Ninkaaga sidan u Sixro Oo saan u soo jiido ! (Arin Muhiim - TopicsExpress



          

Ninkaaga sidan u Sixro Oo saan u soo jiido ! (Arin Muhiim ah) Walaashay waxaan kuu haynaa hadii aanu nahay wacdaraha Talaabooyin aad kuugu anfacaya in saygaaga aad Indhaha ka qabsatid Oo adiga Oo kali uu kuu soo jeesto. * Xittaa hadaad ka careysan tahay u muuji dhoola cadeyn iyo farxad . * Codkaada yuusan ka sara marin kiisa oo haka tagin adeegsiga erayada mac macaan * Tix Gili Ra`yigiisa * Hadalka haku jarin oo haka dhex gilin gaar ahaan marka aad hor joogtaan ehelkiisa ama ehelkaada. * Mar waliba ahaaw mid nafaadda u saaxib ah , oo u muuji muuqaal ka qurxoon kii markii uu ku soo guursanayay . * Gurigaada marti uga dhig oo sida qof marti u casuun . * Ha iloobin in aad qaabisho marka uu guriga soo galayo oo sii kala habeey caruurta . * U abuur jawi u mar waliba ugu baahanayo in uu guriga ku soo deg dego oo jawiga gurga daji oo ka dhig mid aan laheyn sawaxan. * Marka aad dooneysaan in aad meel u wada baxdaan saacad ka hor ahaaw mid diyaarsan ogoow ragga ma jecla sugitaanka . * Erayada gacaliye , qaali, macaane ha ahaadan kuwo carabkaada xifdiyay erayadaasna marka telka aad kula hadleyso ha u adeegsan saaxibadaada gabdhaha ah oo ka dhig erayadas kuwi isaga u gaar ah , ha yareysan erayadan saameyn ayay ku reebaan ninka . * Ha qaban telkiisa hadii uu joogo . * Ha Faafin sirtiisa oo xitaa qofka aad ku kalsoon tahay ha u sheegin wax isaga ku saabsan . * Ha dareensiin ninkaada in aad tahay maseereey * Dadka hortooda ha ku yareersan ra`yigiisa * Ka Ilaali Beenta ahaaw mid wax waliba run ka sheegta . * U Mahad Celi hadii xitta hadi wax sidaas u sii yar uu kuu keeno . * Aqoonsanoow cunooyinka uu aadka u jecel yahay qaadashadeeda * Dareensii in uu yahay ninkii aad ku riyooneysay oo aadan raali ahaansho dareemeyn la `aantiisa
Posted on: Fri, 06 Sep 2013 09:25:38 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015