Faallo: Xarako cusub oo dhawaan la filayo in lagaga dhawaaqo - TopicsExpress



          

Faallo: Xarako cusub oo dhawaan la filayo in lagaga dhawaaqo Koonfurta Soomaaliya. Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo xoogaga AMISON ee taageerada siiya waxa ay wiiqeen awoodii ballaadhneyd ee ururka Al-Shabaab ku lahaa Koonfurta Soomaaliya wallow ay jirto meelo ay Al-Shabaab haystaan haddana dalka intiisa badan amma magaalooyinkii ugu muhiimsanaa waxa maamulkooda iyo nabadgalyadooda gacanta ku haya dowladda Soomaaliya. Maadaama sidda muuqata ururka Al-Shabaab ka sii baxayo saaxada hirdanka hoggaaminta talada dalka ayaa haddana waxa jira warar la xidhiidha in uu socdo dhaqdhaqaaq urur cusub oo magiciisa lagu sheegay Al-Kufaar oo la filayo in dhawaan lagaga dhawaaqo magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ku yaala Koonfurta dalka. Ururkan ayaa maalmihii u dambeeyey ku jira abaabul ballaadhan oo qorshihiisu la xidhiidho in dhallinyaradda Soomaaliyeed laga dhaadhiciyo hadafka iyo ujeeddada uu ku dhisan yahay isla markaana la hello dhallinyaro fir fircoon oo si fiican u fahansan amma fuliya mabaadiida loo aasaasey ururka Al-Kufaar sidoo kale dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dadaaleysa in ay xidhiidho iyo wadda hadalo deg deg ah la sammeyso ragga waa weyn ee hormuudka u ah xarakaddan cusub. Waxaa isweydiin mudan Xarakadan cusub ee Al-Kufaar maxey aaminsan yihiin? Wali ma cadda in madaxda ururkan aasaastey xidhiidh la leeyihiin ururweynaha Al-Qaacida laakiin warar lagu kalsoon yahay waxa ay sheegayaan in dadka ku bahoobay ururkan ay aaminsan yihiin waxyaabo badan oo ay ka mid tahay. 1. Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee dowladda u shaqeeya in marka la soo qabto nolosha lagu gubo. 2. Isticmaalka aallada Internet-ku in ay xaaraan tahay sidaas darteed qofka lagu arko isagga oo isticmaalaya Internet in nolosha lagaga saaro labbada indhood ee uu wax ku arko. 3. Tiradda dadka Soomaalida oo muddooyinkii u dambeeyey aad isku soo tareysa sidaas darteed waa in sodonka sanno ee soo socda ilmaha uurka ku jira laga soo ridaa Hooyo kaste oo Soomaaliyeed oo waliba xaamilo ah isla markaana ku nool gudaha dalka Soomaaliya. 4. Qofka Xarakada u soo sheega guri uu joogo ruux cunaya amma ku mirqaamaya jaad iyo sigaar ha ku bishaareysto in uu Jannada madax madax u galayo iyo qoddobo kale oo badan. Inkasta oo aan la garan karin sidda ay isku qaban doonnaan magacan ay la baxeen ee Al-Kufaar iyo diinta Islaamka ee ay sheeganayaan haddana waxa ay Soomaalida badankoodu saadaalinayaan in ay dhibaatadoodu kuwani cusub ka darnaan doonnaan ururka Al-Shabaab. Abdirisaq Mohamed Barkhad.
Posted on: Sun, 06 Oct 2013 12:05:41 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015