HADAL QORAN OO SAWIRO WATAY AYAAN DAMCAY INAA FIKARAD KA DHIIBTO. - TopicsExpress



          

HADAL QORAN OO SAWIRO WATAY AYAAN DAMCAY INAA FIKARAD KA DHIIBTO. INTAAN QORAALKII QORAYEY AYAAN QORKII IYO SAWIRKIIBA WAAYEY BAL RAYIGEYGII AAN QOTOMIYO INUU ISTAAGI KARO. Xaaladan aan laba u kala qaado. Waxa gaadhay oday dhaqmeedyada beesha habergidir iyo waxa gaadhay ninka isdhiibay. Waxa gaadhay oday dhqameedyada beesha habargidir waa wax ka baxsan dhaqanka somaliyeed, dhaqanka afrika, iyo hab maamuleedka dawladeed. Waxaase haboon ineey ku qancaan oo ay ku cilmi qaataan ciqaabtan oo ah mid rabigay. Taasoo uga timid dhibaatada ay ku hayaan beelaha ku nool Jubbooyinka iyagoo garab siinaya kusheegyada reysalwasaaraha iyo madexweynaha. Waxa gaadhay ninka isdhiibay waxaan u kala qaadi karnaa: waxa dhaafay isaga, sababta madaxweyne ku sheegu ninka isdhiibay sida fooshaxun ula dhaqmay, iyo qiilka u furan ee aan sidaas foosha xun loola dhqmi Karin. Waxa dhaafay isaga markii uu joogay meeshii ugu horeysay ee uu iska dhiibay inuu cafis iyo magangalinba uu weydiisto dawlada Mareykanka. taasoo markiiba dawlada Mareykanku ay gurmad degdega u fidin lahayd. Waayo dawlada Mareykanku way u naxariis badantahay qofkii dib isusoo saxa waxaana kuu cadeynaya dambiilihii ugu weynaa argagixisad somaliya Sharif wuxuu manta ku raaxaysanayaa canshuurta aan bixino. Sababta Madaxweyne ku sheegu ninka isdhiibay sida foosha xun ula dhaqmay waxay leedahay laba sababood oo kala ah: Isagoo laga cabsanayey inuu sir xamar taalay bixiyo iyo isagoo waajibaadkii Baraawe lagu siiyey ka soo baxsaday. Isagoo laga cabsanaye inuu sir xamar taalay bixiyo. Sirtaas oo ah raga la shaqeeya godane ee ay ka mid yihiin ku sheegyada reysilwasaaraha, madxweynaha, iyo madax kale oo wasiiro iyo nabadsugida katrsan. Isagoo waajibaadkii Baraawe lagu siiyey ka soo baxsaday. Waajibaadkaas oo ah isaga iyo Godane iyagoo adeegsanaya magaca ay Baraawe ku joogaan ineey kismaayo qabtaan. Magacoodaasna ay Kismaayo ku xukumaan iyagoo dawlada matalaaya. Qiilka u furan ee aan sidaas foosha xun loola dhqmi Karin. Qiilka uu haystaa waxaa weeye, qof isdhiibay wakhti colaadeed oo isgoon hub haysan gamcaha taagay. Tasoo qanuunka caalamiga ah iyo dhaqnkuba ay cadeynayaa inaan xumaan loo geysan karin. Bedel Omar
Posted on: Thu, 04 Jul 2013 13:35:32 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015