AL-SHABAAB MA KHAWAARIJBA? Xog iyo Xaqiiq kooban tixrac - TopicsExpress



          

AL-SHABAAB MA KHAWAARIJBA? Xog iyo Xaqiiq kooban tixrac miisaanka/article.php?articleid=1559 بـسم الله الرحمن الرحيم Intaas kadib erayga “khawaarij” ayaa waayadan aad u baahay oo cid kastaabi baratay, haddana waxaa yar inta sida saxda ah u fahamsan, waayo dadka badankiisu aqoon fiican uma laha caqiidada fayow ee lagu kala garto kooxda hanuunsan iyo kooxaha lunsan, waxaana ugasii daray culumo-lamood had iyo jeer dadka marin habaabiya oo xaqa iyo baadilka isaga dheeha. Waxaa dhacday in qof magaciisa ku sheegay Cabdiraxmaan Abyad uu bogagga internetka qaarkood ku faafiyay maqaal uu cinwaan kaga dhigay Al-shabaab ma khawaarij baa? Aqristow qoraagu wuxuu ku soo koobay nuxurka qormadiisa “in shabaabku aanay khawaarij ahayn, maxaa yeelay usuushii firqadaasna kama muuqato, furuuc badan oo ay ku waafaqeenna looma jeedo!! ” sidoo kale wuxuu soo bandhigay 10 astaamood oo uu ku sheegay inay yihiin tilmaamaha ugu waaweyn ee khawaarijtu leedahay, sida ka muuqatay qormadiisana wuxuu u cuskaday 10kaas astaamood in Alshabaab aanay khawaarij ahayn, maadaama laga waayay astaamahaas! Inshaa Allaah waxaan isku dayaynaa inaan wax ka iftiimino wuxuu ninkaasi ku dooday oo cuskaday gaar ahaan 10ka astaamood ee uu ku andacooday inay yihiin calaamadaha khawaarijta kuwa ugu tunka buuran (waa siduu u qoray!), innagoo calaamadahaas mid mid isku dul taagayna kadibna isbarbardhig ku sameyn doona astaamahaas iyo habdhaqanka Alshabaab. Waxaase ka hormarinaynaa dhawr qodob oo muhim ah mawduucana arar iyo hordhac u ah: Khawaarijtu waa kooxdii ugu horreysay kooxaha habawsan ee ka leexatay wadada muminiinta, waxayna hubka uqaateen inay la diriraan muslimiinta iyo madaxdooda, sidaas ayayna u wadayaan kacdoonkooda ilaa kan ugu dambeeya uu la soo baxo Dajjaal sida nabiguba صلى الله عليه وسلم uu sheegay:حتى يخرج آخرهم مع الدجال Sidaa darteed ma laha waqti ay ku egyihiin oo ka horreeya xilligaas. 2. Cid walba oo qaada wadada khawaarijta oo laga helo calaamadaheeda waa khawaarij goor iyo goob ay joogtaba, magacay doontaba ha la baxdee, Shardina maahan inay ogalaato magaca khawaarij, waayo khawaarijtii horaba waxay la bixi jireen magacyo ay iyagu doorteen, sida Shuraah oo ay ka wadeen kuwii naftooda Alle uga iibsaday raali ahaanshihiisa. 3. Astaan u gaara koox ka mid ah khawaarijta lagama dhigan karo halbeeg lagu qiyaaso ama lagu garto ciddii khawaarij ah oo qoladii laga waayaa tilmaantaas aan khawaarij la oran Karin haba wadatee astaamo kale oo khawaarijnima ah, waayo khawaarijtu waa kooxo badan oo kala nooc ah, soona baxay xilliya kala duwan, taasoo macnaheedu yahay inay koox kastaaba leedahay magac, caqiido iyo dhaqan ay uga soocan tahay loogana garto kooxaha kale oo ay isla wadaagaan khawaarijnimada guud, culimaduna waxay mar walba wax ka qori jireen oo tilmaami jireen kooxaha ay soo gaareen, waxaana dhici jirtay muddo kadib inay soo baxdo koox hor leh oo wadata bidcooyin ugub ah ama cusub. 