Hooyo xikmad badan oo jecel in ay caruurteeda wanaag iyo tarbiyad - TopicsExpress



          

Hooyo xikmad badan oo jecel in ay caruurteeda wanaag iyo tarbiyad ku koriso ayaa waxa ay la kulantay arin aad u yaab badan, kadib markii ay aragtay wiilkeeda 00 17 jir ah kaasoo daawanaya muuqaalada xaaraamta ah ee galmada. Hooyadaan oo si kedis ah kusoo istaagtay daaqada qolka uu ku jiray wiilkeedu ayaa aragtay isagoo Computer-ka ku dul fadhiya, ayna u shidan tahay muuqaal galmo ah. Hooyadani aad bey u naxday, waxa ayna maskaxdeedu durbadiiba sawiray in ay canaanato wiilkeeda isla markaana ku qeyliso, balse hadana dib ayey u fikirtay waxa ayna maskaxdeeda u sheegtay in ay wiilka aabihiis ku dacweyso si uu u edbiyo. Walaac iyo wel wel badan kadib hooyadani waxa ay gabi ahaanba go’aansatay inay xaalada dejiso oo aysan cidna u sheegin, balse ay raadiso waqti munaasib ah oo ay wiilkeeda si gooni ah ula hadasho. Habeenkii ayey sidaas ku jiifatay ayadoo welwelsan balse sheydaanka iska naareysa, subaxdii ayeyse aragtay wiilkeeda oo isu diyaariyay in uu aado School-ka. Nasiib wanaag fursad ayey ku heshay maadaama ay labadooda oo qura ahaayeen, waxa ayna bilowday in ay si sarbeeb ah wax u dareensiiso, hooyadaan xikmada badan ayaana hadalkeeda iyo waanadeeda ku bilowday sidan. Wiilkeygi, bal ka waran hadii aad aragto qof gaajeysan oo waddo cidlo ah taagan, meel uu wax ka cunana garaneynin. WiilWaan caawin lahaa hooyo si uu helo meel uu wax ka iibsado ama ka cunteeyo. #Hooyo: Ka waran hadii uusan heysan qarash uu wax ku cuno ama ku iibsado? #Wiil: Hadii aan markaas awoodo waan caawin lahaa oo waxaan siin lahaa qarash uu baahida uga baxo. #Hooyo: Hadii uu qofkaasi yahay qof aan waxba heysan, hadane isticmaalaya daawooyin iyo wax yaabo amateedkiisa (cunta qaadashadiisa) furaya ka waran..? Wiil: Hooyo kaasi waa qof waalan, ma ahan qof caadi ah oo dantiisa yaqaana, maxaa yeelay qof aan cunta heli karin siduu amateedkiisa u furi karaa..? Hooyadiiayaa qosol la dhacday waxa ayna tiri: Wiilkeygi ma ogtahay hadii uu qofkaasi waalan yahay, adiguna inaad waalan tahay sidiisa oo kale..? Wiilkii ayaa xoogaa dareemay in arintiisa la fahmay waxa uuna yiri: oo sideen u waalanahay hooyo, kuma fahmin, maxaad ula jeedaa.? Hooyo: Wiilkeygi waxaad tahay qof baahan, oo aan heysan wax uu wax ku cuno, hadana isticmaalaya dawooyinkii iyo wadooyinkii uu amateedkiisu ku furmi lahaa, maxaa yeelay hadii aad daawato muuqaalo kuu horseedi kara in shah wadaada dumarka ay kacdo, waxaad doonatay dawooyin baahi kuu keeni kara, adigoon wax aad cunto heysan. Hooyadii ayaa sii raacisay hadalkeeda: Ogoow wiilkeygi ninkaan aan cuntada heysan ee baahida raadsaday, waxa uu helayaa baahi kusii badata oo qura, balse adigu waxaad raadsatay baahi kugu badata iyo cadaab aakhiro oo halis badan. Wiil: Xoogaa wuu xishooday, wajiga ayuuna hoos u raariciyay, waxa uuna yiri: Hooyo waa runtaa, waan waalanahay, waana qaldamay, lakin uma noqonayo, bis ayey iga tahay. Hooyadiiayaana sidaas ugu duceysay wiilkeeda, hadaladeeda deggan ee xikmada leh ayaana sabab u noqday in uusan wiilkaasi markale ku laabanin faaxishadaas u horseedi laheyd cadaab iyo halaag Dear Mum ifka hibo ku Nooloow aaqiraNa janada alle hakaa abaaL mariyo> > > > Mcc jaceeloow Official
Posted on: Mon, 21 Oct 2013 20:38:38 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015