Aasaaskii maamulka Puntland iyo ujeedadii ka dambaysay Maamul - TopicsExpress



          

Aasaaskii maamulka Puntland iyo ujeedadii ka dambaysay Maamul goboleedka Soomaliyeed ee Puntland oo ahaa maamulkii ugu horeeyay ee ka curta gayiga Soomalida marka laga Reebo Soomaliland oo sheegtay inay Soomaliya ka go’day, waxaa dhidibada loo taagay sanadkii 1998-dii, 7-sano kadib Markii meesha ay ka baxday dowladii Dhexe ee Dalka Soomaliya, xiligaasna Puntland waxaa loo yaqaanay gobolada waqooyi bari ee Soomaliya. Xiligaas gobolada waqooyi bari waxa ka jiray jabhadaha SSDF, SNDU iyo USP kuwaas oo dhamaantood ku abtirsan jiray qabiilka Daaroodka. Madaxdii jabhadahaas Markii ay arkeen duruufta kajidha deeganka waxay go’aansadeen inay wada dhistaan maamul goboleed ka kooban 5 gobol iyo degmada Buuhoodle, waxaana ujeedka mamulkas ka curtay deegaanada waqooyi bari Soomaliya lagu sheegay in dadka ehelka ah ee deegaankaas ku dhaqan ay helaan nabadgelyo iyo in la raadiyo Somali wayn, iyadoo loo marayo nidaamka federaalka, waxaana maamulkaas Marjac u ahaa Isimada. Shan iyo toban sano kadib Inkastoo Shan iyo tobankii Sano ee maamulka Puntland uu dhisnaa ay ka qabsoomeen doorashooyin dhowr ah, isla markaasna ay kamid ahayd meelaha ugu amaanka iyo nolosha roon gayiga Soomaliya, misana markasta waxaa jirtay walina taagan tabashooyin aan wali xal loo helin kuwaas oo ay tirsanayaan qaar kamid ah qabaa’ilada ehelka ah ee wada dhistay maamulkaas, nasiib darro madaxdii soo marayna maysan ku guulaysan inay dalka u horseedaan hanaanka asxaabta badan ee doorashada xorta ah, si qofkasta uu codkiisa u siiyo xisbiga ama qofka uu doonayo, si meesha ay uga baxso tabashadaasi. Doorashada 2014-ka maxay kaga duwantahay kuwii hore Doorashada madaxtinimo ee maamulka Puntland ee fooda nagu soo haysa waxay kaga duwantahay kuwii hore iyada oo halkeedii ay tahay tabashooyinkii aan kor ku soo xusnay, ayaa markii ugu horeysay isimadii soo jireenka ahaa ee gobolada Sool iyo Cayn, kuwaas oo looga fadhiyay inay soo xulaan 17 xildhibaan oo kamid ah 66-da xildhibaan ee maamulkaasi ka kooban yahay waxay shaaciyeen inaysan jiridoonin cid ay u saxiixayaan kamid ahaan shaha baarlamanka cusub ee maalmulkaas, isla markaasna guud ahaan ay maamulkaas iskaga baxeen ayna samaysteen maamul u gooni ah oo Khaatumo lagu magacaabo. Markasta oo khilaaf ka dhaco Puntland waxaa marjac loo noqdo ahaan jiray Isimada, kuwaas oo u taagnaa midnimada iyo xalinta khilaafaadka, waxaase meesha kabaxay kaalintaas muhimka ah ee Isimada, iyadoona la sheego in Isimadu ay ku milmeed siyaasiyiinta, halka qaybtood ay noqdeen makarafoon ay adeegsadaan hadba markaas siyaasiga xukunka haya, sidoo kale waxaa ku dhacay sicir barar oo siyaasi kastaa waxuu sameeyay isim isaga taageere u ah. Muhiimadda xildhibaanada gobolada Sool iyo Cayn Inkasta oo musharixiinta qaarkood ay garowshiiyo ka bixiyeen go’aanka isimada goboladaas, isla markaasna balan qaadeen inay xalinayaan tabashooyinka jira, misana su’aasha ugu wayn ee reer Puntland is waydiinayaan ayaa ah, sida laga yeelayo xildhibaanada goboladaas, oo natiijada doorasha madaxwynaha Puntland muhim u ah, waxaana lagu matalaa sida gobolka California ee dalka Maraykana oo la sheego in musharixii codka gobolkaas hantaa inuu noqdo madaxweynaha Maraykanka. Dadka qaarkiis ayaa qaba in 17-ka xildhibaan ee goboladaas meel la iska dhigo, dowladda cusub ee imaan doontana baadi goob ugasho sidii mar labaad goboladaas dib loogu soo celin lahaa maamulkii ay wax ka dhistaan 15 sano ka hor, halka qaarkale ay qabaan in la qabto shir weyne, ka hor doorashada hadii loo baahdana muddo 6 bilood ah dib loo dhigo doorashada, si loo helo maamul waafi ah oo loo dhanyahay, hadii taas lagu guul daraystana mar labaad dib loo qeexo khariirada maamulka Puntland, waxaa markasta dadku ka digayaan in mushariinta qaarkood iska qortaan xildhibaano aan sharciyad ka haysan isimadii soo jireenka ahaa. Heshiiska aan qornayn ee kajira Maraykanka iyo Puntland Waxaa la sheegaa in dalka Maraykanka oo ku faana inuu yahay