FAA,IIDOOYINKA BABAAYGA((Midha Equatorial ah). Hase yeeshee - TopicsExpress



          

FAA,IIDOOYINKA BABAAYGA((Midha Equatorial ah). Hase yeeshee Shaqada Enzyme kanu iyo Enzyme kale oo la yidhaahdo Chymopapain oo isna weliba ku jira Midhahakan kuma koobna uun raqdinta Proteins ka Cuntada ee Mashiinka Cuntada raqda, bal way dhaafsiisan tahay taas iyada oo dhinta Dhaqdhaqaaqa Arimaha Infection ka ah ee Xaglaha iyo qayrkoodba iyo iyada oo fududaysa bogsashada Nabarada Oogada iyo Ololka Ulcerous ka NNN:05.10.2013:Babaaygu waa Midhahaa u samaysan sida Kubada amaba Beedka sidiisa, wuxuu gaadhaa Dhererkeedu ilaa 40cm, laakiin inteeda badan waxay u egtahay Qiyaasta Midhaha Shamaamka (SugarMelon), Miisaankeeduna wuxuu noqdaa Xabadii sida caadada ah wax in yar dheer ama in yar ka yar ku dhowaad Rodol, in kasta oo Midabkeeda Cagaaran ama Cagaarka iyo Huruuda isuga jira ee ku duhaadhan Diirkeeda sare ee Dhumucdiisu dhexdhexaadka tahay, hadana Midabka Cadkeeda hoose ee Dhadhanka Macaan lihi wuxuu isugu jiraa isku dhaf Midabka Cadka Canba Lafta iyo Midabka Cadka Dubaha, kaas oo ina siinaaya marka loo kala jeexo Dherer laba Qaybood ah Muqaalka ah Olol Faanuus ah oo ka soo baxaaya Dabaqad Iniinaha Madow oo u safan Dherer Gudaha Midhahakan. Waxa ugu horeeya ee u gaarka ah Midhahan caadiga ka ah Muqaalkeeda korka kana quruxda badan xaga samayska Gudeheeda, waa iyada oo ay ku jirto Maadada la yidhaahdo Papain ee Chemical ka ah, waxana ay ku xoogan tahay Kimiyadaha Maadadanu Midhaha si aad u wayn gaar ahaana kuwooda Bisaylka ah, marka loo eego iyada oo laga helo Maadadan Geedka Babaayga Qaybihiisa kalena. Papain tu hadaba waa Maadad Chemical ah oo ay u yaqaaniin Culimada Baadhitaanadu Enzyme, Enzymes kuna sida loo yaqaano waa Maadooyin Chemicals ah oo leh Awooda Shaqada ee ay ku dhamaystirto reaction Chemical ah, waxana ugu muhiimsan ee ay qabato Maadadan ku jirta Midhaha Bisil ee Babaaygu waa marka ugu horaysa ee ay soo gaadho Caloosha iyo Xiidmaha ayay waxay ku kacdaa ka qayb qaadashada dedejinta raqdinta Proteins kii aan ku cunay Meals kii Cuntadeena, oo weliba si gaar ahna Proteins kaa adag ee Hilibka. Sidaas darteed ayaa qaar Shirkadaha soo saara Xanjada, ayaa waxay kala soo baxaan Maadadan Source keeda ah Geedaha dabadeedna waxay ku daraan samaynta noocyadooda Xanjadooda, taas oo ay u xayaysiiyaan dabadeed in la adeegsado marka la dhamaysto cunida Cuntada ay ku jiraan Hilbuhu. Hase yeeshee Shaqada Enzyme kanu iyo Enzyme kale oo la yidhaahdo Chymopapain oo isna weliba ku jira Midhahakan kuma koobna uun raqdinta Proteins ka Cuntada ee Mashiinka Cuntada raqda, bal way dhaafsiisan tahay taas iyada oo dhinta Dhaqdhaqaaqa Arimaha Infection ka ah ee Xaglaha iyo qayrkoodba iyo iyada oo fududaysa bogsashada Nabarada Oogada iyo Ololka Ulcerous ka.......lasoco....Insh Allaah.......Q.2aad......................................................lasoco..............lasoco............. Mohamed Haji Essa(Maygaag) (NNN) University Applied Science Netherland(BIO-chemistry
Posted on: Sat, 05 Oct 2013 11:10:48 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015