4.Maadaama khawaarijtii isku casriga ahayd kala duwanaatay, waxaa ka sii mudan inay kala duwanaadaan oo astaamaha qaar isku khilaafaan khawaarijtii hore iyo khawaarijta casrigan, sidaa darteed waxaa habboon in tilmaamaha ay sheegeen nabiga صلى الله عليه وسلم iyo saxaabadiisa usuul iyo gundhig looga dhigo astaamaha khawaarijta lagu soocayo. 5. Culimadu uma shardin jirin cidda ay ku tilmaamayaan khawaarij in laga helo dhammaan calaamadihii khawaarijta ama tiro goan oo ka mid ah, balse waxaa dhici jirtay inay ku xukumaan khawaarij qof ama qolo ay ku arkeen hal astaan oo ka tirsan tilmaamihii khawaarijta asalka u ahaa. Cuqbah ibnu wasaaj wuxuu yiri: nin saaxibkay ah baa iiga sheekayn jiray khawaarijta iyo dhaleecaynta ay ku hayaan madaxdooda! Markii aan soo xajiyay baan la kulmay Cabdullaahi ibnu Camar رضي الله عنهما oo ku iri: waxaad ka hartay asxaabtii rasuulka صلى الله عليه وسلم , Allana cilmi ayuu ku siiyay; dad halkaan jooga madaxdooda ayay dhaleecaynayaan oo ku marag furayaan inay lunsan yihiin! Wuxuu igu yiri (Cabdullaahi ibnu camar): kuwaas ha ku dhacdo lacnada Alle, lacnada malaaigta iyo lacnada dadkoo idil! Rasuulka Alle صلى الله عليه وسلم waxaa loo keenay dahab iyo fiddo (qalin) isku jira, markii uu bilaabay inuu u qaybiyo asxaabtiisa baa nin reer baadiya ah istaagay oo yiri: Muxammadow! Wallaahi hadduu Alle ku faray cadaalad, uma arko inaad cadaalad sameysay!! Wuxuu yiri Rasuulku scw: ويحك من يعدل عليه بعدي؟ “hoogee! Yaa cadaalad u sameynaya aniga kadib?”.... Markii uu jeestay oo dhaqaaqay ninkii ayuu Nabigu scw yiri: إن في أمتي أخاً لهذا يقرؤون القرآن لا يجاوز تراقيهم ، كلما خرجوا فاقتلوهم (ثلاثاً) . صحيح على شرط البخاري السنة لابن أبي عاصم “ummadayda waxaa ku jira kuwa la walaal ah midkan oo Quraanka aqrinaya uuna dhaafayn kalxantooda, mar walbay soo baxaan laaya! { saddex goor buu ku celiyay: mar walbay soo baxaan laaya!}. Aqristow sida kuu muuqata saxaabiga markii loo sheegay qolada ku taagan madaxdooda durbadiiba wuu gartay inay khawaarij yihiin ee ma oran: 10 astaan ama usuul iyo furuuc badan ma ka muuqdaan! 6. Ugu dambeyn waxaa dood u baahneyn inay qaldan yihiin dadka ku koobaya khawaarijta kooxihii hore oo qura, sida laga dheehan karo qoraaga maqaalkiisa aynu diiradda ku hayno oo wuxuu ku andacooday “in khawaarijtu tira ahaan iyo siyaasad ahaanba ay maanta dunida farakutiris ku yihiin walow ay iyagu xukumaan wadanka Cumaan gaar ahaan firqada Ibaadiyada!” haddaba soo laysma waydiin karo; qoraagu waakan haraadigii Ibaadiyada tusaale u soo qaadanayee miyuusan aqoon mise wuu qarinayaa khawaarijta kale ee shartoodu ku baahday caalamka?! Intaas kadib waxaan usoo laabanaynaa 10kii calaamadood oo qoraagu ku sheegay astaamaha ugu wax ku oolsan ama ugu tunka buuran! ee khawaarijtu leedahay! Inshaa Allaah sidaan horeyba u balanqaadnay mid mid ayaan u falanqayn doonaa, waana kuwan iyagoo u taxan sidii qoraagu u kala hormarsiiyay: Inay qofkii danbi weyn ku dhaca sida beenta, xanta gogoldhaafka, khamriga, dilka, ribada iwm ku tilmaamaan gaal