Dadka sida gaarka ula socda, waxey rumeysan yihiin, in Sheekh - TopicsExpress



          

Dadka sida gaarka ula socda, waxey rumeysan yihiin, in Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Alshabaab ay isku fikir la dagaalanka ciidamada ajaniibta, balse ku kala duwanaayeen dhibka loo geysanaayo shacabka Soomaaliayeed. Qilaafkas oo jira Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuu door biday ku biiridda alshabaab, qeybna uusan ka noqon maba wada xaajood uusan la galin dowladdi kumeel gaarka aheyd. Wuxuu u rkay in Dowladdu tahay gacan ku rimis, una adeegto dowlado shisheeye oo diinta islaamka cadow ku ah. Haddaba, Qormadan waxaan ku eegeynaa, Sidee Sheekha wax ka yihiin, odayaasha Habar Gidir maxaa la gudboon, xaggeese sartu ka quruntay? Waxaan la wada ogyahay, in Sheekh Xasan hawlo lagu diirsday kasoo qabtay howlihii maxaakiimta mudadii lixda bilood aheyd, dalkan nabad lagu soo dabaalay. Nasiib darro, laguma naaloon, oo waxaa maxaakiimta fashliyey kooxda ugu badneyd oo aheyd Alshabaab, oo watay halgan ka baxsan danaha ummadda Soomaaliyeed. Alshabaab waxay ku shaqeyneysay awaamiirta Alqaacida oo ku wajahneyd in dowlad Islaam ah ka hirgaliyaan geeska Afrika. Soomaalidu waxey tiraa, nin tiisa daryeelaa tu kale ku dara. Taasi waxey sababtay, in dowldaha dersiku, iyagoo garab ka helaaya dalal reer galbeedka Soomaaliya ku duulaan, dadkeedina xasuuqaan, gaar ahaan koofurta Soomaaliya. Arrimahaasi waxeey sababeen in shacab badan oo Soomaaliya, oo aan waxaba galabsan naf iyo maalba ku waayaan, lana barakiciyo. Sheekh shariif, oo ishii weer ku quus qaataya, iyo rag kale oo ka dhowaa waxeey garowsadeen in qaabka alshabaab fashil tahay, waxeyna isu dhiibeen dowlada marekanka, taasina waxey sababtay in shariif madaweyne kumeel gaar ah laga dhigo. Taldaasi way qumaneyd, waxayna hormuud ka noqotay in dowlad Soomaaliyeed la unko. Sheekh shariif aqoontiisu maadiga ma buurna, laakiin waa nin wax garad ah oo xigmad leh, wuxuu ogaaday in dowladaha dersika, iyagoo ka fii’iideysanayaa mashruuca argagixiso la dirarka ku wajahan Alshabaab, in shacabka Soomaaliyeed ku baaba’aaya yihiin, laguna badbaadin karo in dowlad loo helo, halka sheekh Xasan Daahir ay u muuqatay gaalo la dagaallan aan aragti dheer ku dhisneyn, taasina waxey sababtay, in Alshabaab sii wadaan xasuuqii shacabka oo la dan dareysan gaajo, macluul, iyo caafimaad la’aan. Waxaa iyaduna xusid Mudan, Reerka uu ka dhshay Sheekh Xasan Daahir, oo lagu yaqaan in ay dulmiga diiidaan, ayaa goobo farabadan isaga bari yeelay qaabka Sheekh daahir wax u wado, oo waliba Sheekh xasan ugu jawaabay in uusan u baahneyn beeshiisa, oo ummad kale oo Soomaaliyeed oo isga u jadbeysan uu heysto, waa (Alshabaab) halganka la dagalanka gaalandana sii wadi doon. Ilaa heer walaalihiis iyo aabihiis Macalin Daahir, Raximahullaahu, oo ah halgamaa diinta islaamka kor yeelay, iska beri yeelya. Ma rabo in aan kusii dheeraado, aan abbaaro dulucda. Koow, Sheekh xasan wuxuu ahaa xisbul islaam, waxeyna xaqdarro kula heshiiyeen Alshabaab, habaarkii ummdadda