MADAXA HAY,ADDA (COA) AYAA SHEEGAY IN SANADKAN 2013KA AY ISASOO - TopicsExpress



          

MADAXA HAY,ADDA (COA) AYAA SHEEGAY IN SANADKAN 2013KA AY ISASOO DHIIBEEN QAXOOTI DHAN 17KUN NETHERLAND. Madaxa hay ada qaabilaada qaxooytiga ee Nederland ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (COA) [Orgaan Opvang Asielzoekers ] Mudane: Jan-Kees Goet ayaa sheegay in ay filayaan qaxooti dhan 17.000 sannadkaan 2013 in ay isa soo dhiibeen. NNN:01.11.2013:Madaxa hay ada qaabilaada qaxooytiga ee Nederland: Mudane: Jan-Kees Goet Hay ada COA ayaa howlaheedii yaraadeen ka dib markii qaxootigii Nederland iska soo dhiibi jiray ay yaraadeen sababo la xiriirta siyaasada dowlada Nederland oo is badashay lana timid siyaasado lagu dhimaayo qaxootiga oo guracan taasoo kaliftay in dad badan ka weecdaan oo wadamo kale iska dhiibaan. Mudane Goet ayaa sheegay in ay ku mashquulsanyihiin shaqaalihii shaqada ka tagay ee ka shaqayn jiray hay adaan ay dib u wacaan si ay dib uga howlgalaan xurumihii qaxootiga lagu qaabilo. Dowlada Nederland ayaa sida uu sheegay Raisalwasaare Mark Rutte ku sheegay khudbad uu u jeediyey shicibka Nederland in cidwalba ay ka dareemi doonto jeebkooda iyo dhaqaale ahaan tashiilka dhimida dhaqaalaha ee kabineetka dowlada Nederland. Tashiilka dhimida dhaqaalaha wuxuu abuuray in dowlada ay yarayso ama gebi ahaanba joojiso adeegyadii ay dowlada u fidin jirtay shicibka Nederland. Sababaha kalifay in ay kordhaan qaxootiga iska soo dhiibay Nederland ayaan la aqoon, laakiin loo malaynayo in ay ugu wacantahay dagaalada ka aloosan wadanka Suuriya oo keentay in ay kuwa ka mid ah dowlada Nederland iyada ku casuunto Nederland inkastoo tiradooda yartahay, waxaa kaloo soo la sheegay in ay kordhayaan qaxootiga Soomaalida iyo Eritareeyaanka. Mudane Jan-Kees Goet ayaa sheegay in uu dhamaaday waqtigii qaxootiga lagu hayn jiray xeryaha qaxootiga uu dhamaaday oo loo oggolaan doono qaxootiga in ay qabtaan shaqooyinka mutadhawacnimada oo laga qabanaayo banaanka xeryaha qaxootiga,hadana waxaa jirta somalidu aysan iska dhiibin dalkan,oo ay aad u yartey,cunsurinimo awgeed,inta joogtaana aysan waxba la joogin. Mohamed Haji Essa(Maygaag) NNN:National News Network:Netherland.
Posted on: Fri, 01 Nov 2013 18:16:36 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015