Hordhaca UCL Group F: Maxaa Kala Heysta Caawa Arsenal Iyo Napoli? - TopicsExpress



          

Hordhaca UCL Group F: Maxaa Kala Heysta Caawa Arsenal Iyo Napoli? Dortmund-se Maka Aarsan Doontaa Marseille. Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti Taariikh: 01-October-2013 uefa_champions_league_2013_2014_group_f_by_jafarjeef-d6kajtn Kooxda hogaanka u heysa Premier League Arsenal ayaa caawa wajaheysa kooxda la celin la’ yahay ee kaalinta labaad uga jirta Serie A ee Napoli, iyadoo kulankaan uu yahay kan ugu adag kulamada caawa dhacaya Champions League. Arsenal iyo Napoli ayaa Group F ku bilowday guulo iyadoo Gunners ay ka talaabsatay Marseille halka Napoli ay dardartay kooxda xilli ciyaareedkii hore final ka gaartay koobkaan ee Borussia Dortmund. Arsenal waxaa u soo laabtay Tomas Rosicky sida uu xaqiijiyay tababare Arsene Wenger, laakiinse waxaa weli dhaawac kaga maqan Theo Walcott , Santi Cazorla, Yaya Sanogo, Lukas Podolski, Alex-Oxlade-Chamberlain iyo Abou Diaby. Tababare Rafa Benitez ayaa heysta isaga koox buuxda uu ku wajaho Gunners kulanka caawa ka dhacaya Emirates Stadium marka laga reebo Maggio, iyadoo Napoli ay ku jirto qaab ciyaareed aad u fiican inkastoo lagu dhegay kulankeedii ugu danbeeyay ee horyaalka Serie A. Sidoo kale kulankaan waxaa iska horimaanaya saaxiibo hore, iyadoo Mesut Ozil uu wajahayo asxaabtiisii hore ee Real Madrid Gonzalo Higuain, Callejon iyo Albiol. Kulanka kale ee xiisaha leh ee Group F waxa uu dhexmari doonaa kooxaha Borussia Dortmund iyo Marseille, iyadoo kooxda finalka ka gaartay Champions League xilli ciyaareedkii hore ay dooneyso inay wadada guusha ku soo laabato ka dib guuldaradii ka soo wajahday Napoli. Dortmund ayaana dooneysa inay ka aarsato kooxda Faransiiska ah ee Marseille kuwaasoo labada lugba ka badiyay kooxda Jarmalka markii ay isku arkeen koobkaan xilli ciyaareedkii 2011-12. Ciyaartaan oo ka dhici doonta Signal Iduna Park ayaa waxaa Dortmund ka maqnaan doona macalinkooda Jurgen Klopp kaasoo ganaax ku maqan ka dib markii casaan la siiyay kulankii Napoli. Waxaa sidoo kale ganaax uga maqan goolhaye Roman Weidenfeller, kaasoo isna casaan qaatay kulankii guuldarada ay ka soo gaartay Napoli, iyadoo ay dhaawaco uga maqan yihiin Kehl, Ilkay Gundogan iyo Lukasz Piszczek. Marsielle ayaa iyadana waxaa shaki uga jiraa inay ciyaaraan Andre-Pierre Gignac iyo Jeremy Morel. Halkaan Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ciyaaraha Laacib.net: laacib.net/2013/10/01/hordhaca-ucl-group-f-maxaa-kala-heysta-caawa-arsenal-iyo-napoli-dortmund-se-maka-aarsan-doontaa-marseille/ | Laacib.net
Posted on: Tue, 01 Oct 2013 11:25:56 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015