Crystal Palace v Arsenal - Premier League. Waqtiga xiliga - TopicsExpress



          

Crystal Palace v Arsenal - Premier League. Waqtiga xiliga Muqdisho: 14:45. Match Facts ku saabsan ciyaarta: Crystal Palace kaliya waxa ay heshay 5dhibcood iyo 5gool 8di kulan ugu danbeysay ee Arsenal ka hor imaado Premier League. (6 guuldaro 1 barbardhac 1 guul). Guuldaradi ahayd horiyaalka bilowgiisa ee Aston Villa kadib, Arsenal waxa ay heshay 19dhibcood kaliya 2dhibic ayay lumisay. (6 guul 1 barbardhac). Crystal Palace waa laga badiyay 5ti kulan ugu dambeysay, lagama badin 6 kulan xiriir ah tan iyo March 2001. Arsenal 13ki kulan ugu dambeysay oo ay ku dheeshay banaanka lagama badin (11 guul 2 barbardhac). Giroud isaga oo leh 4 gool waxa kale uu leeyahay 4 baasid gool isaga ayaana ugu sareeyo. Crystal Palace sida ay horiyaalka u bilowday waa midkii ugu xumaa ayadoo heshay kaliya 3dhibcood. (7 guuldaro 1 guul). 8 ciyaariyahan ka mid ah Arsenal ayaa dhalisay gool xili ciyaareedkan naadi kale ma jiro sidaa sameeyay aan Chelsea aheyn. Maxaad ka filan kartaa kulankaan guul weyn mise guul yar? #MJ #MohamedJanaale.
Posted on: Sat, 26 Oct 2013 10:16:18 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015