18th May, 2013 KORORKA TIRADA JAAMACADAHA EE SOOMAALIYA: DHEEF IYO - TopicsExpress



          

18th May, 2013 KORORKA TIRADA JAAMACADAHA EE SOOMAALIYA: DHEEF IYO DHIBAATO INCREASING NUMBER OF SOMALI UNIVERSITIES: BENEFITS AND LOSSES W/Q: MOHAMED ABDIRIZAK SAEED (SAMIIK) Waxbarashada oo ah tiirka xadaaarada, horumarka, iyo mustaqbalka taariikhda aadanaha, hadana/the education is the approach of civilization, development, and historical future of world nations, waa wadada bulshooyinka adduunweynuhu ku keydiyaan islamarkaana kula tartamaan bulshooyinka kale dhinacyada: afkaarta, dhaqanka, taariikhda, suugaanta, iyo falsafada. Aqoontu waa iftiin baabiiya mugdiga/education is a light which ends the darkness, waa cunsur la dagaalama jahliga/it’s an element which fights the ignorance, waa maado kor-u-qaada dareenka hal-abuurka/it’s a subject which provides the initiative missions, iyo xaqiijinta himilada la tiigsanayo/it’s a mechanism which bring about the dream that conquered. Xilligii gumeysiga, gumeytayaashii reer England, Italy, iyo France… waxey umadda soomaaliyeed u dhigeen qorshayaal “xukun-gumeysi” ah oo ku jaan go’need xikmada ah “qeybi oo xukun/divide and rule”, waxey abaabuleen oo hirgaliyeen barnaamijyo lagu tirtirayo habdhaqan-dhaqameedka soomaalida, diinta islaamka, iyo barnaamijka siyaasadeed ee mustaqabalka soomaaliya. Gumeystayaashii waxey dalka ka fureen maraakis waxbarasho oo ay ku hirgaliyeen mashruucoodii ee ahaa “kimis iyo kitaab” taasoo ay ku faafinayeen diinta masiixiga ah ee la nasakhey, sidoo kale, waxey badeleen cunsurkii abtiriska iyo magacyadii soomaalidu la bixi-jirtay (magacyadii Maxamed, Geedi, Warsame, Cusmaan, Siyaad…. Waxey u badaleen: Michael, Terry, John, Maryam, David, iyo Abraham). Soomaalida oo xilligaas aheyd jaahiliin aan waxba ka ogeyn xadaaradaha caalamka, siyaasaadka caalamiga, iyo aqoonta maadiga, waxey ka horyimaadeen oo diideen mashaaric waxbarasho oo heer caalamiya kuwaasoo gumeystihii England door-bidey inuu soomaaliya ka yagleelo, nasiibdarro, mashaaricdii waxey ka fuleen wadamo kale iyagoona dadyowgii loo sameeyayna ay illaa iyo hada ku faanaan, ku ilbaxeen, islamarkaana jahligii uuga baxeen oo aqoon iyo xadaarad maadiya yeesheen. Soomaalidu waxey xilligaas ku jirtay “halgan wadaniyadeed” oo markii dambe dhaxal-taarikheed iyo mid bulshaba u soo hooyay. Inkastoo halganku ahaa waajib diineed iyo qadiyad umadeed, hadana, waxey aheyd iney fahmaan “sirta nolosha” iyo “siyaasada caalamka”, meysan aheyn iney ka horyimaadaan oo diidaan mashaaricdii waxbarasho ee dalkan laga hirgalin lahaa, nasiibdarro, bal fiiri wadamadii loo dhisay shacabkoodii siweyn oo fiican ayey uuga faa’ideysteen!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! Xilligii dowladnimada, inkastoo wadanku ku cusbaa hanaanka dowlada, iyo cilmiga dowlada/the country was new-fangled the knowledge of government and subject of governance at that era. Hadana, dowladiihii bulshada rayidka/civil societies’ administration, waxey dibada u direen dhalinyaro badan oo soomaaliyeed oo fursado waxku-ool ah u helay iney wadanka dibadiisa waxku-soo bartaan kadibna aqoontii iyo cilmigii ay barteen kula soo laabtaan dalkooda hooyo. Waxaa sidoo kale laga hirgaliyay markii ugu horeysay dalka mashaaric tayo iyo tiro leh oo waxbarasho, waxeyna noqotay bilowgii “barnaamijka waxbarashada ee somaaliya”. Xilligii “kacaankii Barako-waa 1969-91”, waxey aheyd xilligii ugu fiicnaa uguna hormarka badnaa barnaamijkii waxbarashada ee dowladihii rayidku abaabuleen; kacaankii wuxuu dalka ka hirgaliyey mashaaric badan oo waxbarasho/regime of Siad Barre developed the country for many education projects and was the “better time” of all Somali history in education, dalku markaa wuxuu lahaa dugsiyo sare oo tayeysan oo cilmi iyo edeb ku xardhan-yihiin/the country had many high schools with educational quality and discipline. Dugsiyadii sare ee waqooyiga kuyaaley waxaa kamid ahaa: dugsigii Sheekh, iyo dugsigii Camuud. Taariikhda markii ugu horeysay wuxuu dalku yeeshay hanaan isku-xiran oo bar-bilow iyo bar-dhamaad leh dhinaca waxbarashada, wuxuu