HAMBALYO MEHER FAR XADLEH Waxaa manta oo ay Taarikhtu tahay - TopicsExpress



          

HAMBALYO MEHER FAR XADLEH Waxaa manta oo ay Taarikhtu tahay 05-12-2013 maalin khamiisa ka dhacday hotel Classic xaflad mehera oo loo qabtay Chîef Mohamed Adde Yaasiin Jaamac Yuusuf iyo marwadiisa Safiyo Abdiqadir Osman Kulmiye . Waxaana ka soo qayb galay xafladaas dad fara badan oo iskugu jiray dhalinyaro iyo odayaal iyo masuuliyiin , iyo aqoonyahanno intaba . Oogu horayn waxaa xafladda ka hadlay garabka odayaasha gabadha doonayay waxaana afkooda ku hadlay nabadoon Siciid Jaamac Yuusuf. Waxaa kaloo halkaas ka hadlay odayaasha garabka gabadha bixiyay oo uu uhadlay nabadoon Maxamuud Cabdiraxmaan GARAS Intaa ka dib waxaa la guda galay meherintii waxaana isku meheriyay wiilka iyo gabadha Dr.Aadam Maxamed Cigaal oo ah gudoomiyaha jaamacadda bariga Africa gaalkacyo . oo gabadha adeer uah . Waxaa kaloo goobjoog ahaa madaxda shirkadda golis galkacyo waxaana kamid ahaa Maxamed Ciise Cismaan Aadan Maxamed Maxamuud Muuse indhokoombe Ismaaciil Ciid . Oogu dambayntii waxaa kalmad aad uqiima badnayd kasoo jeediyay xafladda Jamaaludiin Cabdikariim Gabanoow CAWKE oo ah lataliye sare dhanka qoyska wuxuuna aad oogu dheeraaday mawduuca dhisida guriga muslimka ah iyo faaiidada uu guurku uleeyahay qofka muslimka ah oo waliba awooda . Xafladdu waxay kusoo dhamaatay jawi aad wanaagsan iyo farxad aan la cabiri Karin .
Posted on: Thu, 05 Dec 2013 10:26:10 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015