Kayd.org Home About Kayd Artists Profiles Kayd on the news Mooge - TopicsExpress



          

Kayd.org Home About Kayd Artists Profiles Kayd on the news Mooge Festival Somali Week Festival How Can I Contribute? Sitemap Contact Us Gudgude – Hadraawi Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”. Gudgude Gedgedoonka maankiyo qalbiga, gocasho soo boodka, Xaajada garlayliga jartiyo, Gun u saluugayga Gibladiyo mashxaraddayda iyo, farax la goohayga Gandoodkayga taahayga iyo, goobo xaradhkayga Gurmadkiyo haloosiga taxmiyo, guluf alooskayga Gama’li’ida reenkayga iyo, jiif galgaladkayga Goobyaalka caga-jiidka iyo, Meel-ka-gabargaalka Gucla orodka seeraarka iyo, geyllan dirirkayga Haddaan geestan eegana cabsida, gaarkay igu raaran Gabranaanta qoollaalligiyo, mala gorfayntayda Gadoobnaanta yeelkayga iyo, kala gantoobnaanta Garab lida soodhkayga iyo, gooninnimadayda Goofkiyo xabaalaha shixnadan, godadka buuxbuuxa Cagta go’an lugaa iyo gacmaha, gabawar duugoobey Naafada garbaha kaashatee, sumucu gaagaabshey Geerida shinkeed dhaaftay iyo, Guri dambayskayga Goodaadsigaygiyo hiyiga, garar tallawgiisa Kol haddaan wadnuhu kuu garrayn, geydha kugu yeedhye Garasow anaa kula hadlee, gacalkayow heedhe Nafta gororaheediyo haddii, galowda lays taabto Geesteyda waafule ninkii, goob ka saahidaye Guddoon dhacayna waa doqon ninkii, gaar u faashadaye Guri ba’ayna waa cadow ninkii, raarta sii guraye Gobannimana waa quus ninkii, gawska dhaafsadaye. Ummad geeska loo tumay habeen, gocasho soo jeeddo Haddii aan tashiga loo golayn, amase gaashaanka Fallaadhiyo gabooyaha haddaan, godobta loo taaban Iyadoo gadoodiya hadday, fadal garmaammayso Hadba nabar gataatiya hadday, gebi dhac tuuryayso Galladdeeda oo dhow hadday, gaadhi kari weydo Inta gudashadeed tahay hadday, geysan kari weydo Iyadoon garaysnayn haddii, gacantu ay daasho, Gamaarshaa ku dhaca amase way, gabax tidhaahdaaye Gabbashay liqdaa amase way, gamashi luuddaaye Way kala guddaa amase way, kala go’doontaaye Ways gawdhisaa amase way, feedha gurantaaye Guushay nacdaa amase way, gubasho oydaaye. Inkastoo guddoonkii burburay, loo gudcura joogey Inkastoo go’aankii dulliga, geesinnimo diiddey Inkastoo giyigu waa xormee, gaadhka lagu meershe Inkastuu gaggaabkii cuslaa, garangar duul duulay Xaajada god-raaca leh haddii, loo gabbala eego Sida ay u kala geysan tahay, way gun dheertahaye Kol haddaan garaad lagala hadhin, galabba sheeggeeda Inta maanku gaajeysan-yahay, guuli waa weliye. Gashigayga way dhaqanyihiin, gaasaskii qabaye Weli gaaf dugsoon bay hurdaan, ganacya weyntiiye Dibjirkii gidaarrada hurdaa, laysu soo guraye Gebegebe rag lagu keenay baa, layga gadayaaye Erey gara haddii loola tago, godol ma waayeene Gargaarkoodu wuu dhimi lahaa, guul-darrada taalle Lafa gerina wayjebin lahayd, maalin gudeheede Gobanimana way dhalin lahayd, loo gudboonyahaye Gacalnimana way hubin lahayd , aan la goyn karine. Weli gumucu meel baydhsan buu, gawda ku hayaaye Gariirkaad maqlaysaan ka dhow, goobahaan rabaye Gadhqaadkeedu waa leexsanyahay, waana gudayaaye Garar loo maleeguu ku ridey, guura socodkiiye Guudkeedu waa