HOWRISTA DEEGAANKA WAA ASAASKA NOLOSHA Daabaco | Print | Faafin: - TopicsExpress



          

HOWRISTA DEEGAANKA WAA ASAASKA NOLOSHA Daabaco | Print | Faafin: SomaliTalk: Saturday, September 29, 2012 // 1 Jawaab DHOWRISTA DEEGAANKA WAA ASAASKA NOLOSHA XAALADA DEEGAANKA SOOMAALYA Qore Guddoomiyaha Hay’adda Dhowrista Deegaanka Soomaaliya GREEN SOMALIA (GS) NGO Abdulkadir Mohamoud Walayo Qaybta Labaad XAALADA DEEGAANKA SOOMAALYA Maamulkii militariga ee dalka soo xukumay in ka badan 20 sano ayaa la oran karaa inuu yarahee u hinqaday talaabooyin ku aadan dhowrista deegaanka dalka. Waxaa la aasaasay Hay’ado ku shaqo leh ilaalinta deegaanka sida Wasaaradda Xananada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa iyo Wakaalada hoos timaado ee Daaqa Qaranka. Soo saarista shuruucda lagu xaraantimeynayo waxyeelada loo geysanayo deegaanka sida maanucista dhirta oo la jaro iyo dhoofinta dhuxusha kasokow, waxaa shacabka Soomaaliyeed uu ku tallaabsaday mashariic wax ku ool ah oo wax looga qabanayo ilaalinta deegaanka sida mashruuca Bacaadcelinta shalaambood oo todobameeyadii bacadka fidiya loo arkay inuu qatar ku yahay dhul beeraadka shabeellaha hoose oo ah dambiisha ugu weyn ee rootiga dalku quuto laga soo saaro iyo wadada isku xirta caasimada iyo gobolka. Dareenka noocaas ah kama jirin meelo badan oo ka tirsan Qaraadan Afrika. Maamulka ciidanka wuxuu dadweynaha ku wacyi geliyay doorka dhireynta ka qaadato nolosha sida soo jiidashada roobka, bilicsamida magaalooyinka. Waxaa markiiba lagu tallaabsaday in dhir lagu talaalo caasimada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ayadoo dadka ay tallaalka dhirta si bilaasha uga qaadanayeen beerta Wadhigley ee “Wardhigley plant nursery” ee Dawaldda Hoose ee Muqdisho taasoo si weyn wax uga bedeshay bilicsamida caasimada. Bisha April 17 ayaa sannad walba mar la gaaro ayaa loo asteeyay maalinta dhowrista deegaanka ayadoo lagu mamuusi jiray dhir beeris iyo seminaro looga hadlayo doorka deegaanku ku leeyahay nolosha. Wixii ka horreeyay 1970kii Muqdisho ma lahayn dhir qurux badan marka laga soo tago geedaha sida daluuga, arruuntada, booca, daniga, showriga, geed jinniga iyo kuwo kale oo dhaantood si “wild” ah ku bixi jiray. Inta aan ka xasuusto, waxaa jiray geedo aan badneyn oo wax lagu cuno sida hiinfaalka (Beydaan), tiinka iyo geedka gobka. Duleedka caasimada Muqdisho wixii ka horreeyay lixdameeyada, waxaa qaraab ah looga cuni jiray miraha sida murcoodka, shanfaroodka, hohobta, muryoodka, geeso-riyoodka, mareerka, jinowga iyo kuwo kale sida qodoshada gocosada. Mirahaas waxaa laga heli jiray intaan la degin ka hor horaantii lixdameeyada xaafadaha Hodan, Wardhiigley, Hawlwadaag iyo xaafadda Siisii ilaa Kms 4 iyo nawaxiga kale ee Muqdisho. Gocosada oo laga qoto dhulka waxaa sida badan laga heli jiray agagaarka wadada intaan lagu dhisin maalgelin Saudi Arabia ay bixisay wadada Maka Al-Mukarama 1965 markii uu dalka booqshada ku yimid booqorka raxiilka ee geeriyooday ee Boqor Faysal Ibn Abdulaziz. Waxaa la qiyaasi karaa inay mirahaasi imminka ay nabaadguureen waxaana sabab u ah dhulka la deegaameeyay oo xitaa hoy u ahaa noocyo badan oo ugaarta ah sida sakaarada iyo xoolo duurka la midka ah. Inkastoo maamulka ciidamada ay dadaal muujiyeen haddana geedka ay ku tallaaleen caasimada oo loo yaqaan “mirimiri” amase “Geed Hindi” wuxuu lahaa hoos la harsado mana lahayn miro laga cuno marka laga soo tago xoolaha oo daaqa marka ay wax kale oo ay cunaan waayaan. Ma hayo caddeyn cilmiyeysan “scientific proof”, waxaase meelaha qaar laga sheega in geed Hindiga uu leeyahay waxtar dawo oo aad u badan ayadoo la sheego inuu ka daawo yahay ilaa 40 cudur. Dadka xanuunka macaanka qaba waxay isticmaalaan biyo lagu karkariyay geedkaas ayadoo la sheegay inuu hoos u dhigo macaanka dhiiga ku jira markuu intii la rabay uu kor uga kacsan yahay. Si kastoo ay tahayba maamulka ciidamada wuxuu shacabka Soomaaliyeed dareensiiyay in caasimada oo magaalo xeebeed ah lagu beeri karo dhir nooc kasto ah oo weliba leh miro dawo iyo quudasho lahaan kara. DEEGAANKA SOOMAALIDA THE SOMALI ENVIORNMENT Deegaanka Soomaalida waa mid “ecology” ahaan jilicsan. Tirada roobabyowga waa wax yar oo kala gedisan sannadba sannadka xiga. Marka laga reebo dhulka taaga ku yaal iyo webiyada, dalka badankiisa waxaa loo sooci karaa dhul daaqsin ah oo wax weyn ka tara xoolaha oo ah hawlbawlaha dhaqaalaha qaranka. Abaaraha soo noqnoqda oo sanooyinkan dambe soo badanayay waxay dhaawac u geysteen qorshaha dhow iyo kan fog ayagoo wiiqay barnaamijyada heer qaran iyo heer caalami oo loogu tala galay horumarinta wax soo saarka beeraha. Kororka iyo taranka dadka waxay la yimaadeen in dad badani u jeestaan dhul beerashada si ay nolol wacan u gaaraan. Dhibaatada Soomaaliya ugu weyni waxay tahay dhulka daaqsinka oo sii taak dareynaya, culeyska xoolo daajinta oo dhulka ku sii badanaysa iyo xaalufka ku yimid dhirta waxaana muuqanaysa isbedel dhulku ku sii socdo inuu noqdo lama dagaan. Maanta waxa arkaysa dhul buuro bacaad ah ka sammeysay kasoon hore u jirin muddo ku siman 30 sano waxaana taa uga sii daray burburka tin iyo cirib saameeyay dalka guud ahaan. Marka dhulku hadduu lumiyo awoodiisa wax soo saar waa mashaqo heer qaran ah mana la goyn kara qiimi ahaan in dib loo soo nooleeyo ku dhaqashadiisa dambe. Daajinta xolaha oo sii kordheysa iyo geedaha oo la jaro ayadoo loo isticmaalayo dhuxul, shidaal iyo dhul beereed waxay tallaabooyinkaasi si kordhinayaan dabar go’a keynta. Naatiijadu waa dhulka oo qaawanaada, nabadguur, habaas iyo bacad. Haddii uu xaalku sidaan ku sii socdo waa musiibo qaran oo aan ka soo waaqsi lahayn. Meelo badan oo dhulka wax soo saarka ka mid ah waxaa ku nool duqsiga loo yaqaan TseTse Fly oo aan dadaal weyn loo gelin inta uu burburka dalka ka jiray. ABUURISTA HAY’ADDA AAN DAWLIGA AHAYN EE DAWRISTA DEEGAANKA SOOMAALIYA GREEN SOMALIA NGO Ayadoo ay xaladaas murugada iyo welwelka leh ay jirto ayaan waxaan ku aasaasay Magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden ururka Green Somalia NGO oo sida badan adduunyada kalimada GREEN oo macnaheedu yahay doog ama cagaar looga jeedo deegaanka u dooratay in lagu nisbeeyo ramaas dhulka ka soo baxay markuu roobku dhulka ku hooro. Waxaa kalimada GREEN ujeedkaas loo isticmaalayay muddo ka badan 40 sano waxaana maanta adduunka ka jira dhaqdhaqaaq heer caalami ah WORLD-WIDE GREEN MOVEMENT FOR THE CONSERVATION OF WORLD ENVIRONMENT bacdamaa dhaawaca soo gaara deegaanka loo arkay inuusan soohdin wadan u gaar ah lahayn oo wixii waxyeelo deegaan ee dal ka dhaca oo saameyn heer caalami ah lahaan karo ayaa waxaa la dareemay in caalamku iska kaashado