dal heer ka gaaray dimoqraadiyada inuu ka jiro heshiis aan ku qornayn dastuurka dalkaas, kaas oo dhigaya in haweenay aysan madaxweyne ka noqon karin dalkaas, taas oo loo qaateen ah marka loo eego ku dhawaad 300-dii boqol ee sano madaxweynayaashii dalkaas soo maray laga bilaabo George Washington ilaa Barack Obama. Taas bedelkeed maamulka Puntland oo ku faana xasilooni iyo maamul aan kajirin inta kale ee Koonfurta Soomaliya ayaa inkasta oo dastuurka maamulkaasi uu xuquuq isku mid ah siinayo muwaadiniinta reer Puntland, misana musharixiinta u taagan xilkaas ee ugu cad cad waxay intooda badina ka soo jeedaan beeshii xilkaas soo qabanaysay 15-kii sano ee maamulkaas uu jiray, marka laga reebo Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi oo wakhti kooban hayay Dadka qaarkiis ayaa qaba fikir kaas ka duwan waxayna shegaan qabashada xilkaas inay ku xirantahay qofka iyo kartidiisa isla markaasna siyaasiyiinta beeshaasi ay darajadaas ku gaareen hankooda sareeyo, maadaama beeshaasi 12 xildhibaan oo kaliya ay kuleedahay baarlamanka Puntland kaas oo doorta qofka noqonaya madaxweynaha, baarlamaanka Puntland ayaa ka kooban 66 xildhibaan. Yaa ugu cad cad musharixiinta faraha badan Inkasta oo musharixiinta u taagan xilkaas aad u fara badanyihiin, isla markaasna cidda wax dooranaysa ay tahay 66-da xildhibaan, kuwaas oo codkooda siiya hadba ninka markaas jeebka u buuxsha, iyaga oo aan xeerin rabitaanka shacabka, ayaa misana ragga sida wayn loo hadal hayo waxaa kamid ah Musharax Cabdiraxmaan Faroole, Musharax Cali Xaaji Warsame iyo Musharax Cabdi Wali Cali. Inta badan shacabka reer Puntland marka aad la sheekaysatid waxay kuu sheegayaan in isbedel uu lama huraan yahay, waxayna madaxweynaha iminka talada haya isla markaasna ah musharax u taagan xilkaas ay ku dhaliilaan inuusan wax weyn ka qaban xagga amaanka oo boqolaal labeentii dalka ah la dilay mudadii uu xukunka hayay iyo in ganacsigiii uu hoos u dhacay, sidookale waxay ku dhaliilaan inuu ka gaabiyay soo celinta gobolada maqan ee Sool iyo Cayn 68 sana jirkaan ayay ku tilmaamaan nin kaligii kaliye ah oo aan cidna talo ka qaadan marka laga yimaado wiilashiisa, waxaana la sheegaa inuusan dib u celin hadalkii maskaxdiisa ku soo dhaca xataa hadii uu dadka kala dilayo, dad badan oo oo shacabka reer Puntand ahina waxay tilmaamaan in dakanooyin badan uu afkiisa ugu soo jiiday. Dhanka kale dadka la dhacsan siyaasada Dr Faroole oo u badan qurba joog ku raaxaysta hadaladiisa ad adag ee uu hawada u mariyo madaxda DFS iyo siyaasiyiinta reer koonfureedka ayaa ku ammaana mudadii uu xilka hayay sida Puntland uu ugu xiray caalamka, iyo kaalinta uu ka gaystay maamulka Jubba ee ka dhismay gobolada koonfur galbeed Soomaliya. waxayna ku asteeyaan inuu yahay halyey Daarood, la aantiisna maamulkaasi uusan dhismeen. Sidoo kale dadka ay madax madhay taageerada Dr Faroole waxay sheegaan inuu yahay siyaasiga kaliya ee akhrin kara farta qal qaloocan ee akhrinteedu dhibka badantahay ee laga qoro Villa Somaliya, sidaas darteedna uu isagu yahay siyaasiga kaliya ee gaya jagadaas xilliga hadda lagu jiro. Sikastaba dadka siyaasada Puntland rog rogaa waxay qabaan labada nin ee wareega labaad iskugu soo bixi kara inay yihiin musharax Cabdiraxmaan Faroole madaxweynaha iminka iyo Musharax Cali Xaaji Warsame oo la sheego inuu yahay ninka kaliya ee dhaqaale kula tartami kara Faroole oo gacanta ku haya khasnadihii dalka, sidookale waxaa Cali Xaaji uu fursad ka heli karaa dagaalka siyaasadeed ee ba’an ee u dhexeeya Dr Faroole iyo Dr Gaas kuwaas oo aan laga yaabin in midkoodna midka kale cododkiisa siiyo hadii uu u arko inuu harayo. Shacabka reer Puntland oo ku caan baxay dad nabadeed isla markaasna ah dad shaqaysa oo aan ku tiirsanayn maamulada ayaa waxa ugu wayn ee ay hadal hayaan ay tahay doorasho ku dhacda si nabad ah iyo inay helaan maamul ka duwan kuwii hore ee ka shaqaysan jiray waxayna ku hanwayn yihiin inay heli doonaan maamul u adeega.
Posted on: Mon, 18 Nov 2013 09:35:59 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015