Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena meel kasta oo aad - TopicsExpress



          

Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena meel kasta oo aad dunida ka joogtaan, waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa wararka xanta ah ee wargeysyada ka soo baxa Ingariiska, Spain iyo Talyaaniga ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo aan saaka indhaha soo marmarinay. Xuquuqda wararkaan waxaa iska leh wargeysyada ama warbaahinta ku hor qoran, Laacib.net mas’uul kama ahan. ENGLAND: Manchester United ayaa diyaar u ah inay gasho tartanka loogu jiro xiddiga kooxda Tottenham Gareth Bale oo 24 sanno jir ah kaasoo ay weli dooneyso Real Madrid. (The Independent) Barcelona ayaa dalabkii ugu danbeeyay ka soo gudbin doonta David Luiz oo 26 sanno jir ah isbuucaan, iyadoo lagu soo waramayo in ciyaaryahanka uu doonaya inuu balanqaad ka helo tababaraha Blues Jose Mourinho. (Daily Mirror) Chelsea ayaa kalsooni ku qabta in weeraryahan Wayne Rooney ay kala soo wareegto Manchester United laakiin waxa ay sidoo kale ka fiirsanayaan inay u dhaqaaqaan weeraryahanka Anzhi Makhachkala Samuel Eto’o kaasoo 32 jir ah si uu qorshe labaad ugu noqdo. (Daily Express) Arsenal ayaa ku dhawaaneysa inay soo xerogeliso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Luis Gustavo iyagoo Bayern Munich u bandhigaya heshiis 14 milyan ginni ah. (Daily Telegraph) West Brom ayaa rajeyneysa inay dhameystirto saxiixa 21 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Udinese Matej Vydra manta, waxaana ay sidoo kale dib u furtay wadahadaladii ay ku dooneysay inay Man City kala soo wareegto 24 jirka Scott Sinclair. (Brimingham Mail) Si kastaba, Sunderland iyo West Ham ayaa sidoo kale kula dagaalamaya saxiixa Vydra, kaasoo amaah ku qaatay xilli ciyaareedkii hore Watford islamarkaana dhaliyay 20 gool. (Metro) Kooxda Sunderland ayaa sidoo kale xiiseyneysa inay la soo wareegto weeraryahanka Juventus ee 30 jirka ah Fabio Quagliarella, kaasoo sidoo kale lala xiriiriyay kooxda Norwich. (The Times) Liverpool ayaa rajo ka qabta inay dhameystiro saxiixa daafaca bidix ee Granada Guilherme Siqueira oo 27 sanno jir ah, waxaana la rumeysan yahay inay kula soo wareegayaan heshiis 6 milyan ginni ah. (Liverpool Echo)
Posted on: Mon, 12 Aug 2013 09:39:24 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015