Guddiga badbaadada Qaran: Is baheysiga Qaswadayaasha Soomaaliyeed - TopicsExpress



          

Guddiga badbaadada Qaran: Is baheysiga Qaswadayaasha Soomaaliyeed oo Adimaha u hagaagi la. (Qoraal xiisa badan). Xubno isugu jira Siyaasiyiin ku fashilantay Masraxa Siyaasadda, kuwo Dowladda ka waayay xilal iyo kuwo Daneystayaal ah oo damac beeleed iyo damac Shaqsiyadeed iyo dane shisheeye ku howlan ayaa waxa ay dhawaan Asaasteen Gudiga ay ugu magacdareen ‘’Badbaadinta Qaranka Somalia’’. Golahaas ayaa waxaa ku jiray Siyaasiyiin Wadaniyiin Qaran ah kuwaasi oo magacooda laga been sheegay laguna tilmaamay Asaasayaasha Guddigaas. Madaxweynihii hore Somalia Md. Sheikh Shariif, Raisul wasaarihii hore Prof Cali Maxamed Geedi iyo Xubno kale, ayaa waxa ay gaashaanka ku dhufteen inay kamid aheyn Gudigaas, iyagoo sheegay in magacooda laga been abuurtay. Haddaba markaan eegno Liiska gudigaan waxaa Figta sare kaga jiro Siyaasiyiin Fashilantay oo ay ugu tun weyn yihiin Omar Cabdi rashiid, Shariif Xassan,C/weli Gaas, C/raxmaan Faroole iyo Axmed Madoobe, iyadoo Xubnahaasi ay yihiin Qaswadayaasha Qatarta ku ah Nabadda Somalia. Gudigaasi ayaa waxa ay Siyaasad ahaan ku xiran yihiin Dowladaha Kenya, Ugandha, oo la daba taagan hiil iyo hooba si ay u kala dhantaalan dadaalka Beesha Caalamka iyo Qaranka Somalia. Haddaba Hoggaamiyayaasha Qaswadayaasha uu ka degi la’yahay Dalka Somalia ayaa waxaa kamid ah C/raxmaan Faroole iyo Axmed Madoobe oo aalaba Juhdi ku bixiya sidii Somalia loogu soo celin lahaa Colaadihii 22-Sanno. C/raxmaan Faroole, ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu dhowr mar shaaciyay in Xukuumadda Somalia ay ka talaabtay Nidaam badan, taasoo uu ula gun lahaa in la hakiyo dadaaladda ay Xukuumaddu ka wado Somalia, waxaana Xusid mudan in Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somalia C/llahi Yusuf uu C/raxmaan Faroole ku tilmaamay ‘’Qaa’inul wadan’’. Dhanka kale, Axmed Mdaoobe oo isaguna kamid ah Hoggaamiyayaasha Qaswadayaasha Somalia kuna xiran Dowladda Kenya, ayaa waxa uu isaguna ka been sheegay Jiritaanka Xukuumadda Somalia, isagoona iibsaday Badda Kismaayo, una saxiixay in Kenya ay ka kaluumeysato Badaasi iyadoona loo raacaneynin. Sidoo kale, Guddiga ayaa waxaa kamid ah Omar Cabdi rashiid, oo horay Aabihiis Somalia uga soo noqday Madaxweyne oo isaguna u muuqdo inuu ka weecanaayo wadadii wanaagsaneyd ee uu Aabihiisa falay, waxa uuna u jeestay Wado qabiil, isagoona ay durbaanadu u tumayaan C/raxmaan Faroole iyo Axmed Madoobe. Guddiga oo ah mid u muuqaal eg kii lagu bur-burin lahaa Dalka Somalia, ayaa waxaa ku mideysan Tobaneeyo ay Siyaasadu ka gashay Hab qabiil, wallow Arrintaasu aysan dhag jalaq u siineynin Xukuumadda Somalia. Guddiga ayaa waxaa sidoo kale ku jira Ragg aan looga baran Siyaasadda oo iyaguna ku socda qaab qabiil waxaana muuqata in Guddigaasi Yagleeladiisu ay tahay mid salka ku heysa qaab qabiil iyadoona ay Cadeymo kaga filan tahay qaabka lagu dhisay iyo Ragga ku jira. Dowladda Kenya oo iyagu Awood Siyaasadeed kala kulantay Xukuumadda Aqoonsiga ka heshay Caalamka, ayaa waxa ay garwaaqsatay inay dhisto Guddiga ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Caada qaadato ah ee Caalamka la gaafwareegayo Siyaasad Daxaleystay, kuwaasoo ay Kenya u adeegsaneyso Bur-burinta Somalia si ay uga sii qooleysato Xeebaha Kismaayo Hayeeshee Arrintaasi ayaa noqotay kud ka guur ee qanjo u guur waxaana Fashil siyaasadeed soo wajahay Guddiga oo aan weli leysu aadin qaabka ay u shaqeyn lahaayen. Ugu dambeyntii, Guddiga badbaadada Qaran ayaa waxaan Oran karnaa waxa ay xaaladiisu tahay ‘’Afka igu taageera, Adimaha ayaan tahlikarin’’ oo ay micnaheedu tahay Awoodii iyo Siyaasadii loo aasaasay ayaa is qabsanla.
Posted on: Sun, 21 Jul 2013 21:20:49 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015