wadanku yeeshay dugsiyo hoose/dhexe/sare, jaamacad, maraakis cilmi-baareed, xarumo xirfadeed, iyo hey’ado qaabilsan barnaamijka horumarinta iyo kobcinta aqoonta iyo barbaarinta ubadka soomaaliyeed. Jaamacada dalka ee Gaheyr waxey kamid aheyd jaamacadihii ugu tayada, manhajka, iyo macalimiinta wacnaa ee qaarada Afrka, dowladu waxey dajisay manhaj tayeysan oo ku jaan go’an “600” oo saacadood kaasoona ku qoran luqada “Af-Soomaaliga”… wuxuu dalku yeeshay silsilad isku-xiran oo dhan-walba oo waxbarashada ah, waana markii ugu horeysay ee dalku gaarey horumar dhinac walba gaar ahaan waxbarashada. Dugsiyadii sare, jaamacadii Gaheyr iyo Lafoole, iyo xarumihiii xirfadaha kala duwan lagu baranjirey waxey soo saareen “kumaan dhalinyaro” soomaali ah, kuwaasoo si weyn wax uuga badelay dhaqanka, isdhex-galka iyo xadaarada, dowladuna waxey u fidisay shaqooyin waxeyna noqdeen dhalinyaro anfacey naftoodii, dadkoodii, iyo dalkoodii. Filimaan dokumentari ah oo laga sameeyay xarumihii waxbarashada ee dalka waxey muujinayaan in soomaaliya aheyd wadanka 3-aad ee dhinaca waxbarashada ee qaarada Afrika, manhajka soomaalidu waxku baran-jirtay waagaa waxaa loo aqoon-sadey manhajkii ugu tayada badnaa dhammaan manaahijtii kale ee wadamada qaarada Afrika, dhalinyaradii ardeyda aheyd ee kasoo qalin-jabiyey xarumahaasna waxey noqdeen dhalinyaradii xaga fir-fircoonida, waxbarashada, iyo xadaarada ugu wanaagsanaa dhammaan qaarada afrika gaar-ahaan bariga Afrika.. iskusoo-wada gunaanadoo, soomaaliya, waxey gaartey bar-tilmaameed caalamiya dhinaca waxbarashada. Xilligii burburka iyo qaran-jabka soomaalia 1991---, sanadihii 1991-1996, soomaaliya waxey gashey marxalad dhibaato iyo jahwareer badan, waxaa dalka ka hilaacey qax, dagaalo sokeeye oo feker qabyaaladeed ku lifaaqantahey, dulmi qaawan, xasuuq shacbiyadeed, boob, bililiqo, iyo faraxumeyn la faraxumeeyay waxkasto oo qiime iyo qaayo lahaa hadey tahey dumarkii soomaaliyeed, magacii soomaaliyeed, iyo sifooyinkii qiimaha iyo qaayaha bulshada dhex-deeda ku lahaa sida: Generaal, Korneel, Sarkaal, fanaan, Wadani, Professor, hogaamiye, Siyaasi, Macalin, qoraa, mu’alif, heesaa, nabadoon, abwaaan, garaad/boqor/malaaq, iyo dhammaan sifo walba oo macno gaar ahaaneed xambaarsaneyd, waxaa wadanka ka dhacey “isbar-baryaac iyo anaa laandheere ah”. Safaradii barakaca iyo qaxa ahaa ee dadyowgii la barakiciyey waxaan u bixiyey “Safarkii Habaar-waalid”, wuxuu ahaa safar xanuun-kul wata, safar dhibaato, gaajo, dulmi, cabsi, anfariir, layaab, iyo xanuuno watay…… sidoo kale, dhammaan hey’adihii dalka/all institutions wey burbureen, hadey ahaato: hey’adihii waxbarashada, hey’adihii dhaqaalaha, hey’adihii fulinta, garsoorka, iyo sharci-dejinta, hey’adihii bulshada rayidka u shaqeyn-jirey, sidoo kale, wadanka waxaa ka dhacey “waxaan la arag, la maqal, waligeedna soomaali aysan ku fekerin”. Daraasad cilmi-baaris ah oo lagu sameeyay dhibaatadii soomaaliya ku habsatey wiixi ka dambeeyay sagaashamaadkii, waxey cadeysay 5-tii cunug oo soomaaliyeed oo jira da’ada 20-26 sanno wuxuu dhashey xilligii barakaca iyo qaxa… hadaad weydiiso oo tiraahdo goormaad dhalatey, wuxuu kuugu jawaabayaa xilligii “qaxii Muqdisho”. Muqdisho waxaan la fileyn ayaa kasoo burqadey markii “kacaankii Barako-waa” meesha ka baxey. Soomaaliya: waxey la nooleyd xaalad u dhaxeysa “niyad-jab iyo rajo-la’aan/dis-appointment and hopeless”, qofkii heli-karayey inuu dalka dibadiisa u baxo wuu u baxey, wadankii waxaa isugu soo harey dadkii ka bixi-kari waayey iyo dadkii bahaloobay ee qoryaha, faashka, mindida, iyo alwaaxyada la ordayey!!!!!!!!!!!!!!!!!! Wax-kasta waa la bili-liqeystay, kuraastii dugsiyada iyo jaamacadihii waxaa laga dhigtay dhufeys daryanka madhaaficda laga galo, buugaagtii iyo imkaaniyaadkii kale waxaa laga dhigey wax la gubay, ama la xoorey….. sida daraasad lagu sameeyay dhibaatadii ku habsatey soomaaliya 1991 cadeysay, dadkii Marxuum Siyaad Bare colaada iyo ciilka fogaadey u qabey waxey moodeen waxkasta oo wadanka ka dhisnaa, ama uu heystay inuu Maxamed Siyaad leeyahey, aqoon-daradaas iyo fekerkaa qaloocan waxey sababtey iney xooraan oo