BAAQ KU SOCDA BULSHADA REER AWDAL GUDO IYO DIBADBA - TopicsExpress



          

BAAQ KU SOCDA BULSHADA REER AWDAL GUDO IYO DIBADBA HAROWO.COM BAAQ Reer Awdaloow tijaabada Tirakoobka iska diida, arima badanbaa ku Hoos jira ee madaxa kor uqaada Tirakoobkani waa khiyaamo reer Awdalna kuma baraarugsana ee waxay isku haystaan shilinka afarta casho ee laga shaqaynayo iyo sabannaar aan macno lahayn . Arimo badanbaa ku hoosjira. Kaalmada dunida laga helo iyo Mucaawinooyinka. Mashaariicda Hay’adaha Qaramada midoobay fuliyaan: sida; dugsiyada, ceelasha, caafimaadka iyo dhammaan adeegyada bulsho waxa lagu salayn doonaa tiro koobkan tijaabada ah, laakiin ma dareemaysaan. Deeqaha DF Somaliya hesho, maamulka Somaliland wuxu ku gorgortami doonaa baahida degaanadiisa iyo tirada mujtamaca. Deeqdaasina waxa lagu salayn doonaa tirakoobka imika la damacsanyahay in la sameeyo. Waxad xaqaaga ku waayi doontaa ama aad ku heli doontaa Data-da wixii maanta kuu gala. Xataa haddii Somaliland ay dunida ka helayso deeq toos ah, taa maanta Data-da la galinayo ayaa lagugu soori doonaa. Doorashooyinka la qaban doonana iyadaa sal u noqon doonta oo waxa lala socon doonaa inta sanad walba tuulo heblaayo ama degmo heblaayo ka qaangaadhay ee xaq u leh in Kaadhka diwaangalinta la siiyo, inta dhimatana sida loo diwaangalinayo waa farsamo u taal dawladaha hoose Maanta waxad isku haysataan shililnka laga helayo afarta maalmood ee Tirokoobkani soconayo, waxad leedihiin reer Hebelbaa shaqaalihii naga badsaday, laakiin kama fikiraysaan mustaqbalkiina iyo aayaha ilmihiinna. Arrintaa si wada jir ah halloo waajaho, si gaar ahna Odey kasta iyo inan iyo inanba tuuladiisa ha ugu fikiro si gaar ah Doorashooyinka waxa laguu keeni doonaa waraaqo xaddidan oo ku jaango’an tirada maanta soo baxaysa. Tirada Awdal laga soo saarayo way qorantahay, waa mid la idiin qoondeeyAy, oo qabiilkii ku tirinayay wax uu kuugu talogalaybaa jira oo aanan marnaba la ogolayn inaad dhaafto, si loo duudsiyo xaqaaga. Waa wax la idiinku talogalay ee diida, doorkan maanta ah noqda gobolka ugu dambeeya ee tirokoobka laga sameeyo iskuna daya inaad waxbadan ka ogaataan mashruucan iyo sida gobolada kale looga qabto. Lacagtii 1995kii bedelkeeda la idinku dhacay ee 100-ka shilin somaliland-ka la idinka ah la idinku yiri wuxu u dhigmaa Kun shilin somali ah Ee aad ku Wada caydhowdeen 20 Sano kadib baa magaalooyinkii waagii diiday laga bedelay. Dagaalna laguma qaadin, cunaqabtaynna lama saarin, Somaliland-tana kama bixin goboladii lacagta Somalilandta diiday ee yiri waan iska hubsanaynaa. 2008dii markii goboladii kale ay diideen idinkaa la la idinku tijaabiyey tirakoobkii , wixii idinku dhacay miyaad ilowdeen. Waxa la idinku yareeyay goobaha diwaangalinta. Waxa la idiin keenay waraaqo iyo kaadhadh cayiman iyo tiro go’an oo la idiinku talogalay inanad ka badan, gobolada kalena waa kuwii ka hirqaday ee afar afarta boqol ee kun loo qorey. Waxad arkayseen degmo Hargeysa ka tirsan oo la geeyay waraaqaha Awdal la keenay in ka badan, oo aan waraaqihii la geeyay waxba lasoo celin oo caruur iyo ciroolaba markii lagu siiyay, intii soo hadhay qof waliba toban magac oo kala duwan ama magaciisaba uu toban kaadh ku qaatay, qaarbaa soddon kaadh qaatay. maantana waa tii teedii. Gobolada kale odayaashooda iyo siyaasigooda waxa u socda kulamo ay iskula meel dhigayaan tirada gobolka ay kasoo saari lahaayeen, kadib waxay hordhigayaan hawlwadeenada wasaaradda qorsheynta, sida ay rabaan haddii aanay wasaaraddu u qabanayn tirakoobka waxay leeyihiin idinlama shaqeynayno. Awdal cid wax iska waydiisay ma jirto. Diwaangalintii 2008-2009 gobolada Togdheer iyo Waqoyigalbeed intaanan Kaadhadhka la geynin horta Komishankii diwaangalinta iyo Waxgaradkii goboladaasi waxay isla meel dhigeen tirada la gaynayo. Tusaale ahaan Togdheer waxay dalbatay 400 000 kun oo KAADH. Waxay yiraahdeen