wada fin iyo, gaatir iyo booge Hadday gooli-baadh tahay, waxaa gabay raggeediiye Guyaal iyo guyaal bay rarteen , gocorro shaydaane Iyadoon goblamin baa haddana , geelo loo hadhaye Gol-dalooladeedaa ka badan, galalka ciideede Gelin looma wada sheegi karo, xaajo geda weyne Gawdiidka iyo quusta waa, lagu gumoobaaye Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane Gabgabteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye Geeddiga cagaa daaliyaa , lagu geyoodaaye Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan habaqlaaye Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye Gargaraaciddeediyo ha deyn, geed ka didinteeda Garashadu hadday ruux la tahay , suu u garanaayo Garaadkiisu suu qabo haddii, loola garan waayo Gardarruu u qaataa ninkii , yidhi garaadkiise Xaajadu markay gobo’da iyo , gawda culus joogto Keligii nin gaashaantay wuu, gola ka fuulaaye Gadaashiisa uun baa durbaan, laga garaacaaye Labadiisa geesood ma jiro , ruux ku gelayaaye Arrin lalama guulee warkuu , gura yidhaahdaqye Dadka wuxu u gacan haadiyaa, qof iyo gaarkiise Gendi iyo dhukaan buu qabaa, cudurro guumeede Gogol wuu ku shaashoonayaa, loo gudboonyahaye Sida goray fallaagoobey buu, Gooni joogyahaye Kol hadduu nin mawd lagu gudbadey, tiisa uga guuro Xil uun buu guddoontaye ka baydh, gudashadiisiiye, Ka galgaley habaar-qabe halkuu, gool ku cuno weyne Nin hadduu tashiga guuto faran, keli ganaanaysto Gaaraayucuuntiyo shinnida, gurucya dhaadheerta Giiryaalayaashiyo fulaa, laguma guuraanka Gumarta iyo maajeenta iyo, geed-xunkiyo tuugga Gungunnaafka iyo maarta iyo, gocorka aan quudhin Kun ninoo guraangura hadduu, goob isugu keeno Guufkiyo haddii hooda iyo, giniga loo qaybsho Dadka kale intii gudan haddii, gararka loo jiido, Ninka gaaban meel dhow haddii, looga geda-sheegto Guubaabadeedii haddii, loogu godadleeyo Hadallada galoofta ah haddii, loogu mala gaaxsho Guryo-noqoshadeedii haddii, lagu gawaan-raacsho Gabbal daye sidiisii hadday, laba gar-daymooto Shimbiraha gabraartiyo hadday, galow wax weydiiso Kol hadday galaydh soo kallahay, laabta uga guuxdo Garba-raar cadhaysani hadduu, gooyo taladeeda Guulkeedu dheeraa sidii, geenyadii Bixine Weligeed fal baa loo guntaa, lagu guhaamaaye Mar uun bay gadooddaa siday, gees lo’aad tahaye Galab xiisaheedaa wakhtigu, kaga gaboobaaye Ninuun baa ku guuree iyada, geeddi waw weliye Marka wiil ku guro Naarta iyo, godadka Yaahuuda Ayay kii Jannada geyn lahaa, dayasho goobtaaye Marka uu galaa buu iyaga, guba yidhaahdaaye Markay raar guraysaba nin bay, gudub tidhaahdaaye Gabno ugubi way quusisaa, gaawe Cumarowe Garab-daar ninkii lagu bokhraa, geedad sare waabye Gar-ma-qaatayaashiyo dadkaa beera, ruux gudhane Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo Markuu dhaawac geystaba haddii, loo gargarateeyo Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol-xaadho Keligii inuu guurti yahay, maalintaa gunudye Marka uu gadaan iyo gadaan, Gacan-togaaleeyo Ayuun buu waxaan ganac lahayn, sii gorgoriyaaye Seetada nin goostaba, wuxuu gesto lala yaabye, Mar hadduu tallaabada gurguro, gaatan iyo booddo Dhaaxaa gadaal laysla