By Wasiir Abdilahi Geeljire Wuxuu yidhi Dhamaantiin aad baad u - TopicsExpress



          

By Wasiir Abdilahi Geeljire Wuxuu yidhi Dhamaantiin aad baad u mahadsantihiin taageeradiina. Waxaan rabaa inaydin ogaataan in saddexdii cisho ee shirku socday laba ka mid ah aanaan u kala kicin ergadii somalia oo qodobadii ajandaha aanu jilib carro ka galnay oo macnaheedu yahay dood jilbaha ciidda lagu hayay intii ay socotay oo dhan which means aan loo kala kicin laysuna tudhin. Xataa hadalada laysku odhanayo ayaanu isku qabsanaynay oo markay qaar u yidhaahdaan si halmaan ah "gobolada woqooyi" dagaal bay noo ahayd. Inagu shirkii hore ayaynu bursanay waa la soo canaantay xataa barlamaanku waakii mooshinka ku furay markaa doorkan weerar bay ahaayeen laakiin difaac iyo weerar celin baanu la gallay. Qof aan joogin waa u sheeko keliya. Qof 4 million oo dadkiisii ah xilkooda sidana culays kuma yara. Culayskaasaa na saarnaa.
Posted on: Tue, 09 Jul 2013 20:26:46 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015