Sidaan ugu gadaanaa ninkaa looga wada giigay Een - TopicsExpress



          

Sidaan ugu gadaanaa ninkaa looga wada giigay Een geedankiisii noqdayow waxaad i gaadhsiisay Si aan uga gayoodaba adaa guuldarro i badaye Gonda-gooye ma ahayn waxaan kuu gardaadsadaye Nabsi guratay goor aad heshaba waana ii godobe Maskii good ahaa iyo ninkii loo gar qaadaayey Guurtida markii loo wacee taladii loo guulay Cid gungaadha xaajada kolkii goobtii laga waayey Waxay gocotayoo eersatayoo gabgabo u diiday Waa masaartu xidadkay gashiyo gabankay aaseene Nin ganiyo libaax waa ogyahay kii galadayaaye Adoose goomanaadaa kolkay ila gudboonaato Nacab aan iskaga kaa gudbiyo hiil gabaabsiye Geeridii aan kaa celin jiraan gudin u soofayne Garnaqsaday guddoonkiina waa nin iyo gaarkiise Gadaafada haddaad odhan lahayd laguma gaadhsiinin Ninkaa gebiga igu soo dunshayoow soow ku garan maayo Abwaan Macalin dhoodaan
Posted on: Thu, 04 Jul 2013 17:13:17 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015