ay lumiyeen dhammaan buugaagtii cilmi-baarista ee ay ardeydii soomaaliyeed ee jaamacadaha ka qablin-jabiyey qorijireen/all thesis graduation research that wrote Somali students who graduated Somali universities, waxey xooreen daraasadihii wasaaradihii kala duwanaa ee dalku diyaarin-jireen si dalka hormar loo gaarsiiyo (waxaa la sheegay daraasad cajiib aheyd oo lagu sameeyay “biyaha soomaaliya” oo looga dan-lahaa iney soomaliya mustaqbalka dhow gaarto isku-filaansho dhinaca biyaha ah in la xoorey, oo ay qashinka ku dareen dadyowgii bahaloobay). Bililiqadii koonfur gaar ahaan Muqdisho ka hilaacday waxey saameysay waxkasta oo dalku kheyraad, hanti, iyo maal u lahaa. Soomaaliya, waxey u dhowaatey inay ka tir-tiranto khariirada caalamka/neared out of global map. Daraasadu waxey markale cadeysay, dadyowgii soomaaliyeed ee wadaniyiinta ahaa, kuna jirey dareenka wadaniyadeed, ruuxeed, iyo caqliga wanaagsan iney badankood “waasheen” markey arkeen dhibaatada wadanka ka dhacdey, maanta cudurka u badan ee soomalidu la daalaa-dhaceyso waa “cudurada maskaxda gaar-ahaan cudurka waalida”/psychological diseases especially mad disease, 10-kii qof oo soomaaliyeed 4 qof ayaa waalan, waaliduna way noocyo-badantahey, wayna shaatiyo badantahey. Rajadii way luntay, niyad-jabkiina wuu baahay, maalinba-maalin kadib dadkii badankood way sii bahaloobayaan oo caqligu waa kasii dhamaanayaa; dadyowga dega deegaanka waqooyi-galbeed “Somaliland” wuxuu ilaahey xaqa fahamsiiyey iney maamul-sameystaan oo ay soo ceshadaan nabadii, amnigii, kala-dambeyntii, iyo xasiloonidiii siyaasaadeed. Dadyowga Puntland degan iyagana way ka badbaadeen badi dhibaatadii iyo qaran-jabkii dalka ku habsadey, waxeyna markii dambe sameysteen dowlad-goboleed si ay usoo ceshadaan nabadii iyo xasiloonidii siyaasadeed ee luntay. Labada bulsho: bulshada degta deegaanadaa waqooyi-galbeed, iyo waqooyi-bari waxey noqdeen kuwo ka caqli-batey kana garaad fiicnaadey bulshadii kale ee koonfur ku nooleyd, durba way is-maamuleen, nabadii iyo xasiloonidii siyaasadeedna way soo ceshadeen, halka bulshadii koonfureed wali la daalaa-dhaceyso dhibaatadii iyo burburkii bilaabatey sagaashamaadkii (dadka reer koonfureed miyuusan ku jirin ruux caqli iyo garaad u saaxiiba?). Soomaalidu rajada keliya ee ay lahaayeen waxey aheyd dadkii ilaahey u fududeeyay iney wadanka dibadiisa u haajiraan, iyo aqoonyahanadii soomaaliyeed ee gudaha kunoolaa. Aqoonyahanadii soomaaliyeed waxey u adkeysan kari waayeen macluusha, dhibaatada, burburka, qaran-jabka, waxbarasho-la’aanta, iyo daryeel-xumida dhanka caafimaadka ee ku habsatey bulshadii soomaaliyeed, waxey go’aan ku gaareen iney saxeexaan barnaamijka “geerida nafta/soul dead plan”, qorshaha geerida nafta, macnaheedu waxey tahey, aqoon-yahanadii soomaaliyeed ee ku hubeysanaa maadada aqoonta, iyo wadaniyada, waxey doorbideen iney wadanka kategin iyagoo awood u lahaa iney wadanka dibadiisa tagaan, geeridu way xad-dhaaftey, naftoodana waxey ku biimeeyeen iney badbaadiyaan dhalinyaradii haraadiga ahaa ee kasoo harey barnaamijkii xasuuqa shacabka, iyo dabargoynta haldoorka soomaaliyeed. Aqoonyahanadii gudaha iyo dibada, waxey soomaaliya ka hirgaliyeen dugsiyo cusub oo soo nooleeya “waxbarashadii luntay”, ardeydii waagaas waxbarashada loo furey waxey ahaayeen kuwo dhaafey da’dii waxbarashada maadaama dagaaladii sokeeye ay dhaafiyeen, hadhka dhirta iyo gidaarada dunsanaa ayaa caruurta fasalo u ahaa, daasadaha caana-boodhuhu ka dhamaadeyna waxey ahaayeen kuraastii ardeydu waxku baran-jireen, macalimiintuna mushahar la’aan iyo gunno la’aan ayey caruurta waxku bari-jireen/schools were started under the trees in the compounds of the destroyed schools, empty milk cans were used as chairs for the children, who were among the large displaced community, voluntarily started teaching again without any teaching materials Dugsiyada waagaa la aas-aasey keliya waxey ahaayeen “fasalada 1-4”, macalimiintu lacag la’aan ayey doorbideen iney caruurta waxku baraan tan iyo inta Alle faraj kheyr qaba furayo, aqoonyahanadii soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugnaa tan