: Qalbigeyga waan kusiiyay, Adne qalbigaga ma isiineysaa. si aan - TopicsExpress



          

: Qalbigeyga waan kusiiyay, Adne qalbigaga ma isiineysaa. si aan quful adag usaarno furahana badweynta ugu tuurno si weligeyn qalbiyadeena isugu xernaadeen. waxaan u dirahaya inta uu jacaylku sida dhabta ah u hayo si ay markasta isgu soo dhawaadan 2: Sida sokor kumilintay biyaha ayaad aniguna ugu milantay qalbigeyga, sida sokortaas aan dib loogu soo celin akrin ayaa adigana qalbigeyga dib lagaaga soo celin karin. 3: Waxaan kacabsanayaa keybourd-ka teleefankeyga iney kabaaba’aan xarfaha magacaada waayo mar weliba waxaan kusoo qoraa Magacaaga. 4: Malaga yaabo in dabka qabow isku badalo barafkuna dab isku badalo anigana malaga yaabo jaceylkan ku qabo inuu naceyb isu badalo. 5: Dhimbil dab ah baa wadnaheyga saaran waxad kukarsaneysaa magaca Jaceyl xaraf xaraf ayu ugu dul milmi haayaa wadnaheyga. 6: Qalbi waxad ibartay magaca jaceyl magaca nolol wax walbo ayad ibartay marna kama ahan karo bogeyga ku furan inan si adag kugu dhuujiyo laabteyda ayan rabaa. 7: Qalbigeyga dhinac ayuu kadilaacay kadib markuu tan buuxiyay jeceylkaaga ku talo gal inaad tosho qeybtas waayo wadnuhu shaqeynta inuu joojiyo ayuu kudhawyahay. 8: Markan Kuxususto saqdhex ayaan soo kacaa bisha oo buuxdo eega dhexdeda calemaha kuyaal anago wada jogna arkaa ogow Allihi nakala fogeyay hadana wan neysku Ken so celin karaa marwaliba dardarenkeygu wa alle caabud iyo samirkoo kaashanaa. 9: Ha idhihin waan kujeclahay keliya iskuday inaan dareemo. 10: Waan Ku amaahinayaa nafteyda adne i amaahi garabkaaga si aan ugu dul ooyo. Wan ku amaahinaya dhagaheyga adne i amaahi dhagahaga si ay idhageystaan mar weliba. Balse wadnaheyga kuma amaahin karo waayo mar hore ayaad lahaatay weligaana adigaa lahaanayo. 11: Aan iskaga kiin dhex baxo adinka iyo qodobadii jaceylka ee aan akhristayaasha Calanside iyo allbanaadir ugu talo galay. Mararka qaar waxaad iisoo dirtaa fariiin, balse aniga joogto ayaan kuugu soo diraaa, mararka qaar waad iixiistaaa balse aniga joogto ayaan kuuugu xiiisaaa, mararka qaar waaba I iloowdaaaa, taana waa waxa keliya aanan sameyn doonin intaan nooolahay. Macaanto xusuustu waa wax yaab leh markii aan xasuusto xiligii aan labadeenuba isku dul ooyn jirnay waan qoslaaa, laakiin markii aan xusuusto xiligiii aan labadeena isla qosli jirnay, waan ooyaaa weliba ilmo kulul. 12: Hadii aad u maleeysid inaan kaa fikiro waqtiyada qaar waad qaldantahay, waxaan kuu xiisaa keliya markii aan kaa fikirayo, laakiin waxaan kaa fikiraaa ilbiriqsi weliba ee nolosheyda soo marto taasi waxey ka dhigantahay inaaan mar weliba kaa fikiro kuuna xiiso. 13: Maalmaha waa mashquul, saacadaha aad bey u yaryihiin, ilbiriqsiyadu aad bey udheereeyaan, laakiin sikin weliba kama daallo inaan xaaladaada kuweeydiiyo, maskaxdeydana kama daasho iney kuuxiisto. 14: Weligaa ha fiirin weji qurux badan, maalin wuxuu isku badali doonaa duqnimo, weliga hafiirin jismi qurux badan maalin wuxuu isku badali doonaa inuu isku laalaabmo, laakiin waxaad fiirisaa keliya qalbigeyga daacada kuu ah aan ebid sidiisaan iyo xiisaha uu kuu qaboiska badali doonin. 15: Macaanto nolosha waxaad igu bartay casharo ciwaankoodu uu ahaaa, Taxadar, dhoola cadeyn, oohin, cafis, wadaagis, aaminaad, iyo weliba waxa uu yahay jaceylka, waxaad tahay macalinkeygii dunida kazoo casharada uu ibaray weli ku dul qoranyihiin xinjiraha wadnaheyga. 16: Waqtiga farxada, waqtiga waqtiga murugada, waqtiga maalintii, waqtiga habeenkii, iyo waqtiga hurdadaba adigaan kuu xiisaa oo aay naftu tabtaaaaa. 17: Albaabada xusuustaada weligood maxermayaaan oo waa iska furnaanayaaan, inta aan kuu xiisay qof bini aadam ah maskaxdiisa maximili karto, maalmaha waxey igu gudbaan anigoo xusuusteenii dhex mushaaxanayo, inta maalintii aan kaa maqanahay aan kula sheekeysaneyn waxaan lasheekeystaa xusuusteena iyo ilmada indhaheyga kazoo burqaneyso. 18: Xikmada Calanside iyo Allbanaadir waxey ku leedahay ilbiriqsi weliba ee noloshaada kusoo maro, waa sawir aanad weliga horay u arkin, kaasoo haddana aadan weligaa dib u arki doonin, sidaa awgeed ilbiriqsi weliba ee kusoo maro kaga faaideyso cibaado iyo qancinta lamaanahaaga.
Posted on: Fri, 23 Aug 2013 13:40:54 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015