Gudigga difaaca ee baarlamanka waddanka Kenya ayaa lagu wadaa - TopicsExpress



          

Gudigga difaaca ee baarlamanka waddanka Kenya ayaa lagu wadaa maanta oo (Isniin ah) in baaritaan ay wada sameeyaan abaanduulayasha ammaanka, baaritaankaas oo ku saabsan haddii ay jirtay in sirdoonka uu ku guuldareystay weerarkii ay maleeshiyaadka ku qaadeen xarunta laga dukaameysto ee Westgate. Guddiga baarlamanka ayaa sidoo kale eegi doono sida ay dowladda u maamushay howlgalka afartii maalmood ee uu weerarka socday. Kooxda Islaamiga ah ee Soomaaliya ee Alshabaab ayaa sheegatay in ay ka dambeysay weerarka. Haddaba dhageyste ka soo dhiibo ra’yigaaga, maxay kula tahay in ay ka soo bixi karaan kullanka ay yeelanayaan guddiga difaaca ee baarlamanka waddanka Kenya?
Posted on: Mon, 30 Sep 2013 03:23:03 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015