naarta ku waaraya. Haddaba waxaa is weydiin mudan; qof danbi wayn uu galay dartiis gaalnimo ma ugu xukumaan Alshabaab? Aqristow waxaa qoran ama duuban ama si kalaba loo og yahay in Alshabaab ku gaalaysiiyaan kuna dilaan dadka dabmiyo waaweyn iyo dambiyo yaryarba (mararka qaarna wax aan dambiba ahayn!). Maxaase farqiyoo u dhaxeeya kuwa ku gaalaysiiyay dunuubtaas (xanta gogoldhaafka…) iyo kuwa ku gaalaysiinaya “ in la qaato dastuur aan wada waafaqsaneyn diinta, iyo madax ama askar in loo noqdo dawladii qaadata dastuurkaas ama u ogalaata ciidan gaalo dhulka muslimiinta si ay ugu kaalmaysato dagaal ay kula jirto koox ku kacsan! “ Haddii lagu doodo qofka gaal wali ka dhigtay gaalnimadiisa waxaa ku soo arooray aayado Quraan iyo Axaadiis, waxaa leenahay dambiyada horaba (sida dilka muslimka, zinada, tuugnimada, khamri cabka, ribada…) waxaa soo arooray aayado ama axaadiis ku tilmaamaya gaalnimo ama inuusan iimaan lahayn ama jannada uusan galayn ama naarta ku waarayo qofkii ku kaca dambiyadaas, waana daliilka ay ku doodeen khawaarijtii hore! Waxaana lagama maarmaan ah in la ogaado: In gaalnimadu u kala baxdo gaalnimo weyn oo islaamka looga baxo كفر أكبر iyo gaalnimo yar oo aan islaamka looga bixin كفر أصغر أو كفر دون كفر sidaasna waxaa qabay asxaabta nabiga صلى الله عليه وسلم oo uu ka mid ahaa Cabdullaahi ibnu cabbaas رضي الله عنهما . Sidoo kale waa in la kala qaadaa sida culimaduba yeelaan oo si cad loo qeexaa macanaha wali ka dhigashada gaalada loola jeedo, ee aan la oran qof kastoo gaal la tacaamulaba wali buu ka dhigtay! Inaysan isku raacin dhammaan khawaarijtii hore in lagu gaaloobayo dambi kasta oo wayn, oo qolada Ibaadiyada la yiraahdo ( waxay ku abtirsadaan Cabdullaahi ibnu Ibaad) ma qabaan inuu diinta ka baxayo qofkii dambi weyn ku kaca, {ka fiiri kitaabka الملل والنحل للشهرستاني} saas oo tahayna cidi kama aysan saarin liiska khawaarijta oo waxay ka mid yihiin khawaarijta kooxaha ugu caansan. Inay isku waafaqsan yihiin khawaarijtii hore iyo kuwaan dambaba dunuubta qaarkeed ay wax ku gaalaysiiyaan, sida inuu gaaloobayo (si aan kala sooc lahayn) xaakimkii aan si buuxda ugu maamulin shareecada islaamka loona daliilsado aayadda Quraanka ah ومن لم يحكم بما أنزل الله فأولئك هم الكافرون oo macnaheedu yahay “ ciddii aan ku xukumin wuxuu Alle soo dajiyay waa gaalo, culimaduna way kala qaadaan gaalnimadan aayadu sheegtay halka khawaarijtu ka dhigaan gaalnimadii weynayd ee diinta looga baxayay. Wuxuu yiri Al-imaam Ash-shaadibi: inay khawaarijtu u daliisadaan gaalnimada qofka xukunka haya hadalka Alle ومن لم يحكم بما أنزل الله فأولئك هم الكافرون casrigaan ma dhalan, ee khawaarijta casrigeenu waxay ka soo wariyeen (oo ka soo gaareen) shuyuukhdoodii hore ee ahaa khawaarijtii ku fallaagoobay amiiral muminiin Cali ibnu Abii daalib “quluubtoodu waa isku ekaatay” تشابهت قلوبهم. Fuaad Khalaf oo ka mid ah horjoogayaasha kooxda Alshabaab wuxuu yiri: … boliiska kuwaa koobiga u bixiseen waa murtadiin! Kuwa barlamaanka ku jiraa waa murtadiin! Madaxweynuhu waa