9 Talaabo Oo Aad Ku noqon Karto Mudane Marwadisa - TopicsExpress



          

9 Talaabo Oo Aad Ku noqon Karto Mudane Marwadisa Hanankara?. Ninku waa tiirka koowad ee aasaska guriga,waa hogaamiyaha qoyska ee la rabo inuu si wanagsan umaamulo una hogaamiyo , nolosha dhamaan cidd kasta oo uu masuul ka yahay kuwaas oo ay ugu horeeyan marwadisa iyo ubadka uudhalay. 1-Alle kacabi: Cabsida Alle iyo ku xidhnaan-shihiisu waa furaha koowaad ee qofka gaadhsiiya badhaadhaha aduun iyo ka aakhiraba. sidaasi daraadeed gurigaaga adduunyo oo aad saldhigiisa koowad kadhigto, kuna bilawdo cabsida alle waxay keenaysa inaad si fudud ugu noolaato aduunyada. 2-Dulqaad: Dulqaadku waa udub dhaxaadka isku haya lamaanaha iyo dhamaan qoyska. Waa qodobka ugu mihiimsan ee aad kaga bixi karto jaran-jarada qoyska waanagsan loo maro. 3-Dhaqan wanaag:Inaad xaaskaaga kula dhaqanto dhaqan wanaagsan waa waxa laga rabo ee uu ku faray Allle, Dhaqanka wanaagsan ee lagaa rabo waxa ka mid ah inaad xaaskaaga u fuliso xaqa ay kugu leedahay oo ay ugu horeeyaan meherkeeda iyo nafaqadeeda. Waxaa muhiima marka aad rabto inad guursato ammaba hadaad xaasleedahay in lagaa rabo xaaskaaga inaad u is taagto meeshay waalidkeed ay ugu jireen maxa yeelay xumman umay quudhayn wanaag iyo sharaf ayay kula noolayd. Addna taa iyo mid ka balaadhan ayaa laga rabbaa madaama aad masuliyadeedada dusha ku qaadatay adigu. Hadaba si aad xaaskaga wanaag u gashato qalbigeeda waxa wanagsan inad unoqoto sidan oo kale 1-Umuuji naxarista abbo oo kale 2 Xanaanada hooyo oo kale 3 Kalgacalka walaalkeed oo kale. 4 JACAYL:Jacaylku waa dhismaha guriga, waa tiirarka uu qoyku ku taagan yahay kuwa ugu waawayn kaalin muglehna kaga jira jiritanka qoyska. Sidoo kale waxa la odhan karaa waxa u ka mid yahay xikmadaha loo jideeyay guurka sida alle qurankiisa inoogu cadeeyay (Tilmaamaha kalinimadayda lagu garto waxa ka mid ah inaan nafihiina idiinka abuuray lamaane aad ku xasishaan, dhexdiinana waxaan dhigay jacayl dhamays tiran iyo naxariis ma guurto ah) Jacaylka idinka dhexeya adiga iyo xaaskaaga waa mid u baahan marwalba kobcin iyo kor uqadis joogto ah, waxaana kuu suurto gallinaaya inaad jacaylka ooridaada kor uqaado A-inaanad ka xishoon marwadaada oo aad usheegto ama dareen siiso inaad jeceshay walibana ay tahay qayb noloshada ka mid ah BA 5 Isqurxin:Waxaan shaki ku jirin in nimanku ay jecel yihin inay xaasaskoodo qurux bataan oo ay had iyo jeer il qurux sannadan. Haddaba waxa in lagu baraagugo in haweenkuna jecel yihiin in nimankoodu ay qurux iyo udug lahaadaan. 6 Hadyad bixin: Hadyaddu waxa ay ka mid tahay wax-yaabaha ugu waawayn ee qalbiga bini aadamka raadka wayn ku sameeya,waxanay ka mid tahay sababaha keena jacayl iyo kalgacayl inuu dhex maro lammanaha. Sida u rasuulkuba inoo caddeeyay SCW rasulku waxa uu yidhi( Wax isku hadyadeeya si aad isku jeclaataan.) 7-Tallo wadaag:Tallo wadagu waa qodob aad ugu wanagsan dhamman wada dhaqanka bani aadamka, sigaarana waxa uu muhiimad gaara u leeyahay qoyska wada nool.sidaa awgeed ninka rabba inuu noqdo MUDANE marawadiisa hanankara waxa wanaagsan inaad kala tashatid oo aad ku sharaftid xaaskaga 8-Abbaal celin: Waxa Soomaaliida ku yar amaba ay hilmaameen badankoodu waxa loo yaqaano mahad naqa oo ka mida furayasha qalbiga lagu hantiyo.rasuulku waxa uu yidhi isaga oo inoo shegaya mahad naqu sida u u waynyahay (Qofka aan alle umahadniqin dadkana uma mahad naqo.) 9-Dadaal: Dadaalku waa kicinta awooda bani?aadamka ee xaga waxqabad, oo sidhab ah looga faa?idaysto. Waana wax yaabaha qoysku ku horumaro qodob aad ugu mihima oo laga doonayo raga. Waa waxa lagama maarmaan ah inaad xaaskaaga ugu dadaasho caddalada kana ilaaliso wixii nafteeda iyo ehelkeedaba wax udhimaya. sidoo kale waxa wanaagsan qalbiga oridaadana aad ku hanan kartaa. Degan
Posted on: Sat, 17 Aug 2013 09:32:47 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015