Maalin baad la kulmeeysa qof. Waxaad asagaas/ayadaas u aragtaa qof - TopicsExpress



          

Maalin baad la kulmeeysa qof. Waxaad asagaas/ayadaas u aragtaa qof gooni ah oo ka duwan dadka kale ee aad horey ula soo kulantay. Labadiina waad isku soo dhawaaneeysaan maalinbo maalinta ka dambeeyso. Dareenka wuu sii xoogeeystay. Qofkaas wuxuu kaa dhigaa farxaan, kaa taxadaraa, ku jecelyahay/jeceshahay mar walbana ku garab taagan yahiin. Hadeer waad dagtay waxaadna u maleeysa inaad heshay JACEEYLKII noloshaada. Waxaa dadka kale u sheegtaa qofka kaa helay oo ku xiiseeynaayo hadana wadnahaaga dhex dabaashay iyo in aadan raadineeynin qof kale oo aad hadeer heshay qofkaagii. Maalinbaa waxaa bilaabmaya in arimaha is badalaan. Qofbaa joojinaya isku taxluujinta. Wicidii saqda dhexe waa dhamaadeen, Waraaqihii macaana ee ka imaan jiray qofkaas malahan, waxeey qaadaneeysa usbuucyo inaad telefoon ka heshit qofkaas, mar walba cudur daaryo, waxaa bilaabmaya inuu kaa mashquulo, iska kaa fogeeyo, tuhun baa bilaabmaya, been iyo barabagaando, gunuunac iyo xan. Xasuustii baa sii madoobaaneeyso. Waxaad isku badaleeysa in qofkaas aad u jilicsaneed uu noqdo wax aan jirin. Qofkaas aad si fiican u taqaanid wuxuu noqonayaa qof aad horey u taqaanay. Waxaad bilaabeeysaan inaad is nacdaan oo aad isku aragtaan labadiina shisheeye. Taas baa ah jidka eey xiriiryada qaar qaataan. Waa murugo, soo maahan? Waxaa qortay ~ Shukri Dadir Like & Share Hooyga Mucaashaqiinta hadii aad igu raacsansan tahay?
Posted on: Mon, 19 Aug 2013 19:24:32 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015