murtad! Raiisul wasaaruhu waa murtad! Wasiirada kuwa ahi waa murtad! … haweenayda la joogtaa way ka furantaa.. ilma zina ah ayay dhalaysaa... dadka muslimiintaa waxaa ku waajib ah aragti inay ku dilaan... dabiixada (neefka) ay qalaan lama cunayo waa bakhti oo kale… kun jeer hadday ashahaataan waa la dilayaa haddii lagu qabto dagaal!!! Halkan Ka dhageyso Codkii Fuaad Shongle uu Saas ku lahaa Saxaabadii nabiga صلى الله عليه وسلم oo ay qaar ku tilmaamaan khaainiin ama gaalo sida Cuthmaan, Cali, Dalxa iyo Caaisha iyo kuwa kalaba رضي الله عنهم. Khawaarijtii gaalnimada ku xukumay Cuthmaan, Cali iyo Mucaawiya رضي الله عنهم sababta ay ugu xukumeen waxay aheyd iyagoo u arkay maangaabnimadooda in saxaabadaas (oo madax ahaa) ka leexdeen kitaabka ama xukunkii Alle!! {sidoo kale Dalxa, Zubayr iyo Caaisha رضي الله عنهم waxay madax ka ahaayeen ciidankii reer Basra ee daba joogay kuwii Cuthmaan dilay رضي الله عنه}. Waxaana horey ugu soo sheegnay qodobka 5aad ee ararta maqaalka in saxaabiga Cabdullaahi ibnu Camar رضي الله عنهما markii loo sheegay khawaarijtii dhaleecaynayay madaxdooda inuu usoo qaatay ninkii dhaleceeyay nabiga صلى الله عليه وسلم ee ku tuhmay cadaalad darrada! Marka maxaa diidaya in nimanka gaalaysiinaya oo khiyaanada ku tilmaamaya madaxdooda loo soo qaato raggii gaalnimada iyo khiyaanada ku tilmaamay madaxdooda saxaabada ahaa?! Sunnada nabiga صلى الله عليه وسلم oo ay inkiraan haddaysan waafaqin shuruudo ay dajisteen. Khawaarijtu waxay diidi jireen sunnada ama axaadiista ay u arkaan inay ka hortimid ama khilaaftay fahamka Quraanka uga muuqday. Mana jirto qolo ahlubidca ah oo wada rumaysan axaadiista nabiga صلى الله عليه وسلم kuwa si qaldan u macneysta iyo kuwa toos u dafiraba. Waydiiya Al-shabaab ma ku dhaqmeen axaadiista reebaysa dhiiga qofka tukada iyo guud ahaan muslimiinta? Ma hirgaliyeen axaadiista ka digaysa in muslim la yiraahdo gaal ama cadow Alle? Ma fuliyeen axaadiista reebaysa in la dilo haweenka? Ogoowbee waa haweenka gaalada ah, bal ka warrama dumarka loo dilay askari baa shaah ka cabay! Dirirtooda oo ku wajahan muslimka, gaaladuna ka badbaado. Dagaalka Alshabaab wuxuu ku wajahanyahay dad ashahaadanaya inta aan ka warqabno, ogaada gaalada ay leeyihiin waan la dirirnay sida Itoobiya Uganda Burundi waxay ula dirireen inay dawladda kumeel gaarka ah difaacayaan. May aadaan Kenya ama Itoobiya, hadday doonayaan gaala haysata dhul muslim?! Inaysan muslimiintu xuduud kala lahayn soo kuma celceliyaan mar walba?! Waxaa intaa dheer marka ciidamada Itoobiya usoo tallaabaan gobolada soohdinta la leh sida Hiiraan, inaysan Alshabaab u dhaqaaqin, halka ay u heellan yihiin ladagaalanka ciidamada dawladda iyo ururka Ahlusunna waljamaaca! Sidoo kale dagaalkoodu wuxuu ku xoog badan yahay gobolada ama xaafadaha gaaladu joogin, iyagoo ka warwareegaya gaalada dhawrka tallaabo u jirta ee daggan kulliyada Jaalle Siyaad tusaale ahaan?!! Waxa ay dagaalka ku sheegaana waa uun 5 daqiiqo oo meel fog ay wax uga tuuraan deetana ku cararaan gawaari dheeraysa, iyagoo isku