iyo burburkii soomaaliya kuwaasoo heli-karayey awoodii dal-uga-bixitaanka hadana, waxey doorbideen ineysan dalka ka haajirin, iyaguna ay yihiin mustaqbalkii iyo rajadii jiilka cusub, waxey galeen dagaal noociisu ahaa “Jihaad” kaasoo naftooda ay inbadan ku waayeen, qaar badan ku waasheen, kuwo badana ay ku dhaawacmeen. Manhajkii soomaaliya wuxuu raacey bililiqadii wadanka ku habsatey. Baahida buugaagta caruurtu wax ka barato ama laga baro ayaa noqotay arrin culus oo marna laga maarmi Karin. Wasaaradihii waxbarashada ee Somaliland , Puntland, iyo ururadii aqoonyahanadu waxey dhabarka u riteen diyaarinta manhajka dhalinyarta wax-lagu bari lahaa, waxaana howshaa diyaarintiisa iyo daabacaada buugaagta fasalada 1-4 ee dugsida hoose ka caawiyey hey’ado caalamiya oo isugu jira hey’adaha qaramada midoobay/Agencies of United Nations, iyo Jamciyaat islaamiya oo ka dhisan wadamada carabta. Hadaba buugaagta waxbarashadu kuma eka fasalka 4aad ee dugsiyada hoose, haseyeeshee, waxaa loo baahday in la helo kutub ay ardeyda dugsiyada dhexe wax ka bartaan kuwaas oo ah fasallada 5-8. Waxaa buuxinta kaalintaas marlabaad u howlgaley aqoonyahanadii gudaha, iyo aqoonyahandii dibada oo taageero maaliyadeed iyo mid macnawiya/material and moral support ka helay hey’adaha qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada iyo daryeelka caruurta, iyo walaalaha carabta. Hey’ada UNESCO waxey dhabarka u ridatey diyaarinta manaahijta waxbarashada iyo daabacaada buugaagta iyagoo kaalmo ka helaya deeq-bixiyayaasha, iyo hey’adaha Samafalka. Waxaa guud-ahaan soomaaliya laga hirgaliyey oo dib-loosoo-nooleeyay “waxbarashadii luntay”, waxaa la furey boqolaal dugsiyo hoose-dhexe ah, magaalo walbana waa laga furey, sidoo kale, waxaa mar saddexaad timid baahida dugsiyada sare oo ka kooban fasallada 9-12, waxeyna noqotay in hadana mar saddexaad qeylo-dhaan, dadaal-dheeriya, iyo geesinimo lagu bixiyo diyaarinta muqararka waxbarashada, iyo yagleelida dugsiyo sare oo daboola baahidii waxbarashada. Hadaba yaa inaga caawiyey barnaamijkii qorshaha geerida ee soo nooleynta waxbarashada iyo bad-baadinta dhalaanka aan wali dhiman ee dalka niyad-jabku iyo rajo-la’aantu ku heyso; jawaabta su’aashaa: waxaa si hakrasho aan ku jirin inoo badbaadiyey Alle subxaanahuu watacaalaa, waxaa si hakrasho aan ku jirin inoo badbaadiyey walaalaheena “bulshada carabta” maaha dowladaha carabta, dowladaha carabta soomaaliya wax kaalmo ah umeysan fidin intii xaaladii murugada, niyad-jabka, iyo rajo-la’aantu dalka ku jirey, cida keliya ee wax inoo qabatey oo wax ina tartey waa shacabka carabta kuwaasoo la baxayey sadaqo iyo tacaawun islaamiya sidii ay u “nooleyn-lahaayen walaalahoodii dhintay” ee nolosha ka dhacey, waxaa sidoo kale ina caawiyey bulshada caalamka gaar ahaan hey’adaha waxbarashada iyo daryeel-ka caafimaadka ugu qaabilsan urur-weynaha isu-taga umaddaha adduunka (UNITED NATIONS). Soomaaliya waxaa loo galey abaal aan loo kala harin, gaar ahaan, beesha carabta/Arab socities soomaaliya waxey u galeen abaal siweyn loogu xardhi-doono “taariikhda sanawaadkii mugdida ee soomaaliya” ee ay soomaaliya la nooleyd; soomaalidana, waxaa looga fadhiyaa sidii ay abaalkaas u gudi-lahaayeen markey dowlad helaan, ama kaalmo looga-baahdo. Ugu dambeyntii si geesinimo iyo shahiidnimo ku jirto waxey aqoonyahanadii soomaaliyeed soo nooleeyeen hey’adii waxbarashada oo noqotay hey’adii ugu horeysay oo si geesinimo ku dheehantahey loosoo nooleeyo. Waxaa sidoo kale yaraadey niyad-jabkii iyo rajo-xumidii maskaxda iyo maanka soomaalida ka gashey xilligii “mugdiga iyo bahalnimada” ee dalku ku jiray. Kadib soo nooleyntii waxbarashadii luntay/escaped education, kadib soo nooleyntii agabkii waxbarashadii/educational materials, kadib soo nooleyntii dugsiyadii hoose/dhexe/sare/ after established schools of elementary, intermediate, and high schools… waxaa soo baxdey baahi intii aan soo sheeganay ka weyn, una baahan dadaal toban-jibaaran, geesinimo-xad-dhaaf ah, iyo dareen wadaniyadeed oo sareeya. Markale, aqoonyahanadii soomaaliyeed waxey dhabarka u riteen iney dajiyaan oo hindisaan “qorshihii khatarta