Qaraxyo waa weyn oo laga maqlayo diyaadadii goordhaw ku dhacday - TopicsExpress



          

Qaraxyo waa weyn oo laga maqlayo diyaadadii goordhaw ku dhacday garoonka Aadan Cadde. Waraka hada naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxyo xoogan laga maqlayo halka ay ku gubaneyso diyaarad laga lahaa dalka Ethiopia oo garoonkaasi ku dhacday goor sii horeesay kadib markii ay wadada diyaaraduhu ku degaaan ay ka baxday. Saraakiil ku sugan garoonka oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarada oo waday hub ay wadada ka baxday ayna gudaha ugashay saldhig AMISOM ay leedahay iyada oo kadibna dabkii diyaarada ka bilaawday uu sababay in hubka diyaarada saaran uu qarxid bilaabo. Xaalada Garoonka ayaa wali ah mid cakiran waxaana socda gurmad lagu daminayo diyaarada saakay ku qaraxday garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde , walina wax faah faahin ah lagama helin saraakiisha amaanka iyo kuwa AMISOM ee kusugan Garoonka Aadan Cadde . Waxii Warar dheeraad ah oo warkaas kusaabsan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
Posted on: Fri, 09 Aug 2013 09:59:57 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015