Sidaad wada ogeydeen, usbuucii hore, Garas wuxuu soo gudbiyey - TopicsExpress



          

Sidaad wada ogeydeen, usbuucii hore, Garas wuxuu soo gudbiyey codsi ahaa in la garab istaago, oo dadka ka danqanaya walaaloohooda la takooro ay dhaqankan xun tirtiraan. Marka waxaad mooddaa inaan mudnaanta koowaad la siinin codsigiisii. Markale wuxuu yidhi: Sidii Aar libaax oo kaliil, oofta ka hinraagey Ama geel samaan oomanaa, oo aroor sugaya Waataan af labadii dhawaaq, uubateyn galaye Waataan dhambaalkii unkee, odoyo fiirsheene Arjideyda waa tii wax badan, uunku daawadaye Waataan axaadiista iyo, aayad tiigsadaye Waataan aqoonta idin bidey, inaad adkaataane Miyeydaan ogeyn sida takoor, ubucda ii gooyey? Miyeydaan arkeyn jaarka aan, la ixtiraameynin? Aamusnaantu waa maxay, sidee amar idiin taabtey? Ibtiladan haddaan laga hortegin, aafo soo maaha? Bal aan aragno inuu jawaab deg deg ah oo munaasab ah helo.
Posted on: Wed, 27 Nov 2013 08:12:22 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015