Muqdisho(DALYAREONLINE)-Bogaga ku hadla afka ururka Al Shabaab iyo - TopicsExpress



          

Muqdisho(DALYAREONLINE)-Bogaga ku hadla afka ururka Al Shabaab iyo saxaafada caalamka ayaa ka hadlaya magacyada kooxdii weerarka ku qaaday xarunta ganacsiga ugu weyn Nairobi ee Westgate taasoo mudoo afar maalmood ah uu ka socday dagaal u dhexeeya kooxhubeysan oo qabsatay iyo ciidamada Kenya. Warar ay sheegeen warbaahinta Kenya oo ahaa in haweeney caddaan ah oo loo maleynayo inay u dhalatay wadanka UK ay ka mid ahayd kooxda weerarka qaaday ama ay hogaamineysay ayaa la beeniyey, waxaana warbaahinta reer galbeedka oo arrintaasi ka hadlay sheegeen inayan illaa hadda muuqanin in haween ay ku jireen kooxda Westgate ka dagaalameysay. Al Shabaab ayaa iyaga laftooda waxay boggooda twitterka ku qoreen inaysan waxba ka jirin in haween ay u adeegsadeen weerarka, dhammaana dadka weerarka fuliyey ay yihiin rag. Hase yeeshee waxaa soo baxaysa in ragga suuqa Westgate weeraray ay ka badan yihiin 15 nin, sida markii hore ay sheegeen saraakiisha amaanka wadanka Kenya oo marar kala duwan tiro kala duwan sheegay. Waxaana hadda soo baxaysa tiro 17 illaa 20 u dhexeysa inay ahaayeen kooxaha weerarka fuliyey, kuwaasoo tababar ku soo qaatay wadanka Soomaaliya laakiin isku diyaariyey gudaha Nairobi, sida ay qoreen warbaahinta ka faaloota arrimaha argagixisada. Bogga twitterka Al Shabaab waxaa maalinimadii Talaadada lagu faafiyey magacyada illaa sagaal nin oo kooxdu ay ku sheegtay inay yihiin raggioi gudaha ugu jiray Westgate ee la dagaalamay ciidamada amaanka Kenya. Magacyada kooxda ee la faafiyey 1: Ahmed Mohamed Isse, 22 years old from Minnesota, USA 2: Abdifatah Osman Keynadiid, 24 years old from Minnesota, Minneapolis 3: General Mustaf Nuradin, 27 years from Kansas City, America 4: Qasim Said, 22 year old from Garissa Kenya 5: Ahmed Nasir Shirdon, 24 years old from UK 6: Zaki Jma’a Arale, 20 years old from Hargeisa Somaliland 7: Ismail Guled, 23 years old from Helsinki, Finland 8: Siad Nuh, 25 years old from Kismayu, Somalia 9: Abdirazaq Mowlid, 24 years old from Canada 10: Saad D., from Damascus, Syria 11: Mohamed B., from Aleppo, Syria 12: Abdishakur Sheikh H., from Maine, US 11-Ahmad Mohamed I., from Saint Paul, US 12-Abdikarem Ali M., from Illinois, US 13-Shafie D., from Tucson, US 14-Abdirazak M., from Ontario (Canada) 15-Eliko M., from Dagestan, Russia 16-Mohammed A., from Svalov, Sweden 17-Moulid A., from Sweden Baaritaanada socda Wasiirka amaanka Kenya oo galabta ka hadlay wararka ugu dambeeya ee Westgate ayaa sheegay in xubno isugu jira sirdoonka Kenya iyo kuwa reer galbeedka ay ka wada shaqeynayaan sidii loo ogaan lahaa si dhab ah wadamada iyo halka ay ka yimaadeen ragga weerarka qaaday, waxaana wasiirku uu sheegay in weli ay jiraan qaar ka mid ah meydadka dadka dhintay oo ku hoos jira burburka dhismaha. Sirdoonka ka qeybqaadanaya baaritaanka ayaa waxaa ku jira Mareykanka, Ingiriiska, Isreal, Canada iyo Jarmalka oo dhammaan dad u dhashay ay ku dhinteen iyo dad ka soo jeeda wadamadaasi oo looga shakisan yahay weerarka inay ku lug leeyihiin. Dhinaca kale waxaa si weyn looga cabsi qabaa in dad fara badan ay weli maqan yihiin ama ay dhinteen iyadoo laga yaabo in tirada dhimshada ee hadda ku dhow 80 ruux ay ka badato. Leave a Reply WARIYE GAAS
Posted on: Thu, 26 Sep 2013 16:55:23 +0000

Trending Topics



>
Welcome to the world of concept cars The Cobra Venom V8 is a
Among the things which Prophet Muhammad (e) was recorded to have
Brownie Crumbs (Author Unknown) Mrs. Baughman was my 6th
Best Deal Best Of Extreme-cd , BUY
There is only way way to the Father and that is through the Son.

Recently Viewed Topics




© 2015