geerida/dead damage plan”, qorshahaasoo mustaqbal loogu sameynayo ardeyda u baahan iney kororsadaan oo hormariyaan waxbarashadooda dhanka jaamacada. Labada marxaladood ee ugu daran ee soo marta ardeyga waxey kala yihiin: marxalada ardeygu ka gudbo ee dugsiga sare, iyo marxalada ardeygu ka qalin-jabiyo ee jaamacadda. Ardeyda soomaaliyeed malaha aqoon iyo xadaaarad ku wajahan sidii ardey walba u diyaarsan-lahaa qorshihiisa mustaqbaleed/his or her future plan, taasina waxey keentay ardey badan oo dugsiyadii sare ka baxdey iney hali-kariwaayeen fursado jaamacado, dantuna waxey ku khasabtey iney tahriibaan, ama ay kubiiraan dadkii iyagu horey u bahaloobay. Saxaraha u dhaxeeya Suudaan iyo Liibiya waxaa ku aasan oo ciidu cuntay ardey boqolaal ahaa kuwaasoo 12 sano xaalad adag wax ku soo baranayey kadibna waayey fursado waxbarasho jaamacadeed oo aqoontooda sare uugu qaadaan, waxeyna fekradu iyo dantu ku khasabtey iney tahriibaan kadibna saxaraha ku idlaadaan, inkastoo uu ahaa go’aan xun oo diin-xumo iyo dareen-xumo ah hadana, danta ayaa ku khasabtay. Wixii ka dambeeyay 1996, waxaa soomaaliya laga furey jaamacado kuwaasoo markale soo celiyey rajadii luntay, islamarkaana noqotay farxad iyo bogaadin soomaalidu ay is-dhaafsato markey wada sheekeysanayaan. Inkastoo jaamacaduhu ay ahaayeen bilow oo ay ku liiteen dhinaca manaahijta heerka jaamaceed, iyo macalimiinta oo u badnaa ajaanib kuwaasoo luqadaha English-ka iyo Carabiga ku hadli-jirey hadana, waxey noqotay dhibaato ugub ah oo dareen gaar ahaaneed leh. Maalinba-maalin kadib, jaamacaduhu waxey sameynayeen horumar iyo koboc dhinaca manaahijta, macalimiinta, shuruucda, iyo sumcada. Jaamacadihii waxey noqdeen kuwo sameeyay horumar balaadhan, maalin walba iyo sanadwalba, saaxada waxaa kusoo biiraya jaamacad cusub oo wadata magac cusub, iyo macalimiin cusub. Haatan, tirada jaamacadaha ee dalkeenu waxey noqdeen kuwo maalinba-maalinta ka dambeysa soo badanaya, waxeyna dhaafeen tirade 60 jaamacadood, oo badi bixiya adeegyo isku-mida. Tanina, waxey guul iyo libin ka dhigtay siyaasadii sagaashamaadkii aqoonyahanadii soomaaliyeed hoosta ka xariiqeen ee aheyd in lasoo nooleeyo “hey’adii waxbarashda/institution of education, iyo in la badbaadiyo dhalinyarta looga cabsida qabey iney iyaguna bahaloobaan. Waxeynu kasoo hadalnay heerkii kala duwanaa ee waxbarashadu soo martey, waxeynu sidoo kale kasoo hadalnay sida iyo hababka kala duwan ee loo soo nooleeyay waxbarashadii luntay, sidoo kale, waxaan kasoo hadalnay cida nacaawisay iyo abaalka aynoo galeen haatana, waxeynu ka hadleynaaa jaamacadaha oo noqday kuwo kusoo kordhaya wadankeena sanad-walba, tiradooduna maanta ka badantahey 60 jaamacadood, maxey keeneen oo dheef iyo dhibaato ah, waana dulucda iyo ujeedada maqaalkeena/it’s the principle and objective of this article. DHEEF Waxey soo nooleeyeen hamigii iyo rajadii dhalinyarta taasoo luntay xilligii dagaalada sokeeye, iyo dhibaatooyinku wadanka ka dhaceen. Waxey soo nooleeyeen barnaamijkii waxbarashada gaar ahaan dhanka waxbarashada ee jaamacadda kadib dadaal-dheeriya iyo geesinimo xad-dhaaf ah oo naftooda uugu bixiyeen sidii ay ubadka uugu heli-lahaayeen waxbarasho dhameystiran. Waxey keeneen oo hirgaliyeen kuuliyado baahidooda ay soomaalidu siweyn uugu baahneyd wallow jaamacaduhu kukala duwanyihiin kuuliyadaha iyo hababka ay isku raacsiiyaan maadooyinka uu wato, sidoo kale, waxey kukala duwanyihin shuruucda, hanaanka, iyo fekrada ay jaamacadu xambaarsantahey, waxeyna kala yihiin: Faculy of economic Faculty of business administration Faculty of sharia and Islamic studies Faculty of community development Faculty of political science and information Faculty of computer science and IT Faculty of medicine Faculty of engineering Faculty of veterinary Faculty of public health Faculty of accounting Faculty of public administration Faculty of finance and banking Faculty of nurse Faculty of journalism and media Faculty of social science Faculty of research and development Waxey dhalinyaro badan ka bad-baadiyeen iney wadankooda nacaan, tahriibaan, ama kubiiraan maleeshiyaadka bahaloobay. Waxey