Maamulka Mu’asasada Alminhaaj oo kulan xog iswaydaarsiya caaway - TopicsExpress



          

Maamulka Mu’asasada Alminhaaj oo kulan xog iswaydaarsiya caaway magaalad boosaaso ku qabtay: Maamulka Mu’asasada Alminhaaj ayaa caawa soo qaban qaabiyay kulan ay isugu yimaadeen maamulka Mu’sasada iyo waxgarad ,ducaada ,ganaacsata Odayaasha dhaqanka iyo Ardayda waxkabarata magaalada Boosaaso Ee kasoo jeeda deegaanka degmada Ufayn. Kulan kaan oo la xiriira safar dacwadeed ay horay Mu’asasadu deegaankaas ku tagtay , caawana warbixin uga soo jeedisay waxgaradka degaankaasi iyo Talooyin Dhaxal gal ah oo ku saabsan baahida dacwadeed ee deegaankaa ka jidha iyo sidii loo hormarin lahaa . Ugu horayntii waxaa kulanka furay Gudoomiyaha Mu’asasada Al-minhaaj Ee G\Bari Shiikh Faarax Max’ed Cajab , oo hadala baraarujin iyo alla ka cabsi ah halkaa kasoo jeediyay , isla markaana kusoo dhawayay Shiikh Iimaan Yuusuf Max’uud oo ka hadlay ujeedada kulankan caawa la isugu yimid iyo qiimaha uu ku fadhiyo gaar ahaan ardayda de’yarta ah . Intaas ka dib waxaa hadalka qaatay Gudoomiyaha guud Ee Mu’asasada Al-minhaaj Shiikh Max’ed Max’uud Ciise oo ka hadlay nuxurkii shirka , wuxuuna gudoomoyuhu soo babdhigay warbixintii safar dacwadeedkii ay Mu’asasadu deegaankaas ku tagtay , gaba gabadii hadal kiisana talooyin muhiim ah halkaa kasoo jeediyay . Gaba gabadii Kulan kana waxaa kalmad mahad celin , Baraarujin iyo talooyin isugu jidha halkaa ka yiri Beeldaaje Cali Faarax oo isagu kulanka so af- meeray .
Posted on: Fri, 25 Oct 2013 19:07:02 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015