dhowrista deegaanka aadanuhu ku nool yahay. Fiiri arrinta cimilada adduunka oo sii kululaanaysa ‘Global warming” oo loo arkay dhibaato ku soo fool yeelatay kownkan aadunuhu ku wada nool yahay iyo qoraalada (Protocols) laga soo saaray arrinta ee shirarkii Kyoda, Copenhagen, Durban iyo Rio-20. DAREENKEYGA SHAQSI EE XAGGA ILAALINTA DEEGAANKA Waxaan abaabulkeeda galay sidii aan abuuri lahaa Hay’ad ilaalisa deegaanka dalkayga hooyo. Anigoo hore ugu dhuun daloolay arrimaha deegaanka Soomaalida ilaa bilowga 80deetameeyada kolkaas oo aan ahaa La-Taliyaha Warbaahinta Safaaradda Soomaalia ee Nairobi isla markaana bicsada Somalia uga wakiil ahaa Hay’daha UNEP iyo UN-HABITAT. Sannadkii 2009, waxaan qayb ka noqday Koox Soomaali ah oo ka kala socday maamulada TFGda, Puntland iyo Somaliland oo loo soo xulay inay Qaramada Midoobay kala tacamuulaan arrimaha burcad-badeedka. Waxaa shirar dhowr ah lagu qabtay magaalooyinka Kampala iyo Djibouti ayadoo laga hadlayo sidii la isaga kaashan lahaa qatarta burcad badeedka. Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya UNOPS ayaa kulamadaas horseedeyay waxaana ka qayb galayay Soomaalida ka sokow, khubaro ka tirsan laamaha Qaramada Midoobay sida kuwa arrimaha sharciyada qaabilsan, Badaha, FAO ayadoo ay shirararkaasi ahayeen oo keli ah oo kuwo farsamo oo aan haba yaraatee shaqo ku lahayn siyaaso bacdamaa qaybaha qaar Soomaalida ay xasaasiyo ka qabeen in kulanka la siyaasadeeyo ama u ekaado mid la siyaasadeeyay. Si Soomaalidu uga qayb qaadato la dagaalanka arrinta burcad badeedka waxaa timid baahida loo qabo in la dhiso ciidanka ilaalada xeebaha, kuwo sharciyada hirgeliyo (Law-enforcement Agencies) iyo Garsooorka. Waxaan Qaramada Midoobay aan hor dhignay qoraalo tifaftiran oo tilmaamaya sidii wax looga qaban lahaa baahida arrimaha kor ku xusan ka jira anagoo codsannay in dhaqaale mashaariicdaas lagu fuliyo si degdeg Qaramada Midoobay u bixiso. Waxaan dejinay shax lagu abuurayo hay’adihii hawlahaas fulin lahaa ee seddexda qaybood. Waxaase nasiib darro noqotay Qaramada Midoobay aaney fulin baahida aan soo tilmaamnay si aan, Soomaali ahaan, si ficil ah uga qayb galno la dagaallanka burcad badeedka. Inta shirkaasu socdeen waxaa mar walba la cambaareeya falalka afduubka ee burcadu u geysteen maraakiibta badda isaga gooshta. Waa ficilo istaahila in la cambaareeyo waxaase indhaha aan laga qabsan karin in iyana la cambaareeyo haraaga nuklearka iyo sunta qashinka warshadaha reer galbeedka ee lagu shubayo badda Soomaaliya oo dhibaatooyin caafimaad iyo kuwo dhaqaale u geystay dalka, kallumeysiga xaraanta ah, tahriibka badaha, kontrobaanka, ka ganacsiga daroogada, dhaca loo geysanayo kheyraadka Somaaliya. Sunta badda lagu shubay waxaa ilaa hadda la il daran boqolaal Soomaali ah oo isugu jira caruur iyo wayeel ayadoo ay jiraan dad ilaa hadda u geeriyooday. Waxaa muddooninkan dambe la arkay ilmo dhashay oo malaasan oo aan lahayn meel ay ka nafisaan oo ee dhinaca saxarada iyo kaadida, burooyin nooca qatarta ah (malign tumor), xasaasiya, kor cuncun, xoolaha oo dhogorta gadoontay, dhaawac ku yimid dalaga beeraha, xanuuno soo noqnoqda sida shuban, dhiig ka qubta sanka iyo afka, qandho aan hore loo arag oo ilmaha si halis ah u asiibtay iyo dhicin (miscarriage). Ilaa hadda cid arrintaas wax ka qabatay ma jirto oo aan ka