SOMALIA: Dagaaladan sokeeye ee daaliyey dalkii ayay dadku la - TopicsExpress



          

SOMALIA: Dagaaladan sokeeye ee daaliyey dalkii ayay dadku la wareereen. nin baa markaa intuu madax qabsaday ku yidhi saaxiibkii Dagaal sokeeye goormuu dhamanayaa? sxbkii wuxuu ugu jawaabay dagaal sokeeye dawlad la mucaaridduu ka bilaabmaa, albaabkaaga irriddiisuuna ku dhammaadaa. waxay ka dhigan tahay, fowdo iyo qas haddii aad bilowdid oo mar danbe intaad daasho tidhi ha la joojiyo, ma istaagayo kuwo firfircoonidii wata ayaa gurigaaga kuugu soo gali oo ku dili, markaas ka dib ayuu adiga kuu dhamaaday!!! maanta mucaaraddii muxaafadadii Somaliland waxay maraysaa car iyo car, haddii aan sidan laysu dhaaminna way ka sii xumaan, mucaaradka ha loo ogolaado in uu si salmi ah u wato mucaaradadiisa, haddii kale waxaa dhici mid aan salmi ahayn, oo kaa irridaada ku dhamaanaya oo kale noqda alle kama dhigee.
Posted on: Tue, 19 Nov 2013 14:11:48 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015