tebey, wiil galbaday jeere. Toojaba waxaa lagu godlaa, say u gaar tahaye Gurranidu mar waa dhalasho iyo, gacanba qaabkeede Marna waa calool garac siddiyo, xaal ku soo gala’e Kol haddaanay maankaaga gadin, talana kaa geynin Gurracnaanta qiil lagu saxoo, loo gudbaa jira’e Gudboonaantu way daalisaa, ruuxa meel gurane Nin hadduu go’aankiyo sharciga, gawrac ugu jiido Hadba goondhabaaliyo hadduu, Gooddi-furan keeno Gacalnimo hal loo yidhi hadduu, gubasho sii beero Guudaan haddii uu ku liqo, ereyga geedeysan Runta wuxu u guul-guulayaa, way gun-dheer tahaye Goldaloolo qudha maaha iyo, goonnidaa taliye Gedaan loo filayn baa jirtiyo, Geel-la-daaq kale’e Hadba geed-is-maris baa u hadha, guul dad leeyahaye Miyaan Geeddi-Baabbow arladu, gelina waayeynin. Gole miiggan, geed sheegan iyo, garangar muunaysan, Gudban iyo cod laba geesa iyo, guurti kala soorta, Garnaqsiga mudducigoo tashiga, gooni uga showrey, Geda labe maddaacaley hadloo, dhaabad Wan geystey, kala gurasho meertiyo rogaal, la isla guur guurey, Maahmaaho wada guuna iyo, gabayo raac raacay, Guddoon dhacay hubaal iyo go’aan , layku gacan qaaday, shan god oo murtidu leedihiyo, gororka suugaanta, Gedda hadalka loo ruga geshiyo, marin gobaadeed dheh. Gobannimadu waa libin ku taxan, geeddi nololeede Waa gumaro aadmigu hantiyo, guusha ugu weyne Guddoonkeedu waa faral siyaal, loo gafaa firine Geduun buu ka leeyahay khalqigu, maalintuu gado’e marka uu gabaabsiyo xilliga, laga gu’weynaadey Ayuun baa ninkii gudan karaa , dhan ugu guuraaye Qabyadeedu waa guun intay, gaadho weligeede Galab noolba ooddeedu waa , gudinta loo hay-ye Nin gufeeya mooyiye ma jirin, ruux gunaanadaye Gelbiskeeda oo qudha hadduu, tacabku kuu gooyo Adigoo gadaashaday hadday , guure kugu dhaafto Gommodkiyo yaboohdeedu way, goora badataaye Haddii aan gantada loo adkayn, amase gaafaanta Guddo iyo waxay yeelataa, gulufo shaydaane Gaadaa dhexdeedaba ka kaca, maalin gelinkeede Gacmaa lagu xejaa amase way, galab dhaqaaqdaqye Waa lagu gam’aa amase way, geeri badisaaye Gob baa lagu noqdaa amase waa, lagu gumoobaaye. Garan maayo maalmaha intuu, soor gad leeyahaye Mar hadduu gidaad bahal qabaa, gaajo kula ciiro Gujo-dhaadhigeediyo hadduu, taabo gorofkeeda Waxba kama go’aan ruux ku shubay, xeedho gudaheede Hadduu gaar u maamulo qof, waa geel nin leeyahaye Inkastoo gantaal iyo wed iyo, gawrac lagu hooyo Meel loo gun-raaciyo haddaan, gogol dhig loo yeelin Mar haddaan garaad loo lahayn, wayska gubataaye Geedkeed ba’waa sixir haddaan, garasho hilayne Hadduu gaws dhurwaa ruugi karo, waa lafguri taalle. Gunti-furey nin caashaqay haddii, guudka loo sudho’e Galacdeeda uun baa indhuhu, golongol eegaane Giniis iyo hadday kala dhaxlaan, Gaar-la-ababkiisu Waa maro gargaranoo adhyaha, lagu gabraartaaye Mar hadduu waraabuhu gashado, Giiro waa halise Iyadoo gashaantiya sidii, Loola gogol dhaafay Guurkeedu tuuguu ahaa, Gaabsi iyo beene Iyadoo garoobiyo markay, Guudka fidhanaysay Inanuu gumaystuhu dhalaa, Gaadhka ka ahaaye Gaboowgeeda way doonantahay, gedaha waayeele marka ay geyaan sheelataa, garacu yeeshaaye Hadba wiil is gaalaynayaa, loo gu’tiriyaaye Nin dharaar wuxuun laga guntay, guushu jamataaye Gobannimadu ruux kuma xidhniyo, Giib ninkii dilaye Agaabaynta maalmaha gudbiyo, galaha taariikhda Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade Ganba-xoorka waayaha haddii, laysu minan guursho Dad uun baa ma guurtada lahaa , goobihii baxaye. Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede Nin uun baa guddoonsha’e xil waa, laysu gororshaaye Galladduna waxay saaran tahay , wax isu geygeyne Inkastuu wax galo ama wax gudo , ama wax weyn gooyo Inkastuu galool mudhay ka yahay, dhiraha gaagaaban Hadduu geel abuuriyo hadduu, gaas cartama beero Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye Noloshana galgalaheeda iyo, gebi ahaanteeda Waxaan geesi karin baa jiroon, gaar ninawfaline, Xaajaba gan baa loo unkaa, talaba waa goore Ummadyahay tiraa kaa gedmane , wax isu geygeyso Ninkii aad garaaddiyo shaxshaxo, saartay garabkiisa Kol hadduu dharaar goonya kulul, kaa gelgelin doontay Waxaad galabsatuun baa jiree, gaado kale yeelo Ninkii aan gondaha kaala dhayin, gololo hawsheeda Gardaadkaaga yuu baran inaan, taada lagu gaadhin Hadday gibili kaa saarantahay, gocomo hooseeya Waxaan geedna kaa qarin indhuhu, yay ka gabargaalin Hadba soo gadaal eeg ninkaad, gadato hiilkiisa Gol dalooladaaduu nin ogi, galagalaystaaye Aduun bayse kaa go’an yihiin, maalmahays guraye Godan baa la yeeshaa xadhkaha, haysku wada giijin Geyigiisa wiilkaan ahayn, gibilka mooyaane Gun-dhigiisu meel kaa fog buu, geed ku leeyahaye Si aad uga go’daba ruux ku neceb, gaarar kala yeesha Guushaada waa lala jiraa, gees ha ka ahaannin Godobtaada meelee intaan, gacantu kaa boobin Gacalnimada noolee intaan, gocasho kaa oodin Guddoonkaaga reeree markay, kula gudboonaato Gamaaddaada muunee haddaad, geeri huri weydo Guntashana xusuusnow waxaad, godolba soo joogtey Gurgurshaana haw raran nimaan, gudasho kuu doorin Garashana ogsoonow inay, xaaja badan goyso geeraarku waa sude hadduu, kuu ged-bixi-waayo Adba goor is weydii intuu, gabaygu kaa dhaafo. Cir gadoodey, dirir gaamur da’ay, galayax waalaystay, Onkodkoo gariirkii ka baxay , galowgu yaab yaabay, Guulaamo sawsaba kortiyo , dhibic garaaraysay, Guluuluco mareegeysey iyo, gabadhle miish-miishtay, Fad godladey, mahiigaan dhex galay, mayay ku soo gaadhey, Waqal gaaftey jarar soo gabradey , gebiyo soo ciiray, Gibil bururtay, gale foos burburay , galangal leexastay, Gurdan baxay, xareed-gala1-jabtiyo, godanno midaystay, Dadka oo intuu nabad gogladey, godob la’aan toosay, Qorraxdoo garayskiyo martii , gees isaga xoortay, Dayaxoo intuu gaadh ka degey, gacalo muunsooday, Tigaaddoo ganbada uunsatoo, shidatay geed-saaqa, Marka geela laantiisa dheer, gabantu soo reebto, Guryahoo haleelada sidkani,, gaabis ka fooftay Marka gorarka naasaha fatahay , goba’da deyn weydo Galabuu kulaylkii ka jabay, gubayey jeedaalka, Qorraxdoo gollaha kuulatood, gaari wacan mooddo, Gaaraabidhaankiyo markay, taranto goobaantu, Caweys ay gabdhuhu boodayaan, golaha saarreyda, Dayaxoo galshada meersadood, geesi ba’an mooddo, Xilligay gammaankiyo ifaan , quruxda gaarreydu, Dhulka oo galaaluhu simeen, gun