Warbixin laga soo saaray Markab hub u soo waday Somalia oo - TopicsExpress



          

Warbixin laga soo saaray Markab hub u soo waday Somalia oo bilowgii sanadkan lagu qabtay Yaman Sida laga soo xigtay Warbixin ay soo saartay QM oo ay Aragtay Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa waxay muujineysaa in Markab hub siday oo ay qabteen Ciidamada badda Yemen bishii January ee sanadkan uu ahaa mid ku sii jeeday dalka Soomaaliya. Xoogaga badda Yemen ayaa gacanta ku dhigay Markabka Jihan-1 23kii January kaasoo marayay xeebaha Yemen waxaana ay mas’uuliyiinta dalkaasi sheegeen inuu markabkaasi siday hub culus oo ay ka mid yihiin Gantaalada dhulka laga rido kuwaasoo laga soo dhoofiyay dalka Iiraan. Warbixintan oo ay soo saareen kooxda la socodka xayiraadaha saaran Somaaliya iyo Eritrea ayaa waxa ay sheegeysaa in Mas’uuliyiinta Yemen ay xaqiijiyeen in markabkan la qorsheynayay in la geeyo Soomaaliya, ayna tuhunsan yihiin in loo waday xoogaga Al-Shabaab. Qabashada Markabkaan Hubka sida ayaa imaanaya xilli Qaramada Midoobay si KMG ah ay uga qaaday Soomaaliya Xayiraadda Hubka ha yeeshee ay daba socotay digniino iyo walaac in hub Sharci darro ah uu galo Gudaha dalka Soomaaliya. Safiirka dowlada Iiraan u fadhiya QM ayaa beeniyey in hubkaas uu ka yimid dalkiisa, wuxuuna xusay in eedeeymaha noocan ah yihiin kuwo aan la hubinin oo ay ka dambeeyaan arrimo siyaasadeed.
Posted on: Tue, 02 Jul 2013 16:52:31 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015