soo saareen kumanaan dhalinyaro ah kuwaasoo waxbadan ka badelay xaalada dalku ku suganyahey, kuwaasoo macalimiin ka ah dugsiyada hoose/dhexe/saare/ iyo jaamacadahaba, qaarkood waxey ka shaqeeyaan hey’adaha caalamiga, hey’adaha maxalliga, maamulada dalka ka jira, dowlada federaalka, shirkadaha wadanka ka shaqeysta, iyo maraakista cilmi barista. Waxey bixiyaan manhaj jaamacadeed oo u qalma inuu ardey jaamiciya qaato. Sidoo kale, waxey bixiyaan shahaado caalamiyya taasoo ardeyda soomaaliyeed siisa fursado waxbarashadooda kor uugu sii qaadi-karaan. Jaamacadaha qaarkood, waxey dalka keeneen mashaariic muhiim ah kuwaasoo ah in ardeygu dalkiisa isagoo jooga uu ku diyaarin-karo shahaadooyinka heerka labaad, iyo saddexaad ee jaamacadda “Master and PHD Studies”. Taasina, waxey noqotay fursad waxku-ool ah, maadaama ardeygu meeshii uu ku dhashey uu ka heli karo dhammaan baahidii waxbarashada “min dugsi hoose illaa iyo diyaarinta shahaadada ugu sareysa dhanka cilmiga ee PHD”. Jaamacaduhu waxey ka qeyb-qaateen isku-furanka iyo isdhex-galka bulshada soomaaliyeed ee qabyaaladu iyo dagaaladu hagaadiyeen; jaamacaduhu waxey sidoo kale qeyb weyn ka qaateen maslaxaada iyo dibu-heshiisiinta beelaha iyo ururada dagaaleysan ee dagaalku ka dhaxeeyo, sidoo kale, jaamacaduhu waxey kaalin muuqda ka qaataan barnaamijka dib-u-heshiisiinta iyo mideynta bulshada siyaasiyiintu xabada, iyo dhiilada isugu dhiibaan. Qodobka ugu dambeeya, jaamacaduhu waxey ka qeyb-qaateen barnaamijka baraarujinta iyo tarbiyeynta dhallaanka soomaliyeed, waxey mucaawano iyo tabarucaad gaarsiiyaan soomaalida hadba gaajadu, kaliishu, iyo baahidu dillootay, waxey tababaro u qabtaan bulshada soomaliyeed ee tabaaleysan, waxeyna ka saacidaan sidii ay aqoontooda, ilbaxnimadooda, iyo farsamadooda kor uugu qaadi-lahaayeen kuna shaqeynsan-lahaayeen. Sidoo kale, jaamacaduhu waxey leeyihiin maraakis cilmi-baareed, kuwaasoo mashaakilaad badan xaliyey islamarkaana diyaar u ah iney xaliyaan mashaakilaad kale oo u baahan in cilmi-baaris lagu sameeyo oo la xaliyo. DHIBAATO Inkastoo hanaanka iyo shuruucda jaamacaduhu ahaayeen kuwo wadanka ugub ku ahaa marxaladii burburka iyo qaran-jabka. Hadana, ardey badan oo aan dhameysan marxalada “wajiyada badan leh” ee waxbarashada ayaa toos u gala jaamacadaha, taasina, waxey kamid tahey dhibaatooyinka ay jaamacaduhu leeyihiin: (waxaad arkeysaa ardey soomaaliyeed oo dugsiga dhexe ka baxey kaasoo halkii uu dugsiga sare aadi-lahaa aadaya jaamacad!!!!!!!!!!!). Iyadoo jaamacadaha qaarkood leeyihiin hanaan wacan iyo shuruuc adag, waxey dhibaato ku keentay ardey badan kuwaasoo ku dhashey kuna soo barbaarey marxalad fowdo, amni-daro, iyo xasilooni la’aan ah, ardeydani jaamacad baa leh shuruuc iyo nidaam kala dambeyn ah waxey ku noqotay “Anfariir iyo Layaab!!!”, ugudambeyntiina waxey ku keentay iney jaamacada isaga baxaan oo tahriibaan, ama dadyowgii bahaloobay ku darsamaan maadaama ay ku barbaareen marxalad dhibaato, jahwareer iyo burbur aheyd, islamarkaana la qabsan kariwaayeen nidaamka iyo shuruucda kala duwan ee jaamacada u degsan. Jaamacadaha dalka intabadan manhajkooda iyo maadooyinkooda ay bixiyaan waxey ku baxaan luqooyin ajnabi ah sida: “English iyo Arabic” taasina, waxey dhibaato ku keentay dhalinyaradii soomaaliyeed ee miciin-badey in dalkooda waxku-bartaan. Sida aan ognahey, soomaaliya, malaha manhaj ka dhaxeeya dhammaan dugsiyada soomaaliyeed, wadanka waxaa yaala manaahij badan oo kayimid wadamo shisheeye sida: Sacuudiga, Keenya, Imaaraadka, iyo kuwo UNESCO ay dejisay, waxeyna ku baxaan luqooyin ajaanib ah, iskool walba hey’adii maal-gelisay ama kaalmeysay manhajkii ay u dajiyeen ama kula taliyeen ayey ka dhigteen muqarar, taasina, waxey keentay burbur iyo khalal dhinaca manaahijta ah “curriculum crisis”. Jaamacadaha badankood oo aan bixin koorsooyin iyo siminaaro ardeyda lagu barayo shuruucda jaamacada iyo hanaanka u yaala waxey keenaan dhibaatooyin badan oo ugudambeyntii sababa iney isku dhacaan ardeyda iyo jaamacada. Sidoo kale, ardeyga marka uu diyaarinayo daraasada cilmi-baarista/thesis graduation research ee uu ku qalin-jabinayo wuxuu