ahayn Hay’adda SomCare oo uu hoggaamiyo Cabdi Muse Maaxay. Muddooyinka aan shirarkaas ku jirnay oo aan ku soo qaaday dhowr jeer in arrintaas in wax laga qabto oo la cambaareeyo waxaa ii muuqanaysay in aaney jirin cid dan iyo heelo ka leh dhibaatada geesta kale soo gaaraysa ee ummadda Soomaaliyeed. Markii iigu darnayd waxaa lay weydiiyay inaan hayo markhaati cad kaddibna aan soo hor dhigay qoraalo badan oo arrintaas laga daabacay warbaahinta caalamka, kuwo ay nashireen Hay’adaha UNEP iyo tan caalamiga ah ee GREENPEACE. Waxaa lay siiyay jawaab ahayd waxaani waa xog warbaahinta loogu tala galay ee ma heysa markhaati cilmiyeysan “Scientific Proof” waxaana markaas miiska sarna qoraal UNEP iyo Hay’adda GREENPEACE ay uga markaati kacaan in la hayo caddeeyn in Soomaaliya lagu shubay sunta haraaga nuklearka oo weliba la arkay aafadaas dhibaatada dad iyo deegaanka badda iyo beriga ka soo gaartay. Sannadkii 2010 waxaan booqsho ku tegay Jaamacada (World Maritime University – WMU) oo ah laan hoos timaada Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Badaha (United Nations Martime Organization – IMO). Waxaan Jaamacadda kula kulmay Professorka lagu magacaabo Olof Linden oo Jaamacadda ka dhiga maadada Martime Enviornmental Management. Professorka waxaan kala hadlay dhibaatooyinka Soomaaliya ka heysta sunta haraaga nuklearka ee lagu shubay xeebaha Soomaliya iyo aafooyinka ka dhashay ee dhinaca dadka xeebaha ku dhaqan iyo nafleyda ku nool badda. Waxaan ka codsaday sidii loo ogaan lahaa xadiga inta uu la’eg shuucaca (radiation) ee nuklearka ee ka dhashay qashinka iyo inta uu gaarsiinan yahay milanka. Prof. Linden Olef wuxuu ii sheegay inuu hadda ka hor Somalia ku tegay booqasho isagoo marti ah dawladda Soomaaliya dabayaaqadiii 80yada ayadoo loogu yeeray inuu soo ogaado markab ku soo caariyay xeebta Muqdisho gaar ahaan meel u dhaxaysa hoobaal iyo Abuu Xuseenka ka soo horjeedka xaafadda Aw-Aweeska. Wuxuu ii sheegay inuu quusay badda soona ogaaday in markabka degay ay saarnayeen walxo kimikaal ah oo loo yaqaan “Lead” oo halis ku ah deegaanka badda iyo dadka intaba. Markabka ilaa muddo waxaa uu ka muuqan jiray meesha uu ku soo caariyay intuusan biyaha dhex quusin. Profesoorka waxaan u sheegay in xogtaas aaney dawladda shaacin oo dadku uusan maqlin qatartaas. Wuxuu si sahal ah iigu jawaabay dawladuhu sida badan waxaasoo kale ma shaaciyaan. Intii aan Profesorka is dhaafsanaynay xiriirka qoraalka wuxuu ii sheegay inuu Malmo xarunta Jaamacadda WMU uu ka dhici doono shir looga hadlayo arrimaha burcad-badeedain bisha Oktobar 17 ilaa 19 2011 wuxuuna u diray martiqaad xukuumada TFG iyo maamulada jira qaarkood isagoo aniga martiqaadka i soo marsiiyay. Professorku wuxuu ii sheegay in mawaadiicda looga hadlayo ku jiraan kuwo si dadban u hoos immanaya arrimaha burcad-badeedka oo uga badan xagga bani’aadmka. Qodobkaas, ayuu yiri, ayaan geli doona arrimaha sunta haraaga nukliyarka iyo qashinka lagu shubayo xeebaha Soomaaliya iyo aafooyinka ka dhashay iyo sidii caalamku ka yeeli lahaa. Waxaan la soo xiriiray Hay’adaha quseeya arrintaas ee TFG iyo maamulada kale si uga qayb galaan shirkaas isla markaana halkaa ka jeediyaan mawqifka Soomaaliya ee ku aadaan dhibtaas iyo sidii xal loogu heli lahaa. Laakinse taas ma suuroobin in shirkaas Soomalidu ay u soo dirsadaan ergo