iyo haddaad Qaasin muhanayso Maarshaalladaa sare haddaad tahay mataalkooda Muska maanad jiidheen sidii neef muwaashiyahe Kamaad soo mujiibteen runtaan miiska kuu dhigaye Waxa jira mashruuc aan la gelin lagana maansoonne Dibnahaa maroorsama ninkii mawqifkaa galae Ma macaasho kii ceeb hablaha ugu miciinaaye Majeerteen kuwuu dhalay xabaal kuma madoobayne Maanshaa-Allee dumarku waa ma-hurtadeenniiye Waa midho inoo wada dhexoon cidi ka maarmeyne Midda aad qabtiyo hooyadaa laga mataalaaye Maxaa cayda mooskaaga taal magane kuu geeyey macdantii xishoodkiyo maxaa sharafti kaa maydhay Waase meheraddiinii inaad naago murantaanne Mid kaloo ka sii daran maxaad miinka uga qaadday Wanka macasha weynliyo maxaad fuud u magawday Madaxa iyo calooshiyo maxaa maydhaqyada keenay maroongiga maxaa kugu xaqsaday inad ka maahmaahdo Mulac iyo mas dabin kuu galoo magac kalluumeed leh Idinkuba Malaygii qudhmaad madhax ku sheegtaane Waase lagama maarmaan cuntadu maalin iyo leyle Masalooyinkaagii maxaa dheri ku meermeershey Afartaa sidii mayay onkodey mayska daba miisay Miinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarshey Ma mutuxiyey beyd-gaabku waa kala maroorshaaye Miinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiye Inaan nahay malyuumaad kun oo meel kastaba jooga Inaan nahay dad wada muuminoo badi mashaaiikh ah Inaan nahay dad magac weyn lehoo midhana loo yeelay inaan nahay makhluuq aan lahayn meelo laga caayo Ma og tahay markhaataad furtoo uunku kaa maqalye Micna yare midhkii kaa ku xigey seegtay marinkiiye Malaaiigta Eebbiyo(SW) inaan Maxamed(CSW)caayayno Inaan nahay maroongiga dad cuna maalin iyo leylaba Inaan nahay macnaha dawladeed dad an muraadeynin Inaannaan masuul qaban karayn maamulada guudka Ma og tahay markhaatood furtoo uunku kaa maqalye labadaba aduunbaa marshoon mid u dhaxaysiine Micnahaad u jeedana dadkii maandhow garan waaye maskax-yare, malay hadhig ku dabe murammo naagoodle Macaan iyo qadhaadh aan is geyin meel isugu geeye Masalooyinkiisii shalay maanta garan waaye Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle mabda iyo ujeedadu lahaa muujin garan waaye Maqalkiyo miskiinyohow indhaha laga madoobeeyey dad aan kula martabad jooginbaad maag is leedahaye Magaadiyo xabuushaad is tidhi meel u kala qaade Maangado abaariyo dirri baad maax ka qodaysaaye Geel baad maqaarka u sidaa midhi ka dhiiqayne Afartaa micneeyaye waxaan midig ka raacsiiyey Taariikh la soo maray haddaan dibuga maansoodo Muqdishiyo Hargeisaan ahayn waa midkaad tidhiye Maalintuu gumeystuhu ka kacay labada meeloodba Mulki aan lahaa iyo inaan dawladnimo muujey Mirtii dhexe inaan calan mutuxay qiratay maandhowe Haddaad mooddey maandeeq in xoog lagu muquunaystay Waad maqashay mooyee adaan joogin madashaase Way ku mala-habowsheen kuwii maabka kuu qoraye Macnihiyo ujeedadan lahaa waa wax kaa maqanne Waxan nahay masayr dad an u dhalan sida majeerteene Calankoo midoobaan rabiyo dawlad magac weyne Shantii kala maqnaa baan lahaa meel isugu keene Nebi Muuse tii soo marteed adu ka maahmaahday Miskiinyohow midhaa tidhi adaa taagan marinkiiye Doqonbaan abaalkiisa marin ka u miciin falae maxamuud saleebaan markuu deyrka kugu meershey Markuu mahurtadiiniyo ninkii magac leh laynaayey Lixdan wada maqaaqula markuu joogey madaxiinna Magta Cali Saleebaan kuwiii muujiyaan nahaye Wabeeneeye miidhi u qabay guday markiisiiye Ina kaarshe wuxu maagganaa maanta wuu helaya Mabda iyo ujeedadu lahaa iyo malihi suurowye Miinshaar afdaran buu la helay maxay-saleebaane masaal derejo weeyaan hadday midha ku dhaameene Iminkay mashxarad iyo xarrago suuqa marayaane Afartaa sidii mayay onkodey mayska daba miisay Miinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarshey Ma mutuxiyey beyd-gaabku waa kala maroorshaaye Miinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiye Abtirsiin mudhaa toosan oo meel san laga uumay Oo muuminiintii hore iyo maxamed(CSW) gaadhaysa Haddaad midhah aw Jeberti iyo miidha tahay Haashim Mingistiyo umaydnaan gasheen gaala madowdaase Maatidiinna gawraca Amxaar kuma marsiiyeene Keligiin kamaydnaan mudheen midhah soomaale Minka faalka Moorada cirka iyo giganahaa muuqda masaloba markay kuu baxdaa laga macaashaaye Marag maleh minhaajkana la waa meelad kaga taalle Hartigaad is mooddiyo ma tihid midhaha Daaroode Asalkiinu meeshuu ahaa waydinkaa maray
Posted on: Fri, 01 Nov 2013 13:12:47 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015