Soomaaliyeed ayaa ku dhacay, dhexdooda ayey ka daglaameen; horaa loo yiri, labadii xaq darro ku heshiisa, xaqeey ku dagaalan. Sheekh xasan waa laga itaal roonaaday, wuxuu usoo cararay ximan iyo xeeb, dhuusamareeb iyo Guriceel waa tagi waayey. Maxaa la gudboon odayaasha Habar Gidir. Beri baa waxaa nin u dhshay beesha xawaadle ku dilay nin American ah lagu meel u dhow jiirta qabno, oo sidaa uga sii fogeyn magalaada beledweyne. Dowladdi kacaanka oo berigaa jirtay ayaa ka soo xirtay ninkii dilka geystay. Odayaashii xawaadle ayaa ka daba tagay oo dowladda ku yiri “(DOWLADDU XEEY RABTAA, DHIBKAAN DHACAY SEDDEX CALI IYO AMEERIKOOWDA AA KA XAALAA) Hadda odiyaasha habar gidir, ma waxeey leeyihhi “(ARRINKA SHEEKH XASAN ADDUNKA IYO HABAR GIDIR AA KA XAALAA). Haddey habar gidir magi karto dhibkoow sheekh xasan ka geystay Afrika, iyo America iyo Yurub, dowladdu haku wareejiso. Waxaan hubaa, in ay dhihi lahaayeen ALLAHEEN KA ALLE. Marka Habar gidir raali ha ahaato, Xasan Daahir arrinkiisu ma sahlana, yaan lagu hodmin. Sidaa awgeed xasan tol maleh, tolkiis waxoow ku bedeshay Alshabaab, marka yaan loo jixin jixin oo la iska daayo is barbaryaaca qabyaaladesyan. Taageerada dowladda halkeedii kasii wada, yaan nin jecleysi laga door bidin qaranimada. Dowladda Soomaliya Sheekh xasan arrintiisa go’aan kama qaadan karto, oo waxaa laga war sugayaa natiijada baaritaanka sirdoonka American iyo Ingiriis. Marka Madaxweyne Xasan waqti uma qaban karo arrinka Sheekh xasan. Sidoo kale, arrinka maanta koofurta Sudan madaxweynuhu u aadey waxaa ugu muhiimsan ethiopia oo rabta in sheekh xasan lagu wareejiyo. Dowladda maxaa la gudboon? Dowldda waxaa la gudboon in ay baaraan sababta keentay in la garaaco oo dhaawacyo waaweyn loo geysto odayaashii dowladdu dirtay, sharcigana la hor keenaa shakhsiyaadkii amarka bixiyey. Ciidanka dhibka geystay waa dambiilyaal, waa haddii ay amar la’aan falkaas fuliyeen. laamaha Amniga, wada shaqeyn waa la yeelan karaan dhiggoda dowladaha kale ee xamar ku sugan, laakiin waa in ay si toos ah uga amar qaataan dowladda. Sheekh xasan isagaa laga waayey alshabaab ka har, marka waa in sharcigu wuxuu qabo la mariyaa, waxaan dowladda soomaaliyeed kula talinayaa in Sheekh xasan dowlado shisheeye aan loo gacan galin, maxaa yeelay, waxey dhaawaceysaa jiritaanka madaxbanaanida dalka ee xagga sharciga iyo jiritaanka dowladda Soomaaliya. Dowladii shisheeye ee dacwo u qabta Sheekh xasan, dacwadooda ha usoo gudbiyaan dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale, haddii sheekh xasan ka tanaasulo Alshabaab iyo xag jirnimada, dowladda Soomaaliyeed waxaa u furan in ay Cafis u fidiso sheekh xasan, Taasi waxey qeyb ka noqon kartaa, cafiska guud ee qaranka, waxeyna horseedi karta in saraakiil muhiim kasoo baxaan Alshabaab, loogana taqaluso si fudud. Ugu dambeyn, Dowladdu waa in aaney oggolaan in Qarinimadu ka weyn tahay qabyaaladda, lana aqbalin hanjabaadda qabyaaladeysan ee qabiilada Soomaalida. C/lahi Rooble
Posted on: Mon, 08 Jul 2013 21:41:35 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015