Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga - TopicsExpress



          

Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda. Paris St-Germain ayaa ku dhow inay Arsenal ku garaacdo saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Newcastle Yohan Cabaye iyagoo 17 milyan ginni ku dalbanaya 27 jirkaan. (Metro) Macalinka Arsenal Arsene Wenger ayaa ku dhow inay 10 milyan ginni ku dalbado goolhayaha kooxda Newcastle 25 jirka Tim Krul. (The Sun) Wenger ayaa sidoo kale kale ku dhow inuu sarre u qaado dalabka Cabaye, halka Arsenal ay sidoo kale isha la raaceyso ciyaaryahanka kooxda Real Madrid 25 jirka Angel Di Maria. (The Sun) Gunners ayaa sidoo kale ay macquul tahay inay dalab cusub ka gudbiyaan goolhayaha Valencia Vicente Guaita ka dib markii kooxda La Liga ka dhisan ay soo diiday dalabkii furitaanka ee 4 milyan ginni ee 26 jirkaas ku aadan. (Metro) Wakiilka Karim Benzema ayaa sheegay in 25 jirka weerarka ka ciyaara ee Faransiiska ah inuusan ka tagi doonin xagaagan Real Madrid islamarkaana ku biiri dooni Arsenal. (Sporting Life) Garteh Bale ayaa gaaray Spain iyadoo Tottenham iyo Real Madrid ay weli ka wadahadlayaan heshiiska uu xiddigan ugu wareegayo Bernabeu. (Mail on Sunday) Xiddiga reer Wales Bale ayaana heshiis shaqsi ah oo lix sanno ah la gaaray kooxda reer Spain ee Real Madrid isagoo mudadaas ku qaadan doona 97 milyan ginni. (Sunday Mirror) Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo oo 28 sanno jir ah ayaa ku wargeliyay kooxdiisii hore Manchester United inuu jeclaan lahaa inuu ku laabto oo uu mustaqbalkiisa ciyaareed halkaas ku gabagabeeyo. (Observer) Stoke, Cardiff iyo Swansea ayaa dhamaantood la rumeysan yahay inay dalab ka gudbiyeen xiddiga reer Nigeria ee weerarka ka ciyaara 32 jirka Peter Odemwingie. (Birmingham Mail) Chelsea ayaa dalab kama danbeys ah oo gaaraya 40 milyan ginni ka gudbin doonta weeraryahanka Manchester United 27 jirka Wayne Rooney, ka dib ciyaarta berrito ee labada kooxood. (Sunday Mirror) Chelsea ayaana hadii ay ku guuldareysato isku daygeeda waxa ay u weecan doontaa Samuel Eto’o iyagoo ka qeyb dhigi doona heshiiska ay kula soo wareegayaan xiddiga kale ee Anzhi Willian. (Sunday Telegraph) Spurs ayaa ku dhow inay 25 milyan ginni kula soo wareegto weeraryahanka kooxda Roma Erik Lamela isbuucaan marka ay kooxda Talyaaniga hesho bedelka 21 jirkaan, kaasoo White Hart Lane kula midoobi doonaa agaasimihiisii hore Franco Baldini. (Mail on Sunday) Macalinka Stoke City Mark Hughes ayaa rajeynaya inuu la soo wareego 21 jirka weerarka ka ciyaara John Guidetti oo uu kala soo wareego kooxdiisii hore Man City isagoo bixinaya lacag lagu sheegay 5.5 milyan ginni. (The Sun) West Ham ayaa u weecan doonta weeraryahanka Porto 28 jirka Silvestre Varela, hadii ay ku guuldareystaan isku daygooda ay Juventus kala soo wareegayaan ciyaaryahan Fabio Quagliarella. (Sunday Express) _________feysal__________
Posted on: Sun, 25 Aug 2013 14:44:21 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015