TAARIIKHDA IMAAMUL BUKHAARI (RAXIMAHUL-LAAH). Qeybta - TopicsExpress



          

TAARIIKHDA IMAAMUL BUKHAARI (RAXIMAHUL-LAAH). Qeybta Koowaad. Dadka inta cilmiga Axaadiista wax ka taqaan, Imaamul Bukhari waxay u aqoonsan yihiin inuu ka mid yahay shaq siyaadka ugu muhiisan taariikhda umadda Islaaamka. Bukhaari wuxuu ku soo biiriyey dhaxal tooyada umadda Islaamka kitaab kiisa loo yaqaan Saxiixul-Bukhaari laakiin isagu uu u bixiyey Saxiixul Jaamicoo ah midka ugu saxiixsan kutubta qoran, Qur’aanka ka dib kaas oo Culimdu isku waafaqsan tahay inuu yahay Bukhaari Imaamu Ahlul Xadiis iyo ninka ugu xifdin badan sunada Nabiga CSW, waana kitaabka loogu kalsoon yahay agtooda Kutubta lixda ah ee waa wayn ee loo yaqaan Situ Umuhaat kuwaas oo kala ah Saxiixul Bukhaari, Saxiixul Muslim, Sunan Abii Daa’uud, Sunan At-Tarmethey, Sunan Ibnu Maajah iyo Sunan An-Nisaa’i. Inta uu jiro qof muslim ah oo baranaya sunnada Nabiga CSW, baalka uu Imaamku kaga dhigan yahay taariikhda Islaamka waxa uusan ka engegeyn carabka inta wanaaga ku xusaysa. Bukhaari wuxuu halyey u yahay inta sunnada Nabiga CSW, barashadeeda uheelan had iyo goor, fahamkeedana u oomman, waana Amiirul muslimiin fil Xadiis. DHALASHADII IMAAM BUKHAARI (RAXIMAHU LAAH). Magaciisu waa Abu-Cabdullahi, Maxamed Ibnu Ismaaciil ibnu Ibraahiim, ibnu muqiirah, ibnu Burdazbah Al-Jacfi Al-Bukhaari wuxuu ku dhashay magaalada Bukhaara, oo ku taal dalka Ruushka maanta loo yaqaan Uzbekistan, sanadku markuu ahaa 194H 13-ka bisha Shawwaal habeen jimceed, waxuu ahaa asalkiisu Faarisi laakiin ku magacaabida (Aljacfi) Aabihiis baa wuxuu ku Islaamay Gacanta Al-yamaani Aljacfi uuna u ahaan jiray Mowle sidaas baa loogu magac daray Al-jacfi. Bukhaari Aabihii, Ismaaciil ibnu Ibraahiim ibnu Mughiirah al-Jacfi, wuxuu ka mid ahaa Muxaddisiintii waa weynaa ee reer Bukhaara wuxuuna caan ku ahaa uruurinta iyo xifdinta Axaadiista Nabiga CSW. Bukhaari Aabihi wuxuu geeriyooday isagoon garaadsan oo dhabtii hooyadii ku jira. Wuxuuse uga tagey hanti fara badan. oo xalaal ah wuxuu oran jiray Aabihiis Maalkayga oo dhan ma garanyo hal Dirham oo xaaraana oo ku jira, Korintiisa iyo bar baarintiisa waxaa la wareegtay hooyadiis. Wabillaahi Towfiiq. (La soco Qeybta kale, Insha allaah).
Posted on: Sat, 24 Aug 2013 13:04:43 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015