Bilashada Bisha Ramadaanka(Ka faa iideyso khayrka iyo nimcada - TopicsExpress



          

Bilashada Bisha Ramadaanka(Ka faa iideyso khayrka iyo nimcada ku jirta Bisha barakaysan. 04/07/2013 A Bilashada Bisha Ramadaanka Ramadaanku waa Fursad aad u qaali ah waxanaan uu mudan yahay Baraarujintiisa in ay sii bilaabato inta aanan lagaarin Ramadaanka si loosii Baraarujiyo Ruuxa moog loonasii waxbaro kan jaahilka ah lana xasuusiyo kan wax yaqaan si ay umada ooodhan ugusii diyaar garowdo soo dhaweyntiisa una Maamuusto Bilashada Bisha Ramadaaan. Ramadaanka waa bil aad u fadli badan waana Rukniga afaraad ee diinta Islaamka sida muslimiinta wada taqaanba, waa bil mudan inlagu farxo lana dareemo reynreyn marka ay soo dhowdahay illaahna laga baryo inuu Nabad iyo Caafimaad kuugugaarsiiyo, taasoo muujineysa ruuxa sidaas sameeyaa inuu yahay ruux Cibaadada u heelan; diyaarna u ah gudashada waajibkaas. Sidaasna waxaa caado ay u ahaan jirtay Salafkii umadeena waxa ayna illaah ka baryi jireen inuu ramadaanka gaarsiiyo marka ay gaaraana waxa ay illaahweydiisan jireen inuu waafajiyo camalo wanwanaagsan, marka uudhamaadana waxay Illaah ka baryi jireen inuu ka aqbalo. Waxaase muruga ah in dadka qaar murugo iyo naxdin dareemaan marka ay maqlaan inuu Ramadaanka soo dhaw yahay ayagoo u heestaa inuu yahay Xabsi iyo Ciqaab lagusoo rogay, taasoo ku kalifta qaar inay Xalaal iyo Xaaraanba booboobaanayagoo ka hor dhacaya Ramadaanku waayo waxa ay u arkaan inuu ku yahay dhibaato waxa ayna dareemaan Cariirina maalmaha uusoo dhawaado maalinba Maalinta ka dambeysa, waxaana hada ka hor dhacday inuu mid kuwaas ka mid ah ka tiriyay gabay uu ku boorinaayo kuwa asaga oo kala ah inay cunooyinka badsadaan cabitaankana weelal waaweyn kucabaan inta aanan laga joojin cunada waayo waxa uu ka aaminsan yahay inuuba Ramadaanku yahay cunta iska celin iyo is oomin ee wax ajar xisaabsi ahba laabta ugama jirto. Sidaa darteed ayay Culimada Muslimiinta ka yiraahdeen arintaas jawaab celinteeda: hadii Shacbaan Labaatan ka gudbo xiriiri xuska Rabi habeen iyo Maalinba, si aad ugu diyaargarawdo una sii tababarto cibaadadooyinka Ramadaanka si ay kuugu sahlanaato inaad Ramadaanka Cibaadooyinka kala duwan eek u jira culees ugu arkin. Waxaa kaloo jiri jiray Nin ay hawadiisa ay ka mashquulisay cibaadooyinka waxa uuna markuu soo dhawaaday Ramadaanka ka tiriyay gabay uu ku baroorinayo asaga oo Illaah kabaryaayo inuusanba Ramadaan kale dib u arag, naca uu u hayo Soonka dartiis waxaa Illaah ugu jazeeyay inuu Ramadaankii kaas xigay soomi kari waayo jiro xunaay ku dhacday ilaa uu jiradaas uga geeriyooday Sow layaab ma aha ruux Sanadka oo dhan u cunayay cabayay gaabis iyo godob badana laga yaabo inay u dheer tahay hadanadhibsanaya fursadii Cumriga, fursadii dembi dhaafka, xiligii isbadalka iyo toowbada, ama xiligii caafimaadka jirka iyo qalbiga looga faaiidaysan lahaa? Nabiga Suuban [Nabad iyo Naxriiskorkiisa ha yeelee] waxa uu ahaa inuu soo dhaweeyn jiray Ramadaan kuna farxi jiray Bilashada bisha waxa uuna caadou lahaa inuu Ramadaanka la yimaado dadaal uusan Bilaha kalela imaan, gaar ahaan inuu Ramadaanka tobanka u dambeeya kusii dadaalo inta uusan Ramadaanka dhamaan, waxaa uuna u xeyd xeydan jiray Cibaado aan kala joogsi laheyn, ehelkiisana waxa uu fari jiray inay Cibaadeestaan. Marka qof walba oo muslim ah waxaa u haboon inuu munaasabadaha kheyraadka ee ka buuxa bishaan uga faaiideystoAduunkiisa iyo Aakhiradiisaba haday Ajar doonasho tahay ama Caafimaada ahaanba waayo bishan waa bil Illaah ku dhex diyaariyay wax walba oo fursad ah. Hadaba si aan uga faaiideysano Bishaan waxaa nala gudboon arimahan soo socda: 1= Ajar Xisaabsi inaan la nimaado:taasoo loola jeedo inaan Soono anaga oo rajeyneyna Ajarka iyo Fadliga Bisha Ramadaan ku jira taasoo ah wada kaliya ee Muslimka looga Ajarsiiyo Camalada Suusuuban uu sameeyooo dhan. 2= Waqtiga inaan uga faaiideysano Wanaag: waxaana soo galaya Maalintii inaan ku baxsano soon Quraan aqris, Sadaqo iyo Cibaadooyin fara badan marka laga reebo xili yar oo hurda ah si aan ugu nasano una awoodno Cibaadooyinka habeenkii iyo Quraanka aqriska Salaada Subax iyo Ducada Xiliga Saxuurta. Arintaan waxay toosin iyo tusinu tahay: A- Dadka Soonka uga Caado yeeshay Maalintii inay ku dhameeyaan hurdo xataa ayagoodadka qaar ka taga Salaadaha Waajibka ah, halka habaeenkiina ay Dadkaas Caado ka dhigteen inay banaanada wareeghaan amaMusalsalada Shareecada Islaamka Xarintay ku dhafraan. B- Waxaa kaloo ay arintaan baraarujin u tahay dadka Ramadaan kasta ku mashquula Turubka Ciyaaraha kubada cagta iyo Hurdada ama Muasalsal fiirsasho kuwaas looga caado dhigtay in lagu beego Ramadaanka si ay Dhalinyarada uga mashquulaan Cibaadoooyinkii qaaliga ahaa ee ku dhex jiray Bisha Ramadaan, ayada oo Dadka qaarna ayba ku kaliftay inay u afuraan Maalinta ay Ciyaarta leeyhiin si ay u awoodi karaan Cayaarta darteed. C- Waxaa kaloo arintaan baraarujinaysaa Dumarka kuwa Caadada ka dhigtay inay maalintii oo dhan ku mashquulaan cuno karinta halkii ay cibaadaysan lahaayeen, Ramadaanka oo dhanaka dhigay Bil cunada iyo noocyadeeda lagusoo bandhigtay.
Posted on: Mon, 08 Jul 2013 14:52:14 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015