la kulmaa aqoondaro weyn oo dhibaato ah taasoo kaga timaada sida iyo habka uu u diyaarin-lahaa maadaama jaamacadaha qaarkood aysan barin ardeyga sida cilmi-baaris loo diyaariyo. Jaamacadaha qaarkood waa magacyo-uyaalo/pronoun universities aan laheyn manhaj xirfadeysan, iyo hab-dhaqan jaamacadeed; ardeyda kabaxda jaamacadahan oo kale waa kuwo dhibaato iyo burbur u keenaya soomaaliya. Sidoo kale, jaamacadaha qaarkood malaha macalimiin tayeysan oo fahmi-kara wadciga iyo waaqicia ilmaha soomaaliyeed la nool-yahey; iyadoo macalimiinta qaarkood faraxumeyn u geystaan hablaha qurxoon ee soomaliyeed, islamarkaana ardeyda baraan dhaqamo iyo caadooyin ka baxsan dhaqanka-suuban iyo shareecada islaamka oo ah labada mabda’ ee soomaalidu sida weyn u aaminsantahey, waxey kamid tahey dhibaatooyinka jaamacaduhu layimaadeen. Jaamacado badan oo dalkeena ku yaala waxey wataan magacyo-ajaanib ah taasoo laga qurux-badanyahey, islamarkaana aan ku habooneyn in dalka laga furo maadaama magacyo qalaad dhabarka ku xambaarsanyihiin; waxaa sidoo kale wadanka ka jira jaamacado shisheeye oo aan dalalkooda laga aqoon-saneyn kuwaasoo bixiya daraasaadka sar-sare sida: “Master and PHD Studies”, taasina waxey dhibaato weyn ku tahey dhalinyarada ardeyda u ah, wadanka, iyo barnaamijka mustaqbalka jiilka cusub ee soo koraya. Sidoo kale, waxaad arkeysaa jaamacado wada-wata magacyada “University and College” iyadoo aan ognahey in “College” yahey xarun waxbarsho oo lagu barto takhasus gaar ahaaneed, inta badan waa 2-3 sanno, “jaamacaduna” waa heerka-sare ee waxbarashada, waxey yeelan-kartaa kuuliyado, iyo takhasusaad ardeygu ku takhasusi-karo, islamarkaana heerka-labaad ee jaamacadana kusii takhasusi-karo “Master and PHD Specialization”… Jaamacadaha soomaaliyeed malaha “qorshe waxbarasho oo ku jaan go’an waxa ardeyga soomaliyeed la barayo/national university policy”. Taasina, waxey keentay in jaamacad walba fekrada, manjahka, iyo ujeedada ay ku dhisantahey ay ka mira-dhaliso iyadoo wadanku wax sharci caalamiya oo jaamacadaha haga laheyn. Ugu dambeyntii, jaamacadaha dalka waxaa sanadkii qiyaastii soo gasha dakhli ka sareeya 12-14 milyan oo dollar hadana, majirto canshuur laga qaado. Jaamacadaha ajaanibta ah ee laga leeyahey wadamada dibada malaha damaanad lagu aamin-karo (Bal kawaran jaamacad wadan kale laga leeyahey oo soomaliya ku taal hadey burburto yaa loo raacaya, hadey ardeyda gaaleysiiso yaa loo raacayaa, hadey ardeyda shahaado been ah siiso yaa loo raacayaa) gunaanadkii, jaamacaduhu malaha qorshe dowladeed oo la xisaabtan iyo kormeerid ku dheehantahey; jaamacad waliba iyadaa dowlad isku ah. Gunaanadkii iyo gebagebadii: barnaamijka soo nooleynta “waxbarashadii luntay/escaped education” waxey qaadatey halgan-dheer, dadaal-dheeriya, iyo maraaxil kala duwan taasoo ugu dambeyntii sahashay iney soo laabato “hey’adii waxbarashada/institution of education”. Aqoonyahanadii soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugnaa kuwaasoo la noolaa dhibaatadii iyo qaran-jabkii umaddan ku habsadey, kuwaasoo heli-karayey fursado ay dalka dibadiisa ku tagaan, waxey si geesimo ku jirto u go’aansadeen iney dalka uuga tegin dadkan bahaloobay ee aan waxba kala reebayn, kuwaasoo waxkasta oo wanaag, hanti, maal, iyo raasamaal dalku lahaa u maleeyay inuu marxuum Jaalle SIyaad ka dhintay, dhaxalna u haleen iyagu. Dadaalkii dheeraa ee aqoonyahanadii gudaha, iyo dibadaba u galeen soo nooleynta “waxbarashadii luntay”, iyo badbaadinta bulshada inta hartey waxaa lagu tilmaami-karaa “jihaad Islaamiyya” maxaa yeelay; dalku wuxuu ku dhawaadey inuu khariidada caalamka isaga baxo/out of global map, bulshadana waxaa soo food-saartey baahi iyo gaajo daran, qax iyo barakac, boob iyo bililiqo, amni-daro iyo xasilooni la’aan siyaasadeed, dadyowgii bahaloobay waxey xaalufiyeen dhammaan hantidii, raasamaalkii, iyo wixii dalku lahaa oo ay kujiraan magacii soomaaliyeed, markaa dadaalkaa oo ay inbadan aqoonyahano ku dhinteen, ku waasheen, xabsiyo u galeen, islamarkaana ku dhaawacmeen wuxuu ahaa jihaad islaamiya maadaama, dadaalkoodu ku dhisnaa soo nooleynta bulshadii tareenka nolosha