ka qayb gasho shirka sababo aan aniga fahmi waayay. Hadda ma rabo inaan halkan ku qoro waxyaabaha aan kala kulmay xukuumada iyo maamulada kale ee jira. Waxaan aad ula yaabay igana fajicisay in mugga dhibtaas intaas la’eg in kuwa sheeganaya inay masuul qaran yihiin inaysan xanuun iyo welwel toona kuba haynin. Asxaabo badan oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa igula taliyay in aan abuuro urur aan dawli ahayn ee ku aadan dhowrista deegaanka ayadoo ay ku sababayeen in arrimahan oo kale ay Hay’adahaas ay wax weyn ka qabtaan haddii ay noqon lahayd galaangal iyo doodis intaba. Ayadoo aan ka duulayo talooyinkaas ayaan waxaan magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden ku aasaasay Ururka ilaalada iyo dhowrista Deegaanka Soomaaliya bisha January 31st 2012 waxaana dalka laga diiwaan geliyay bishii July ee la soo dhaafay. Sidaan hore u sheegay bacdamaa ay dhibaatada deegaanka ku immanayso aaney xuduud lahayn, waxaan barnaamijka ururka ku jira in lagu baahiyo ururkan wadamada Scandivianka, Europe inteeda kale, Mareykan, wadamada Carabta, Aasiya iyo Qaaradaha Australia iyo Bariga Fog si qof kastoo oo Soomaali ah uu qayb uga noqdo u ololeynta iyo samatabixinta deegaanka Soomaaliya si dadka Soomaaliyed iyo nafleyda kale ee ay manafaacdsaaan oo wada jir ugu noolaado bii’a ka bad qabta dhalanrogga – oo halakeeya aasaaska nolosha. Waxaan xiriir la sameeyay Prof. Luperson Karen oo macalimad ka ah Las Palmas University oo ku taal jasiirada Gran Canary waxayna ii muujisay inay diyaar u tahay inay Soomaalida wax kala qabato arintaas. Prof. Karen waxay la shaqaysa Hay’adda Afrika u qaabilsan badbaadada iyo amaanka Badda (African Maritime Safety and Security Agency – AMSSA). Sidoo kale waxaan xiriir la sameeyay Hay’adda UNEP ee Qaramaa Midoobay u qaabilsan dhowrista deegaanka, Hay’adda GREENPEACE iyo ashqaas Soomaali iyo ajnabi isugu jira. Waxay dhamaan muujiyeen inay arrintaas wax ka qaban doonaan. Dal walba dadkiis ayaa ka difaaca wax kastoo dhibaato u keenaya. Waxaan qiyaasi karaa in dad badan oo kasmadoodu xadidan tahay inay qabi karaan, Soomaaliya maxaa deegaan laga dhowra dadka ayaaba la gumaadaya. Waxaan rabaa in fekerkaas noocaas ah aan u cadeeyo inaan sinaba loo kala furi karin deegaanka iyo nolosha dadka waana wax isku xiran oo mid walba mid kale kaabaya si anfaca loo aayo looga helo inta uunku ku nool yahay dunida guudkeeda. Dhulka oomaanaha u soocan ee Gobolada Dhexe ee Soomaaliya waxaa jirtay inuu beri dhulkaasu ahaa dhul keyn ah oo hoy u ah dhir kala nooc ah leh iyo noolaha waxaase xaalufiyay oo qaawiyaya ficilka aadanaha ku nool gobolka iyo daajinta xoolaha. Waxaa gabaabsiga noqda kaabayaasha nolosha oo dhan ayadoo dhulka daaqsinka abaarsado iyo biyuhuna yaraadaan waxaana xaladaasi marka ay dhacaan xoolaha lala doona meel baad iyo biyo leh ayadoo meelo badan looga soo hayaamo si calaf iyo biyo xoolaha loogu helo. Halkaas waxaa sida badan ka dhaca dagaalo lagu diririyo kheyraadka oo yar iyo baahida oo badan, Waxaa Qorey Cabduqaadir Maxamuud Walaayo E-Mail walaayo@yahoo Saxafi Somali Guddoomiyaha Hay’adda Dhowrista Deegaanka Soomaaliya GREEN SOMALIA (GS) NGO Faafin: SomaliTalk // Halkudheg: Walaayo ________ . mahadsanidin
Posted on: Tue, 03 Sep 2013 15:03:01 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015