bannaynaya maatida iyo madaafiicda jawaabta u ah madaafiicda ay tuureen oo iyada qudheeda ku laysa dhinaca kale muslimiin badan! Dhageyso afhayeenka Al-Shabaab Cali dheere oo Cadeynaya in dagaalkoodu ku wajahanaa Muslimiinta Culimada qaarkood markii ay fasirayeen sababta uu nabigu صلى الله عليه وسلم khawaarijta ugu tilmaamay “eyda naarta” كلاب النار waxay sheegeen laba macno oo kala ah : Eygu markii uu gaajoodo dib ayuu isugu soo laabtaa oo sayntiisuu cunaa! Qaylada eygu waxay soo horkacdaa cadawga oo dadkii lahaa buu balo usoo jiidaa! Taasoo macnaheedu yahay in khawaarijtu cadaw walba uga dhib badan yihiin muslimiinta, mar ay kusoo gurya noqdaan oo gacantooda ku laayaan muslimiinta iyo mar ay usoo horkacaan cadaw laaya! Loogamana baran lagana sugi maayo inay gaalada ka lib keenaan oo islaamka guul usoo hooyaan, saa waa koox lunsanee. Ibnu xazmi (culimadii hore midkood) wuxuu yiri: “Ogaada -Allaha idiin naxariistee- dhammaan kooxaha lunsan Alle gacmahooda kheyr kuma keenin, tuulo ka tirsan wadamada gaaladana laguma xoreyn, calan islaamna laguma kor yeelin, iskana dhaafimaayaan inay ka shaqeynayaan afgambinta nidaamka islaamka, oo kala dhantaalayaan kalimada (midnimada) muminiinta, oo seefta usiibanayaan ahlu diinka, oo dhulka fasaadinayaan”. قال ابن حزم - رحمه الله - : واعلموا رحمكم الله أن جميع فرق الضلالة لم يجر الله على أيديهم خيراً ، ولا فتح بهم من بلاد الكفر قرية ، ولا رفع للإسلام راية ، وما زالوا يسعون في قلب نظام المسلمين ، ويفرقون كلمة المؤمنين ، ويسلون السيف على أهل الدين ، ويسعون في الأرض مفسدين . الفصل في الملل 5. Jahli iyo diinta oo loo fasiro si aan xaqa waafaqsaneen, lana adkeeyo wax aan mudnayn in la adkeeyo. Xagga jahliga marka laga eego Al-shabaab waxaa la oran karaa waa qolada ugu aqoonta yar kooxaha islaamiyiinta sheegta ee Soomaaliya. Ma ku jiraa hal caalim oo iftoon kara oo ka jawaabi kara masaaisha diinta ee kala duwan? Annagu ma ogin haddii cilmi laga dhigayo hebel waa gaal, ama qolo heblaayo waa murtaddiin! Midda ah in diinta loo fasiro si aan xaqa waafaqsaneyn, Tusaale waxaa usoo qaadan karnaa markii mid Al-shabaabaa naftiisii uu ku halaagay dad muslimiin ah oo uu ka mid ahaa Allah ha u naxariistee Cumar Xaashi, wuxuu sheegay afhayeenka Alshabaab inay fulinayeen amarka Alle oo ah فقاتلوا أئمة الكفر la dirira madaxda kufriga!!. Halkan ka dhageyso Afhayeenkooda oo Saas ku hadlaya Haweenka oo ay ku waajibiyaan inay soo qalleeyaan salaadihii dhaafay intii dahaaradu ka jabneyd. Waxay khawaarijtu saas u yeeleen iyagoo u qaatay qalla laaanta salaaddu inay ka hor imaanayso Quraanka, oo waxay la xiriirtaa calaamadda 3aad ee sunnada ku saabsan oo aan horay uga soo hadalnay. Magacyada iyo tilmaamaha Allaah oo ay tawiiliyaan (marin habaabiyaan). Khawaarijtii hore sida Muxakkimadii uula diriray Cali رضي الله عنه ma aysan diidin magacyada iyo tilmaamaha Alle, si xunna uma tawiilin jirin, waagaasna masaladaan murankeedu ma taagneen, Ibnul qayyim ayaana ka mid ah culimada caddeeyay in khawaarijtu sugi jireen oo rumeysnaayeen