Xadiith: N°16 | Carada: Waxaa laga weriya Aybii Hureeyra(Allah - TopicsExpress



          

Xadiith: N°16 | Carada: Waxaa laga weriya Aybii Hureeyra(Allah haka raalli noqdee): In nin u yimid Nebiga( s.c.w.) kuna yiri : ii dardaaran markaasuu Nebigu yiri: “Ha caroonin, Markaasuu ku cel celiyay erayga ha caroonin.” [Bukhaari]. Sharaxa: Xadiiska Lix & Toban Caradu waxay ka mid tahay jirrooyinka xun xun ee qofka jarka ka tuura, dembiyo waaweynna u soo jiida, . lamana celin karo carada oo waa wax ku abuuran qofka oo marka lagula kaco wax aanu ralli ka aheyn dhiiggiisa dhaqaajiya, marka Nebigu wuxuu ugu yeerayaa muslimiinta iney is celiyaan intay caro burburayaan, waa inaan qofku u hoggaansamin waxay caradu u yeereyso, xadiis kale wuxuu Nebigu (s.c.w.) ku waaniyay qofka caradu qaadqaadeyso in uu weysa gaato ama xaalka uu ahaa beddelo oo hadduu taagnaa fariisto hadduu fadhiyey jiifsado. Marka xadiiskani wuxuu kuugu yeerayaa inaan caradu xadka kaa saarin. FAA’IIDADA XADIISKA Waa inuu xusuusto qofku waxa ka dhalanaya carada, Waa inuu qofku is-cef iyo haddii uu caroodo, oo wax kale ku caro burburo, Inuu ka dheeraado inuu qaado tillaabo ama go’aan isagoo careysan, maxaa yeelay, wuxuu ka shalayn doonaa markay caradu ka baxdo.
Posted on: Mon, 19 Aug 2013 00:25:20 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015