Kala shaki ka dhex Qarxay mar kale madaxda Al Shabaab & - TopicsExpress



          

Kala shaki ka dhex Qarxay mar kale madaxda Al Shabaab & Mareeykanka oo la hagayay(Akhri Magaca Ninka bad baaday) !! Shaki aad u balaaran ayaa mar kale ka dhex aloosmay madaxda hogaamisa Xarakada Al Shabaab ka dib markii la ogaaday in qaar ka tirsan madaxda kooxdaasi ay si hoose ula shaqeeyaan ciidamada Kumaandooska Mareeykanka. Ciidamada Kumaandooska dalka mareeykanka ee Navy SEALS ayaa waxaa la ogaaday ugu yaraan in la hagayay oo ay si toos ah u weerareen guri ku yaala magaalada Baraawe oo uu seexan jiray habeenadii ugu dambeeyay nin u dhashay dalka Yeman oo magaciisa lagu sheegay Abu Luqmaan. Ninkaan oo la rumeeysan yahay inuu dhawaan ka yimid ama ka soo guuray magaalada Jilib ayaa waxaa loo heestaa in uu ka dambeeyay ama ku lug lahaa Markab Mareeykanka leeyahay oo lagu weeraray dalka Yemen 12-kii bishii Oktoobar sanadkii 2000. Abu Luqmaan ayaa xiligii la weeraray gurigiisa waxaa la xaqiijiyay inuu meel kale soo seexday balse shakiga ugu weyn ayaa waxa uu ka dhex qarxay madaxda ugu sareeysa ururka Al Shabaab maadaama guriga Mareeykanka uu weeraray uu ahaa goob sax ah oo uu seexan jiray inta badan Abu Luqmaan . Dagaalyahanadii waardiyeen jiray Abu Luqmaan ayaa tiro ahaan ahaa kaliyah 3 nin waxaana xiligii gurigiisa la weeraray la maqnaa isaga 2 Askari halka kii sadeexaadna lagu toogtay guriga saxda ah ee Abu Luqmaan. Ninkaan oo inta badan lagu qaado gawaari Muraayado madoow si aanan loo arag waxaa sidoo kale lagu da´daalay in aanan la daba dhigin ciidamo fara badan si aanan hawada sare lagala socon in nin muhiim ah la waardiyeenayo. Ciidamada Mareeykanka iyo kuwa ajaanibta ah ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya ayaa inta badan waxa ay ugaarsadaan rag ka tirsan ururka Al Qaacida oo dalalkooda dambiyo halis ah ka soo galay kuwaas oo magan u noqday ururka Al Shabaab.
Posted on: Sun, 06 Oct 2013 18:01:05 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015