magacyada iyo tilmaamaha Alle. Marka khawaarijnimo loogama baxsado waxaan ogalahay magacyada iyo tilmaamaha Allaah! Ahlu cilmiga oo laga fogaado lana xaqiro. Waa la wada og yahay in amiirka Alshabaab ( Ina Godane ) u baxshay culimada “wadaad xumayaal!!” waliba ka fogaansho iyo xaqiraad iska daayee nafsadooda ayay culimadu uga baqaan oo waxay noqdeen mid carara iyo mid afkiisa xirta! Halkan ka dhageyso Axmed godane oo gabay ku aflagaadeynaya Culimada. Midowga muslimiinta iyo madaxdooda in guluf colaadeed lagu kiciyo, iyagoo ka duulaya inay gaala yihiin. Inta aan la isla gaarin madax kale, soo Al-shabaab kama goosan ururkii dhalay ee Al-ittixaad? Soo kuma aysan fallaagoobin midowgii maxaakiimta ee ay ka tirsanaayeen? Soo iminka la diririmaayaan guddoomiyahoodii ay shalay baycada la galeen? Qodobkaan ku dheeraan mayno waayo waa soo faafaahinay gaalaysiinta iyo dagaalka ay ku hayaan muslimiinta, waana laga dheregsan yahay sida ay u tala marooqsadaan dadka talada leh culimo iyo madaxba (أهل الحل والعقد). Suuradaha Quraanka qaarkood oo kooxo ka mid ahi diidaan sida suuratu yusuf. Qoraaga qudhiisaaba sheegay inay wada qabin khawaarijtu, waliba hal qolo oo la yiraahdo Cajaarida yaa laga sheegay. Aqristow sida noo caddaatay 10ka astaan ee qoraagu sheegay waxay isugu biya shubteen; qaar badan oo si cad uga muuqda Alshabaab iyo qaar yar oo aan astaan guud loo qaadan Karin oo koox ka mid ah khawaarijta gaar u lahayd, horeyna waan usoo sheegnay inay shardi ahayn in calaamadaha laga wada helo. Tilmaamo uu qoraagu ka tagay! Khawaarijta waxay kaloo ku tilmaaman yihiin calaamado ka sugnaaday nabiga صلى الله عليه وسلم iyo saxaabadiisa: Waa dayar أحداث الأسنان (shabaab ama dhalinyaro). Caqli yar سفهاء الاحلام. Astaantoodu waa madax xiirasho سيماهم التحليق. Waxay soo baxaan xilli dadku is khilaafsan yahay يخرجون على حين فرقة من الناس. Hadalka ayay wanaajiyaan ficilkana way xumeeyaan يحسنون القيل ويسيئون الفعل. Quraanka ayay aqrinayaan iyagoo moodaya inuu la jiro wuuna ka soo horjeedaa! يقرؤون القرآن يحسبون أنه لهم وهو عليهم. Quraanka ayay aqrinayaan, qiraaadiinu waxba maahan marka loo eego qiraaadooda! Salaadiinuna waxba maahan marka loo eego salaadooda! Soonkiinuna waxba maahan marka loo eego soonkooda! يقرءون القرآن ، ليس قراءتكم إلى قراءتهم بشيء ولا صلاتكم إلى صلاتهم بشيء ولاصيامكم إلى صيامهم بشيء . Al-aajuri (culimadii hore mid ka mid ah) wuxuu yiri: uma habboona qofkii arka dadaal (uu sameeyay) khaariji ku kacay imaam (madaxweyne ama boqor) caadil iyo jaair kuu ahaadaba, oo inta baxay urursaday koox, seeftana gasha kala baxay, bannaystana dirirta muslimiinta, uma habboona qofkaas inuu ku kadsoomo (ku sirmo) quraan-aqrinta khaarijigaas, salaad dheereyntiisa, soon badnidiisa iyo hadal qurxoonaantiisa xagga cilmigaa, marba hadduu mad-habkiisu yahay mad-hab khawaarij. قال الآجري - رحمه الله - : فلا ينبغي لمن رآى اجتهاد خارجي ، فد خرج على إمام عدلاً كان أم جائراً ، فخرج وجمع جماعة ، وسل سيفه ، واستحل قتال المسلمين ، فلا ينبغي له أن يغتر بقراءته للقرآن ، ولا بطول