digg icon delicious icon Akhri Qodobadii lagu - TopicsExpress



          

digg icon delicious icon Akhri Qodobadii lagu heshiiyay(Soomaali) August 28, 2013 // admin1 // News 1) Maamul kumeelgaadh ah oo ka kooban Gedo,Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe. 2)Magaca mamaulku waa mamaulka KMG ee Juba 3) Mudada maamulku waa inuusan ka badnaanin 2 sano 4)DFS iyo madaxda maamulka Juba si wadajir ah ayay usoo dhameystiri doonaan qeybaha ka dhiman maamulka iyadoo la tixraacayo dastuurka 5) Maamulku wuxuu ka koobnaan doonaa gudi fulin iyo gole deegaan 6)Hogaamiyaha maamulka KMG ee Juba ayaa ah madaxa gudiga fulinta ee maamulka waxayna masuuliyadiisu hoos tagtaa oo la xisaabtami DFS 7)Hogaamiyuhuu wuxuu yeelanayaa 3 kuxigeen waxaana soo magcaabaya hogaamiyaha isagoo la tashanaya DFS 8) Sadaxdan hogaamiye kuxigeen waxay xubin ka noqonayaan gudiga fulinta ee maamulka. 9)Golaha gudiga fulintu waxaa soo magacaabaya hogaamiya maamulka KMG ee Juba isagoo la tashanaya DFS.DFS waxaa masuuliyadeeda ah inay hubiso in beeluhu u dhanyihiin golaha gudiga fulinta 10) Golaha deegaanku waa inuu noqdaa mid loo dhanyahay oo beeluhu ka wada muuqdaan loona qeybsado qaab degmo iyadoo la eegayo dib uheshiisiinta iyo deeli tirnaanshaha.Sharciga iyo qaanuunka lagu dhaqayo maamulka KMG ee Jubaba waa inuu noqdaa mid waafaqsan dastuurka DFS,ansixina ka haysta Baarlamaanka Federaalka ee Somalia 11)Inta laga dhaqan galinayo xeerka dhismaha maamulka DFS, gudoomiyaasha Jubada dhexe iyo Jubada Hoose waxaa soo magacaabaya hogaamiyaha maamulka KMG ee Juba isagoo la tashanaya odoyaasha dhaqanka iyo DFS islamar ahaantaana tixraacaya isu dheelitirka beelaha.Maamulka hada Gedo kajira sidiisa ayuu sii ahaanayaa. 12 Dekada iyo garoonka Kismaayo waa hantida shacabka soomaaliyeed 13) Dekada Kismaayo iyo garoonka waa in looga faaidaystaa si waxtar uleh nabada iyo badhaadhaha shacabka soomaaliyeed iyadoo mamaulka iyo hogaamintu ay leedahay DFS. 14)Maamulka Dekada iyo garoonka Kismaayo waa in lagu wareejiyaa DFS mudo 6 bilood ah kadib, laakiin hada waxaa sii shaqeynaya maamulka jira.Mudo 6 bilood ah kadib dowlada ayaa maamul tayo leh usoo magcaabi doonta iyadoo la tashanaysa maamulka kmg ee Juba. 14) DFS waxay masuul kasocda waaxda socdaalka umagacaabaysaa dhamaam xuduudaha deegaanada maamulka. 16)Waa in dhaqaalaha kasoo xarooda Dekada iyo garoonka Kismaayo loo maamulaa si cadaan ah oo musuqmaasuq lahayn, loona siticmaala oo kaliya sugida amniga,adeega bulshada iyo xarumaha kaabayaasha dhaqaalaha ee deegaanada Juba. 17)Qaabkan loo maamulayo dekada iyo garoonka Kismaayo wuxuu sii shaqayn doonaa ilaa laga soo saarayo xeerka dhaqaala qeybsiga DFS iyo maamulada xubnaha ka ah. 18) Dhamaan ciidamada iyo maleeshiyaadka oo ay kujiraan Raaskambooni iyo kooxda darwiish waxaa lagu darayaa ciidamada militariga ee DFS.Ciidamada booliska waxay hoostagayaan maamulka Juba. 19) Maamulka KMG ee Juba iyo DFS waxay si wadajir ah umagacaabayaan gudi farsamo oo ka shaqeysa qaabkii loo qaramaeyn lahaa ciidamada.Gudidan ayaa masuul ka ah habka iyo qaabka loo qarameynayo ciidamada iyo dib uhabaynta arimaha nabadgeliyada. 20) Qaramaeynta ciidamada waxay dhacaysaa mudo la isla jaangooyay iyadoo la kaashanayo ciidamada AMISOM. Qaramaeynta ciidamada waa in DFS tixgelin siisaa maamulka kmg ee Juba. 21) mudo 2 isbuuc gudahood ah waa in shir dib uheshiisineed lagu qabtaa Muqdisho, kadibna shir kaas la xidhiidha ama lamid ah lagu qabtaa Kismaayo. Muhiimada shirka Muqdisho waa qaabkii loo shameystiri lahaa maamulka qeybha ka dhiman iyo nabad dhisida. Shirka dib uheshiisiinta Muqdisho waxaa looga hadli doonaa, laguna heshiin doonaa qabkii loo dhameystiri lahaa maamulada federaalka Somalia. Dowlada Ethiopia oo ah gudoomiyaha IGAD ayaa dhexdhaxaadisay labada dhinac makhraatina u ah heshiiska. Heshiiska waxaa la saxiixay 27/08/2012, waxaana lagu saxiixay Addis Ababa. Saxiixayaasha heshiiska Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo matalayay ergada DFS iyo Sheekh Axmed Madoobe oo matalayay ergada Juba.
Posted on: Wed, 28 Aug 2013 18:30:51 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015