Garoonka Diyaaradaha Ee Ortampo Ee Magaalada Johannesburg waxaa Ka - TopicsExpress



          

Garoonka Diyaaradaha Ee Ortampo Ee Magaalada Johannesburg waxaa Ka duushay Diyaaradd siddo Meydka Safiirka Soomaaliya U Fadhiyay Wadanka Koonfur Afrika. Waxaa Meydka Safiirka Sagootiyay Qaar Kamid Ah Wakiillo Ka socdo Safaaradaha Carab, Masuuliyiin Ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda Koonfur Afrika, Iyo Dadweyne Soomaaliyeed. Diyaaradda Waxaa Horay U raacay Wiilka Safiirka iyo dad kale. Allaha U Naxariisto Sayid Shariif Cabdullaahi Safiirkii Soomaaliya U Qaabilsanaa Koonfur Afrika Ayaa Dhawaan Ku Geeriyooday Magaalada Baritooriya , Waxaana Geeridiisa Ka tacsiyeey Madaxda Soomaaliya iyo South Afrika. Waana Danjirihii Ugu Horeeyay Ee Soomaaliya Usoo Magacawdo Dalka Koonfur Afrika. Allaw U Raxmo, Kana Waraabi Janadii Fardowso. AAMIIN
Posted on: Thu, 11 Jul 2013 22:50:11 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015