قيامه في الصلاة ، ولا بدوام صيامه ، ولا بحسن ألفاظه في العلم ، إذا كان مذهبه مذهب الخوارج . الشريعة Cabdullaahi Ibnu Cumar رضي الله عنهما wuxuu u haystay khawaarijta kuwa ugu sharta badan uunka Alle wuxuuna yiri: aayado ku soo dagay gaalada bay ka dhigeen muminiinta. وكان ابن عمر - رضي الله عنه - يراهم شرار خلق الله ، وقال : إنهم انطلقوا إلى آيات نزلت في الكفار فجعلوها على المؤمنين . صحيح البخاري Intaa waxaa sii dheer astaamaha ay sheegeen culimada u kuurgashay khawaarijta oo aad uga muuqda Alshabaab sida: Madaxda muslimiinta oo la khaarajiyo. Qofka la dilayo oo aan lagu ixtiraamin goobaha iyo xilliyada barakaysan {Cali رضي الله عنه waxay ku dileen iridda masjidka bil Ramadaan}. Hana halmaamin summadihii laga helay ee ku jiray 10kii astaamood ee qoraagu sheegay. Jawaabtii Alshabaab ma khawaarij baa? Alshabaab mar hadday yihiin dhalin yaro, caqli yar, fahamkooda diintu liito, dad muslimiin ah gaalay siiyay, dhiigooda bannaystay, ku laayay irdaha masaajida, ku fasiray aayadihii gaalada muslimiinta, madaxda la diriraya, culimada wax ka maqlayn, soo baxay xilli khilaaf taagan yahay… Mar hadday qirteen inay la jaal yihiin isbahaysiga khawaarijta caalamka ee Alqaacida, imaamkooduna yahay Usaama bin Laadin (hogaamiyaha khawaarijta casrigaan). Shabaabka mid ka mid ah horjoogayaashooda wuxuu u jeediyay muxaadaro uu cinwaan uga dhigay “ labbayka yaa Usaama!”. Wuxuu ku qancayaa qof walba oo Alle ugu deeqay caqli, cilmi iyo caddaalad inay Alshabaab yihiin koox khawaarij ah, in badan oo ka tirsan culimada soomaaliyeedna waa isku raacsan yihiin arrinkaas, walow ay badankoodu ka gaabsadeen inay fagaare ka sheegaan, sababo ammaan oo qof kastaabi og yahay awgood, mar dhowna waxaan Allaah ka rajeynaynaa inay sababahaas suulaan, oo xaqqa meel kasta lagu caddeeyo. Sidaas ayayna HAA ku noqotay jawaabtii Alshabaab ma khawaarij baa? Waxna uma tarin isku daygii qoraagu isku taxlluujiyay inuu uga weeciyo ama uga duwo khawaarijnimada, waayo kuma uusan difaacin xujjo cad oo looqaateen ah aan ka ahayn inuu taxay 10kii tilmaamood ee aan soo falanqaynay. Ugu dambeyn waxaad ogaataan in qoraaga qudhiisu ka marnayn khawaarijnimo, waayo wuxuu adeegsaday kalimada Ashahaada ladirir oo ka dhigan inay gaala yihiin hogaamiya kooxeedyadii ay midawgu maxaakiimtu la dirireen, taasina waa takfiirnimadii lagu yaqaanay khawaarijta, oo ay u dheer tahay inuu khawaarijta ugu dooday aqoon darro iyo xaglin xaq darra ah, culimaduna waxay u yaqaanaan dadka aaminsan afkaarta khawaarijta dagaaladana u raacin “khawaarijta fadhida ama fadhi-kudirirka ah!!” Cabdullaahi ibnu Muxammad Ad-daciif oo ka tirsanaa culimadii xadiista, wuxuu yiri: “khawaarijta waxaa ugu liita oo ugu xun khawaarijta fadhida”. (قعد الخوارج هم أخبث الخوارج ). Intaas baa ku soo gunaanadaynaa jawaabteena, Allahna waxaan weydiisanaynaa inuu nagu sugo xaqqa. Halkan ka Aqriso Qoraalkii Cabdiraxmaan Abyad ku Difaacayay Al-Shabaab Axmed Naasir
Posted on: Wed, 13 Nov 2013 05:53:17 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015