iyo baarkiisa, Cosobkoo golxada fooraroo, laba gardhaalaystay, Qorraxdoo gelgelimaysatoo , goroddu laallaaddo, dayaxoo goyaal wada cas iyo, shaal galgala qaatay, gu’xasilay, gudgudayaal habsadey , adhaxda Gaaroodi, Marka awrku goojada ka simo, Gaasa-baya dhaartay Qorraxoo guduud lagu bokhroo, meel garba ah saaran Dayaxoo intuu garab la baxay, gooddi uga muuqda, Gararkiyo taraaraha madow, Kala geddoonkooda, Gabbal ururay, waa soo gurguray, labada worood dheh. Ged ninkii ogaadaba shillale, guuto loo wacaye Inta aan gar- waaqsaday intaan, garasho diidaayo Inta laygu gaad gaadayaa, iiga geed ba’ane Cishaday gabnowdiyo intay, gelinba heerjoogtey Girif-giriftu way igu badnayd, gu’iyo jiilaale Inaan gaabsho mooyiye cishana, tayda maan gabine Galka seefta kuma haysan jirin, maalin gulufeede Misna geeladay, gocoraday, iiga gaws kulule Goonbaartu eelkay dhigtaba, gaari baw xidhane Godobteedu waxay saarantahay, meelo aan geyine God markaan daboolaba far baa, laygu godayaaye Nin gefaaba lay tirinayaa, garasho waa yaabe Waxan ahay nin lagu saan gatoon, raadba soo geline Garraantayda qaar iyo, lag iyo, gaasas baa necebe Gabbashayda duul iyo badh iyo, goosan baan rabine Haddaan gaasho yeeshana dar bay, gawl la leedahaye Hadba waxaan ku guul seegayaa, lama garaystaane Garba-duub waxaan ugu xidhnahay, maan gurracaneede Inaan geenyo buubsaday haddii, guuxu welijoogo Gadaal baaba lay eegayaa, gool tirsaa jira’e. Ummadyahay dib uma guuri karo , gooshkan maanta ahe Gosha hooyo waa laga koraa, goodir kay tahaye Gashi baxana waa lagu dayaa, geed ka hadalkiiye Hadday gudubto yeedhaydu waa , sheeko ii gadane. Geyigaygu waa kow intuu, waajib ii galo’e Dhulka kale intaan gaadhi karo, waw gol leeyahaye Adduunyada go’doon kagamajiro, garangar loo yaalle Garaadkaygu waa dhaafsan yahay , xaajo goboleede Dareenkaygu gooddiga sibuu , ii gilgilayaaye Guhaad iyo canaan buu hiyigu, ii gab-leeyahaye Inta garasho ii meel la’dahay , tayda maan gudane Hadba waxan galiilyoonayaa, goobo lay tebaye Asaaggay wuxuu galo ayaan , anigu gooyaaye Anigiyo kuwii lagu goblamay, waa gudboonnahaye Qayrkay intuu guul suntaday, gooni iifarane Nin kastoo ganbadu saarantahay, dunida guudkeeda Gurmadkayga waw baahanyahay, ruux la gaasiraye Taydana ninkii igu guntadey, waw gar leeyahaye Marba gooha dhiillada halkii, igu galoollaata Karaankayga waan geyn intaan, geeri moogahay Waxa ina rag ii guulayaa , tiisa gaarka ahe Anna waxaan go’aansaday inaan, lay gaboodfaline. Garawshiiyo jeeraan ka helo, gaanka dunidayda Jeeraan galaa baxo arlada, gooddi iyo gooddi Jeeraan gufaacada ku tago, meelo geriyaada Gaaliyo Islaamkaba ilaa, taydu wada gaadho Barigiyo Galbeedkaba ilaa, laygu gacan qaado Gurey iyo Islow iyo Hurrow, gabaygu waa beene Godadleysan maayee tashiga, waan guddoonsadaye Waxba yaan indhaha laygu gubin, gaabsi ma aqaanne. Gudcur laga tallaabsaday ilays, baadi lagu goobtay, Gamas iishay, gaashaan burburay, gawrac laga maarmay, Dunidoo giblada iidsanoo, gacal walaalowdey Gudboonaanta xeerkeeda
Posted on: Mon, 19 Aug 2013 07:05:41 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015