SADEX ARIMOOD OO AFIRIKA OGALAYSIIYEY GEERIDA. 1. Xanuun, ama - TopicsExpress



          

SADEX ARIMOOD OO AFIRIKA OGALAYSIIYEY GEERIDA. 1. Xanuun, ama cudur. 2. Aqoon daro, jahli. 3. Cimri, ama dhalin. Waxaan wada ogsoon nahay in dhimashadu xaq tahay qof kastaana uu gaarayo waxaa jira waxyaaba badan oo aad jeceshahay inaad gaarto ama aad samayso hadana aan suurta gal kuu noqon. Sida inaad dayaxa tagto inaad waalidkaa xajka gayso inaad wax barato inaad iyo inaad.... Laakiin waxaa hubaal ah inaad dhimashada gaarayso ee su aashu waxay tahay sideed ku gaaraysaa ma jahli ayaa kuu dedejinaya ma cudurbaa kuu dedejinaya mise cimrigaaga ayaa ku gaarsiinaya. waxaa jirta in dhimashada aduunka ugu badani ay ka dhacdo Afrika sababna ay ka dhigato Jahli iyo cudur is kaashaday. Waxaa jira in Ragu uusan dhaafin dadan 48 sano (celcelis).dalalkan afrikaanka ah 1.Somalia 45 sano 2.Gunia 47 sano ,congo 47 sano ,sambia 47 sano.serilion 47 sano, ethopia 47 sano.Iyo qaar kale oo badan. Markaan barbardhigno raga carabta waxay celceliska ku dhintaan 75 sano. Sida qadar, kuwait, saudi,dubai, bahrain wadamadani waxay ka baxeen jahligii colaada iyo baahida, kadibma waxay gaareen inay noolaadaan ilaa inta ay aqoontoodu cudurkooda daawayn karto. waxaa iyaguna celceliska noolaada Raga reer galbeedka oo iyagu gaara ilaa 78 sano (celcelis) Iyaguna waxay taa ku gaareen inay dagaal la galeen jahli iyo cudur kana guuleeysteen labadaba . Waxaan qoraalkan u qoray in aan iraahdo waxay shacabka soomaliyeed qalad u isticmaalaan ama qalad u fasirtaan Awooda Allah sw oo ah inuu isagu waxna dilo waxna nooleeyo. Walaalayaal geeri kastaa waxay leedahay sabab mida soomaalidana waxa u badan jahli iyo cudur waxaana ognahay in ay labaduba daawo leeyihiin. Daawadooduna waa waxbarsho iyo dadka oo la jeclaysiiyo Nolosha lana siiyo xoriyad.
Posted on: Sun, 18 Aug 2013 14:18:21 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015