ka dhacdey iyo kuwii qarka u saarnaa, iyo badbaadinta sharafta magaca iyo taariikhda soomaaliyeed… Iyadoo aqoonyahanadii soomaaliyeed ku guuleysteen iney furaan kumanaan dugsiyo hoose-dhexe-sare ah, hadana, sidoo kale waxey ku guuleysteen mar saddexaad kadib dadaal iyo geesinimo dheeriya iney furaan tiro 60 jaamacadood kabadan, kuwaasoo adeegyo kala duwan u fidiya bulshada, islamarkaana barnaamijyo muhiima u haya bulshada xasuuqa iyo dulmiga la nool; dheefta iyo dhibaatada kororka tirada jaamacadaha markaan daraasad ku sameeyay natiijadii soo baxdey waxey noqotay iney dheeftu ka badantahey dhibaatada. Soomaaliya oo wali laheyn manhaj mideysan kagadaal markii iskuul waliba hey’adii dhistay ama kaalmeysay manhaj ay u keentay ama ay ku qal-qaalisay taasoona muqarar ka dhigteen hadana, waxaa jira dalado waxbarasho oo boqolaal iskuul oo noocyo kala-duwan leh hoos-yimaadaan, kuwaasoo manhaj iskumida, hal imtixaan, iyo hal-shahaado wada leh, daladahaas waxaa kamida dalada “FPENS” oo iyadu iminka sanadihii u dambeysay aheyd “hey’adii waxbarashada dalka” taasoo ay hoos-tagaan boqolaal dugsiyo oo kuyaal koonfuta soomaaliyeed, dowlad-goboleedka Puntland, iyo maamulka Somaliland. Soomaaliya, waxaad moodaa in guul weyn laga gaarey dhinaca waxbarashada kadib burbur iyo qaran-jab baahsan oo ku fidey dalka, waxaa jira illaa iyo todoba-daladood oo runtii qeyb lixaad leh ka qaatey isku-xidhka dugsiyada soomaaliya iyo mideynta manaahijta, sidoo kale waxaa jira in maamulada Somaliland iyo Puntlad wasaaradahooda waxbarashada shaqo fiican qabteen. Kororka tirada jaamacadaha ee dalka oo dhaafey 60 jaamacadood kuwooda ugu caansan waxaa kamida: ____ Somaliland: “jaamacada Hargeysa, jaamacada Camuud, jaamacada Omar Haashi, jaamacada Golis, jaamacada Luzy, jaamacada Geeska, jaamacada Burco, jaamacada Hope Medical, jaamacada Al-niilayn, jaamacada Addis Ababa Medical, jaamacada Pioneer, jaamacada Fairland, jaamacada Eelo American, jaamacada Somaliland Technology, jaamacada Gebiley, jaamacada Admas, iyo jaamacada New Generation”. Puntland: “jaamacada PSU (Puntland State University), jaamacada Mudug, jaamacada East Africa, jaamacada Nugaal, jaamacada Bosasso, jaamacada Maakhir, iyo jaamacada Sanaag”. Koonfurta soomaaliya: “jaamacada Muqdisho, jaamacada Indian Ocean, jaamacada Banaadir, jaamacada Simad, jaamacada Somalia, jaamacada Plasma, jaamacada Somali national, jaamacada Southern Somalia, jaamacada Alfurqaan, jaamacada Nilen, jaamacada Madinah, jaamacada Beydhaba, jaamacada Jaziira, jaamacada jamhuuriya, jaamacada Kismaayo, jaamacada Gedo, iyo jaamacada Banaadir. Jaamacadaha qaarkood waxey sameeyeen waxa loo yaqaan “midowga-ardeyda/student-union/itixaadu-dullaab” taasoo, iyaduna waxey kamid aheyd horumarkii ay tiigsadeen jaamacadaha soomaaliya. Jaamacadaha soomaaliyeed dhammaantood waxey leeyihiin iskaashi dhinaca manaahijta, macalimiinta, agabka tacliinta, iyo is dhaafisiga fekradaha, iyo fariimooyinka, sidoo kale, waxey leeyihiin dalad ay ku mideysan-yihiin badi. Isku-soo wada gunananadoo, soomaaliya, shaki kuma jiro iyadoo dagaalo sokeeye ka socdaan inkabadan 23 sano hadana iney gaadhey horumar caalamiya taasina, waxey layaab iyo anfariir ku noqotay beesha caalamka gaar ahaan ururooyinka waxbarashada iyo samafalka ka shaqeeya!!!!!! Ugu dambeyntii aqoonyahanadii way guuleysteen wayna shahiideen, waxbarashadiina way soo nooleeyeen, dhalinyartii jiilka cusubna way ku naaloodeen wayna ku damaashaadeen halgankii aqoonyahanadoodii ugaleen soo nooleynta hey’adii iyo barnaamijkii waxbarashada. “Dheefta jaamacadaha ayaa kabadan dhibaatadooda”. Ugu dambeyntii wixii khalad, dhaliil, dheef, iyo su’aal ahba waxaad iigu soo diri kartaan E-mailkayga hoos ku qoran, wixii su’aal iyo dacwo ah oo ka timaada qoraalka waxaa dhabarka u ridan-doona qoraaga, maaha mid webka lagu faafiyey shaqo ku leeyahey. Ugu dambeyntii waad salaamantihiin akhristayaal. Dhammaad Wabbilaahi Towfiiq W/Q: Mohamed Abdirizak Saeed (Samiik) Mohamedsamiik@Gmail Aragti iyo Qoraal madaxbanaan
Posted on: Tue, 02 Jul 2013 16:59:03 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015