£ Xamareey waxaa tahay. £ Xariirtii wadankeena iyo. £ - TopicsExpress



          

£ Xamareey waxaa tahay. £ Xariirtii wadankeena iyo. £ Xeebihii dalxiisyada iyo. £ Xaruntii caasimadeenoo. £ Xuriyada ku caan aheyde. £ Xili kastaa salaadaha iyo. £ Xirsi xirka aayadaha iyo. £ Xijaabka burdihiisa baan. £ Kula xarbiyaa samada oo. £ Xarafna aan igu baaqane. £ Xad malaha amaanta. £ Xoogii dalkeena iyo. £ Xuduntii wadanigiyo. £ Xilkasyadii bulshadaa. £ Xamar kugu xabaalane. £ Xaasidkaada waan arka. £ Xanaf kaama qaadikaro. £ Xoogii ku tirsan jiray baa. £ Xag walba kaataaganoo. £ Xabadka uwada tumayee. £ Xamar weyne muqdisho. £ Xamar jadiid muqdisho. £ Xamar jajab muqdisho. £ Ilaa cirifta xaawa cabdi. £ Xarun baad utahaye. £ Xagaa waqooyi dheh. £ Xagaana koonfur dheh. £ Xagwalbaa gobaladeena. £ Xoogoodiyo waxaa tahay. £ Xaruntii xamar dalkoodiiye.
Posted on: Wed, 26 Jun 2013 13:28:08 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015