Madaxweynaha Somalia oo Ban Ki-Moon la kulmay+Sawiro Sep 28, 2013 - TopicsExpress



          

Madaxweynaha Somalia oo Ban Ki-Moon la kulmay+Sawiro Sep 28, 2013 - jawaab New York (Sky N Online) – Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Xafiiskiisa kula kumay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midowbey, Ban-Ki-Moon, isagoo kala hadlay sidii loo kobcin lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac. Ban-Ki-Moon wuxuu hadalkiisa ku billaabay ammaan uu u soo jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya mudane Hassan Sheikh Maxamuud hoggaanka iyo maamulka wanaagsan ee uu-wado. Wuxuu kale ee Ban-Ki-Moon sheegay in Qaramada Midowbey ay mar walba diyaar u tahay iney taageerto dowladda uu u hoggaanka u haayo Madaxweyne Hassan Sh. Mudane Hassan Shekh Mohamoud oo isagana markiisa hadalka qaatay, wuxuu uga mahad celiyey Ban-Ki-Moon si loogu soo dhaweeyey xarunta weyn ee Qaramada Midowbey. Wuxuu Madaxweyne Hassan Sheikh uga warbixiyey guulihii ay Dowladda Somaliyeed ay gaartay tan iyo markii uu hoggaanka qabtay. Wuxuu kale oo Madaxweynaha ka hadlay waxna ka ta-taabtay arrimaha la xiriira nabad gelyada, siyaasadda, xuquuqul Insaanka, shirkii Brussels iyo guud ahaan warbxin dhinac walba taabaneysa ee Soomaaliya. Wuxuu ka codsaday Ban-Ki-Moon in taageero buuxda la siiyo Ciidamada Xoogga Dalka Somaliyeed si ay uga hortagaan khatarta ay wadaan Al-Shabaab. Wxuu Madaxweyne Hassan Sheikh Moxamoud uga tacsiyadeeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru iyo dhammaan shacbiga Kenya dhibaatadii dhawaan ka soo gaartay West Gate oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac. Ugu dambeyntii wuxuu Madaxweyne Hassan Sheikh ka codsaday Ban-Ki-Moon in shaqaalaha Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya ay u soo guuraan caasimadda Xamar.
Posted on: Sat, 28 Sep 2013 13:48:31 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015