intaas haddaan gobolka la keenayn lanama diwaangalinayo. Waa la geeyay xebedi kama soo noqon, markii caruurtii xataa la siiyay, intii soo hadhay ninkiiba toban magac Waakii Toban kaadh ku qaatay. Hargesysa iyo burcaba taasaa ka dhacday, Reer Booramana waa kuwii ka cabanayay Kaadhadh la’aanta. Ma dadkaasaa wax wada lahaan karaya? Maxaad ka ogtahay habka maamulka Hargeysa ula dhaqmo Awdal Marka dorasho AMa diwaangalin la qabanayo. Waxkasta waa lagu tijaabiyaa, Awdal waa Jiir. Marka dorasho ama diwangalin la samaynayo Waxxa lagu yareeyaa agabka lagu shaqaynayo Iyo goobaha Iyo waliba Wakhtiga oo laga dilo. Shaqaalaha waxa lagu cidhiidhyaa mushqaayadda amma gabi ahaanba waa laga cunaa. Waxa madaxa la isku galiyaa hawlwadeennada. Waxaas oo dhan waxa looga gol leeyahay in hoos loodhigo lambarka, si loo waafajiyo tiradii loo qoondeeyay. Marka tuuladaada AMa degmadaada afarkun lagu qoro, degmada Waqoyigalbeed AMa Togdheer Afartan kun baa loo qori doonaa. Tirokoobkaa khiyaamada ku salaysan ayaa xaqaaga lagu lumin doonaa. Markaa ceelasha loo qodayo way kaa badandoonaan, isgolada sidoo kale, adeegyada oo dhan waxa lagu salayn doonaa degaan walba wixii loo rikoodh gareeyay. Mucaawinooyinka la keeno sidoo kale. Marka kaadhadhka la bixinayo iyaga inta maanta loo qoraa loo gayn doonaa, waraaqaha doorashadana intaa loo qoreybaa loo geyndoonaa, Iyadoon loo eegayn da’da codeyn karta, adiguna intaad maanta ogolaato ayaad heli doontaa, markaasaa waliba adiga laguu eegi doonaa inta codeyn karta ee liiska ku jirta. Hadaba waxaasoo dhan xalkeedu maantuu gacantaada ku jiraa. Balaayo xalkeedu waa ka hortag, ka dabo teg male. Bal an dhawrro Natiijada halka ay saldhigto. Tirakoobkii xafiiska diwaangalinta ee dalka Itoobiya 2007-dii ka sameeyay dalkaasi, Degmada Awbare ee Samaroonku dego oo hoostegta gobolka Jigjiga waxay noqotay 400 000 Afarboqol oo kun. Kuma jirto degmada kale ee Dambal ee Samaroonku dego ee iyadu hoostegta gobolka Shiniile . Bal aan eegno Samaroonka Salal iyo Awdal Waxa ay yeelaan iyo sida uu ugalo maamulka Snm oo isagu doonaya inuu Samaroonka ka dhigo Minorty laga maarmi karo. This post has been viewed 279 times. Related Posts: Goobaha codbixinta gobolka Awdal oo loo qoondeeyay 500… Goobaha Codbixinta Burco oo la laban-laabay, kuwa gobolada… Waxan cambaaraynaynaa Tuugta Reer Awdal Ee Dhuuni… Reer Awdal Oo Tabashadoodii Dhegaha Laga Furaystay + Goobaha ABaaq Ka Soo Baxay ururka dhalinyarta ee Al-Nuur Related Posts via Categories QABIILKA ISAAQU MA SIDAN AY HADA U DHAQMAYAAN BAY AHAAN JIREEN? Daawo 4 Wiil oo Somali ah oo lagu toogtay Caasimada Sweden ee Stockholm , 2 dhimasho iyo labo dhaawac halisa Sababaha Bur-buriyay shirkii Kulmiye Hogaankiisa iyo Guddida fulinta Dhex maray Shirkii Xisbiga Kulmiye u socday oo lagu kala kacay iyo Muuse Biixi oo qaadaya wadadii C/raxmaan Cabdulqaadir Kulmiye oo isku mari la’ Ansixinta Gudiga Qaban-qaabada Ee Uu Magacaabay Gudoomiyaha Xisbigaasi Dhalinyaro Tahriibaysay Oo Itoobiya kasoo qab-qabatay xuduudka iyaga iyo Suudaan u dhexeeya kuna soo celisay Somaliland Magacaabista wasiirada oo hakad ay galiyeen kooxda……..(Xog) Xaflad Sagootin ah oo Madaxtooyada Somaliya loogu sameeyay Fanaanada Weyn Hibo Nuura, Arimaha Dibadda iyo Gud.Baanka dhexe oo ka dhexmuuqday.SAWIRRO Puntland waa Gabar quruxbadan laakiin waxay guursataa Alkooliiste. DAAWO Cabdiweli Gaas Dhageyso idaacadaha Muqdisho oo laga baahiyay “Hablihii SNM ma noola” Toloow ma kuwii aan Snm-ta ahayn baa kufasanaya? camud Posted by haro3468 on Oct 20 2013. Filed under Harowo News - Wadan Iyo Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed. Comments are closed HTTP://WWW.ADDISFORTUNE.NET/ADDISFORTUNECOLUMNFEED.XML RSS Feed RSS - Posts WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Posted on: Mon, 21 Oct 2013 15:08:38 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015